Shir loogu sii diyaar garoobayo mid kale oo caawa dhici raba oo Villa-Soomaliya ka socda

0
34

Muqdisho (Walwaal Online)- Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir uga socda Madaxtooyada. Shirkan oo qado ahaa oo Madaxweynuhu ku martiqaaday Madaxda ayaa looga hadlayaa xaaladihii ka soo kordhay is mari waagii ka taagnaa doorashada oo shalay Xukuumadda ku dhawaaqday in la guda galayo hirgelinta doorashada si aan waqti kale u sii lumin, kaddib markii Madaxweyne Qoorqoor uu caddeeyay inuu fashilmay dadaaladii uu waday, isagoo eedda dusha ka saaray Puntland iyo Jubbaland.

Shirkan u socda Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa ku soo aaday, iyadoo caawa ay balansan yihiin Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynayaasha saddexda Dowlad Goboleed.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here