Shirka xoojinta waxsoosaarka dalka oo ay qaban-qaabinaysi wasaarada ganacsiga Soomaaliya

0
35

Muqdisho (Walwaal Online)- Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya , waxay qabanaysaa Shirka madasha iskaashiga ganacsiga beeralayda Soomaaliya kaasi oo loogga hadlaayo siddii ganacsatada iyo beeralaydu ba iskaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo weliba in suuqyo ganacsi oo gudaha iyo kuwo caalami ah loo raadiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Shirkan oo la filaya maalinta berri ah oo ku beegan 13-ka Janaayo 2021 ka qabsoomi doona Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeyb-gali doona madaxda Wasaaraddaha ganacsiga iyo beeraha dowladda Soomaaliya, masuuliyiin ka socoto wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha dawladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe,iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Shirkaan qaban qaabadiisa waxaa isla leh wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka iyo in la dhiirigaliyo beeraaleyda Soomaaliyeed.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here