Xalkii u danbeeyay ee lagu dayo madaxwayne Biixi wuxu ahaa gudida ganacsatada ee dalka..

0
137

Waxan islahaa luuqadda ganacsiga wuu fahmi,maxaa yeelay imika madaxwaynuhu waa ganacsade,Biixi Family dhaale badan ayay samaysteen intii xilka umadda hayeen.

Waxayse u umuuqataa in ay wali sii socoto luuqaddii muruqa iyo muquuninta ,sida ku cad shirkii jaraa’id ee goordhawayd kasoo baxay gudida ganacsatada dhexdhexaadinta dhinacyada siyaasadda iyo sida maanta ku cad kulankii golaha wasiirada KULMIYE ee maanta.

Runtii aniga warwar Horleh ayay igu abuurtay diidista ay kala kulmeen xukuumadda odayaashaas is xilqaamay,kadib markii KULMIYE hore u diiday wax garadkii dalka ee isxilqaamay.

Sababtuna waxay tahay in aanu jirin xeer iyo sharci ay diyaar u yihiin KULMIYE waayo iyaga ayaa hore uugu ciyaaray,maantana laga filimaayo in ay ku dhaqmaan.

Advertisement

Waa midda labaade aragti fiican ayay soo jeediyeen gudidu balse may ahayn in ay goloyaal u celiyaan maxaa yeelay golayaashu waa kuwii la ogaa waxay ku dhammaadeen.

Dalka uun inoo ilaaliya shacabkaygoow.

W/Q:  Farhan Abi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here