Ugu yaraan 20 caruur ah ayaa ku dhintay dab ka kacay iskuul kuyaal Niger

0
297

In ka badan 20 caruur ah ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dab ka kacay iskuul ku yaala magaalada labaad ee ugu weyn dalka Niger subaxnimadii isniinta, sida uu sheegay maamulka Maradi.

Saddex fasal oo ahaa dugsi ka samaysan caws ayaa dabka ku basbeelay, waxaana ku dhintay carruur da’doodu u dhaxayso saddex ilaa siddeed jir, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dabkan oo aan ilaa hadda la garanayn waxa sababay iyo halka uu ka kacay, ayaa lagu bilaabay baadhis, sida ay xaqiijiyeen Hay’adda Waxbarashada ee heer Gobol.

Aqallada cawska ah ayaa inta badan loo isticmaalaa in wax lagu baro ardayda dhigata iskuulada cidhiidhiga ah ee Niger.

Advertisement

Bishii April, dab ay kiciyeen dabeylo xooggan ayaa ka kacay dugsi hoose oo ku yaalla duleedka caasimadda Niger ee Niamey, halkaas oo ay ku dhinteen 20 carruur ah.

Tan iyo markaas, macallimiinta iyo waalidiintu waxay sheegayeen in dhimashada dababku ay muujinayso khatarta haysata fasallada ku-meel-gaadhka ah ee bannaanada lag yagleelo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here