Waxaa iska dhalay labada bisadood ee bahda bisadaha ugu waaweyn

0
53

Xayawaankan oo ay iska dhaleen Libaax lab ah iyo Shabeel dheddig ah. Waxaa afka qalaad loogu yeera noolaha ay iska dhalaan libaaxa iyo shabeelku “Liger”. Waxaa lagu magacaabaa Hercules, waxa uu buuga dhacdooyinka dunida ku galay inuu yahay bisadda ugu weyn dunida. Waxa uu miisaankiisu ka culus yahay laba jeer Shabeelka iyo Libaaxa oo ah labada bisadood ee bahda bisadaha ugu waaweyn.

Hercules waxa uu dhashay 2003-dii, waxaa iska dhalay libaax lab ah oo Afrika laga keenay iyo shabeel dheddig ah oo Hindiya laga keenay. Waxa uu ku dhashay xero xayawaan oo kutaal Maraykanka isaga iyo saddex kale oo walaalihii ah.

Waa noole aad u weyn oo dhererkiisu waxa uu ka badan yahay saddex mitir halka joogiisu ka badan yahay 1.25mitir. Miisaankiisu waa 418kg. Waxa uu maalinkii cunaa illaa 14kg oo hilib ah. Dabeecadda dad la dhaqanka waxa uu ka raacay Libaaxa, halka uu sheeblka ka raacay waxyaabo ay ka mid yihiin dabaasha iyo biyaha uu shabeelku jecel yahay iyo inta badan muuqiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here