Weerar lagu qaaday xarunta diiwaan gelinta Cod-bixiyaasha Somalilad ee Laascaanood

0
38

Muqdisho (Walwaal Online)- Qarax ayaa caawa ka dhacay magaalada Laascaanood ee xaruunta gobolka Sool, iyadoona lagu weeraray xaruunta diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland ee magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa bambada nuuca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay xaafadaha kala duwan ee Laascaanood.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa lagu sheegay in uu waxyeelo u geystay xaruntii diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland, waxaana ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidamada Maamulka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Somaliland, waxaana ay sameeyeen baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay weerarka.

Advertisement

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo cabsi ku abuuray shacabka, oo ka walwalsan in la beegsado, haddii ay tageen goobaha diiwaan-gelinta Cod-bixiyaasha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here