WAAYO-ARAGNIMADII IS DHEXGELINTA SHARCIGA

0
294

26-kii Juun 1960-kii, Maxmiyadii Ingriiska ee Somaliland waxay noqotay Dawlad madax-banaan oo la magac baxday Somaliland. Waxay ahayd madax-bannaanidii ugu gaabanayd ee la diiwaan geliyo. Shan maalmood ka dib, Somaliland waxay ku biirtay dalka ay jaarka ahaayeen ee Soomaaliya, oo ahaa dhul  Qaramada Midoobay u qoondaysay gobbanimo gaadhid, dhulkaa oo hoos tegayey maamulkii Talyaaniga, kaas oo xornimada qaatay July 1, 1960-kii, waxaanayna labadaa xoriyada qaatay si wada jir ah u samaysteen dawlad midaysan oo la magac baxday Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Soomaaliya bedkeeda guud wuxuu ku dhow yahay 250,000 oo mayl laba jibaaran, waxaana dadka ku nool lagu qiyaasaa ilaa 2.5 milyan. Baaxadda iyo tirada dadka Gobollada Waqooyi (Maxmiyaddii hore ee Ingiriiska ee Somaliland) waxay ka dhigan tahay afar meelood meel, halka kuwa Gobollada Koonfureed ay ka yihiin qiyaastii afar meelood saddex meelood  dalka oo dhan. Qiyaastii 70 boqolkiiba dadku waa xoolo-dhaqato reer-guuraa ah hantidooda ugu weynina tahay geella. Kuwo waxay degeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyo magaalooyinka kale, dhulka beeralayda ah ee labada webi, Jubba iyo webi shabeelle.

Afka Soomaaliga, oo leh kala duwanaansho yar, ayaa looga hadlaa dalka oo dhan. Qiyaastii 99% dadka deggan waddanku waa muslimiin sunni ah oo raacsan mad-habka Shaafici.

Saddex rubuc qarni ka hor midowga labada dhul ee ay ka kooban tahay jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa maamulayay labo dowladood oo Yurub ah. Shuruucda iyo hay’adaha waqooyi waxay ahaayeen kuwa ku tiirsanaa Ingiriiska; Koonfurtu waxay raacday nidaamkii talyaanigu horuumariyey xilligii gumeysiga iyo wakhtigii xornimo gaadhsiinta.

Advertisement

Si ay jamhuuriyadda cusubi u noqoto dawlad dhab ah oo midaysan waxa lagama maarmaan ahayd in la mideeyo sharci-dejinta labada qaybood ee dalka. Si aan dawladda Soomaaliya gacan uga siiyo hawshaas waxaa bishii Oktoobar 1960-kii digreeto Madaxweyne lagu magacaabay Guddi wada-tashi ah oo Is-dhex-galka loo sameeyey (kadibna loo bixiyey Guddiga Wadatashiga ee Sharci-dejinta), hadaba waxaa sharaf ii ahayd in aan Guddigaas guddoomiye ka noqdo laga soo bilaabo biloowgiisii ​​ilaa iyo hadda, Dhamaadkii 1964kii.

Ka dib markii aan xog-ururin ku sameeyay tillaabooyinka loo maro xornimada iyo dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaan isku dayey inaan qeexo horumarka laga gaadhay hannaanka isku dhafka sharci-dejinta.

Daraasadani waxay sidoo kale isku dayeysaa inay muujiso isdhexgalka nidaamyada sharci ee kala duwan ee ka jirey dalka (sharciga guud, sharciga madaniga, shareecada Islaamka iyo xeer dhaqameedka) iyo saamaynta ay ku leeyihiin dastuurka, shuruucda iyo go’aamada garsoorka. Ugu dambayntiina waxaa laga doodayaa doorka sharciga dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Daraasadan looguma talagalin in ay ahaato sahan dhamaystiran oo  sharciga Soomaaliya ah. Waxay ku salaysan tahay inta badan waayo-aragnimadii aan ka helay labadii shaqo ee aan Soomaaliya ka qabtay, oo ahayd tii ugu horreysay 1957/58 oo aan xubin ka ahaa Guddiga Farsamada ee Dastuurka iyo tii labaad, ka dib markii ay xorriyadda qaateen, oo aan noqday La-taliyaha Sharciga ee Qaramada Midoobay ee Dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha gudigaas, taasina waxay ka muuqataa labadaa shaqo.

Waxyaabaha ku jira shaqadan. Marka la qeexo horumarka sharci-dejinta iyo garsoorka tan iyo madax-bannaanida, waxa xoogga la saarayaa dhibaatooyinka muhiimka ah ee ka dhasha wada-noolaanshaha nidaamyada sharci ee kala duwan, iyo xalalka la qaatay.

Waxaan halkan uga mahad-celinayaa Dr. Xaji N. A. Noor Muxammad, La-taliyaha Sharciga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, hore na u ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenkii Maxkamadda Sare ee dalka Dr. Xaji N. A. Noor Muxammad oo soo bandhigay qoraalkiisa ‘Horumarinta Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya’ iyo agabyo kale oo uu diyaariyey. Waxa kale oo aan abaal u hayaa Mr. Martin Ganzglass, oo Soomaaliya joogay 1966-kii ilaa 1968-kii isaga oo la taliye sharci u ahaa Peace Corps, faallooyinkii waxtarka lahaa ee uu ka bixiyey qoraalka daraasaddan. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa xaaskeyga Jeanne, samirkeeda iyo kaalmada qiimaha badan ee ay ku bixisay tafatirka iyo soo saarida qoraalka.

PC.

Gobannimo dhowaatay

Oo labadan is u geynay e

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here