Shir khadka telefoonka ku dhex maray madaxda maamul-goboleedyada

0
58

Muqdisho(Walwaal online)- Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa wada hadalo saacado qaatay xalay ku yeeshay khadka taleefanka, iyagoo isu soo dhowaansho ka muujiyay aragtiyadii kala foggaa, waxaana la filayaa in dhammaadka bishan shir la isugu yimaado, waxaana ay u badan tahay in shirka ka dhaco Baydhabo, inkastoo aan weli la isku raacin goobta.

Wada hadalada xalay khadka Taleefanka ku dhex maray Shanta Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne Lafta Gareen oo muddooyinkan waday dadaalada wada xalka loogu raadinayo is mari waaga ka taagan Arrimaha doorashada, kaddib wada hadalo si kala gaar gaar ula yeeshay Madaxda dowlad goboleedyada kale.

Sidoo kale waxaa jira dadaal xoog leh iyo u kala dab qaadis ay wadaan Beesha Caalamka, kaasoo horseedka uu ka yahay James Swan, si looga guul gaaro xalinta caqabadaha ka taagan doorashooyinka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here