Waxaa la leeyahay wiilkaas iyo gabadhaas ayaa caruurti laga qaatay

0
588

Ma hubo run iyo been waxa ay tahay.

Laakin waxaa fajac iigu noqday sida ay Soomaalida uga falcelisay oo ah in ay ku faraxsan yihiin in ilmahaas waalidkood laga qaado, taas waxaa ka sii yaab badan in kuwa dacwada gudbiyay ay yihiin isla Soomaali.

Sababta ay dadka ugu faraxsan yihiina waxewy leeyihiin dhaqan xumo ayey caruurta hortooda uga sheekeeyaan. Aniga waligeey ma daawan labadaan qof marki laga reebo group ay ku jireen oo la soo duubay, hadalkoodana kama muuqan dad dun xun in ay yihiin oo si caadi ah ayey u garamaayeen.

Wax sahlan maaha in waalidka caruurtiisa laga fogeeyo wax lagu farxo ama loo riyaaqana maaha, mana jirto meel caruurta u dhaanto waalidkood, kuwa loo geynaayana dhaqan wanaagsan ma bari doonaan.

Advertisement

Koleey gaalo anshax xumo ayagaa laga soo gaaray oo hadii waalidkaan sharuudaha kale ay ka gudbaan in loo soo celiyo ayaan u rajeynaayaa khaladkoodana ay wax ka bartaa.

Kuwa ku faraxsana ee qurbaha joogana waxaan leeyahay geeridi galbeed laga sheego gundahaada ka day, caruurtaan kuwi ugu horeeyayna ma ahan kuwi ugu dambeeyayna ma noqon doonaan, sababtoo ah kuwa caruurta qaado iyo kuwa loo geeyo waa dad ka macaasho oo lacag ayey ka helaayaan, mar kasto oo ay fursad helaana way qaadi doonaan caruurta si ay ayaga u faa’iidaan.

W/Q:Bisle Hassan Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here