Soodhawoow Garaad.

0
45

15 sanadood, ayuu dibed wareeg ka ahaa, magaaladiisii iyo gurigiisii. Qadiyada Dhulbahante, qof ka mayal adag ma garanayo. Inkasta oo gunnimo badan jirtay reerkuna jabay haddana, haddii isaga oo haya cimaamadii Garaadka guud ee beesha uu maamuullada hareeraha marba mid aadi lahaa, shilimaadna dhaafsan lahaa milgaha cimaamada waxay noqon lahayd foolxumo iyo ceeb mahadho ah. Ixtiraamka, jacaylka iyo qiimaha uu dadkiisa ku dhexleeyahay wax bilaash iyo sifudud ku yimi ma aha.

Marka laga yimaado inuu dhawray, milgaha cimaamada uu hayo dhinaca kale waxa uu ilaaliyay sharafka iyo sumcadda silsilada Garaadnimo ee sootaxnayd boqollaalka sano.

Sawirkani waxa uu mujinayaa in lagu jiro diyaar garawgii, ugu dambeeyay ee ku imaan lahaa magaalomadaxda iyo caasimadda deegaanka Dhulbahante ee Laaascaaanood, Garaadka guud ee beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. Garaadku isagoo ay gelbinayaan boqollaal ciidamo ah oo ku gaashaaman gadiidka dagaalka ayuu imaan doonaa, kumannaan shacab ahna way soodhawayn doonaan, Laascaanoodna berri waxay u tahay maalin weyn oo taarikhi ah.

W/Q: Jaamac Garbiye

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here