Xaqiiqada Shirkii Burco 1991-kii Ee Loo Tixraaco Yagleelka Somaliland

0
138

Xaqiiqada Shirkii Burco 1991-kii Ee Loo Tixraaco Yagleelka
Somaliland
March 24, 2017
Xaqiiqada Shirkii Burco 1991-kii Ee Loo Tixraaco Yagleelka
Somaliland
Ø Adigoo xishood iyo aqoon xaakin ku ahaaday
Ø Haddii xalay waxaasaad fashiyo xumo laguu sheegto
Ø Xanta iyo badheedhkaba haddii lagugu xayd-xaydo
Ø Xujada waa furaa kii ogaa xaal siduu yahaye.
Ibo-furka Qormada
Bulsho kastaa ba marka ay doonayso in ay qaado toobiyaha ku tubban
waddada toosan ee guusha iyo gobanimada lagu hanto, waxaa
habboon oo qumman in ay dib ugu laabtaan iska na soo raadqaadsiiyaan sooyaalkoodii hore wixii uu soo meeray. Si ay libinta u
libirsadaan ladnaanna ugu leddaan, waxaa lama-huraan ah in ay si
dhinmirsan oo degan u gorfeeyaan u na lafo-guraan wixii keenay
arbushka sirgacan iyo gunnimadan ku qandooda, iyo halka ay ka
qudhantay taladan u galgaal bixi kari la’.
Hubanti weeye, talada aan si madax bannaan oo wada-jir ah loo
miyirin ay maroorsamayso. Hadda ba bulshadeenna Soomaaliyeed,
waxa aad og tihiin in ay 36 gu’ ay ku soo jirtay xaalad burbur, belo
kicis iyo bayhoof ah. Waa mid aad ka dheregsan tihiin 36-daas sanno
in ay ahayd dad ku heshiin waayey in ay gaadhaan talo waarta oo
aayahooda u toosisa.
Jaalle hadda ba xaaladdaas aynu ku jirnay soddon iyo jarjarkaas
sanno, waxa aan ugu yeedhay “Diyowgii Dadka Soomaaliyeed”.
Dadkeennu waxa uu ka dhigan yahay qof madaxa ay kaga taalo
“doog” oo isaga oo diyowsan weliba gudaya habeen gudcura, kaas oo
marba isku qaadaya waddooyin toore iyo falfallo ah oo ay jiifaan
halaqyo marka uu arko hadda na dib uga soo laabanaya, oo hadda na
isku qaadaya tub qarraxyo lagu aasay, oo marka ay halkaasi na ku
qarxadana hadda na dib uga soo cararaya.
Qofku marka uu xaalkiisu noocaas noqdo waxaa foollaadsan inuu
yara jiifsado si uu u miyirsado oo uu uga baxo xaaladdan diyowga ah,
dabadeedna uu kaco xilliga waa-berigu soo dhaw yahay ah ee xilliga
loo yaqaan “jiidhka”. Goortaasna waxa toobboon inuu hareerahiisa
eego, sida oo kale na cirka jaleeco isaga oo dhaagaya xiddigaha
xilligaas soo baxa ee ay ka mid tahay “xiddigta waaberi”. Intaas
marka uu sameeyana waa inuu raadkiisi hore dib u soo raacaa oo uu
soo saxdaa halka uu dawgiisu ku tubbanaa si uu u gaaro bartii uu u
socday.
Hadda ba dadkeenna Soomaaliyeed oo ka dhigan qofkaas diyowsan
ee gudcurka damta ah gudaya, waxa habboon in la miyirsado oo dib
la isugu laabto, iyada oo labo dhinac (arrinta waqooyiga
Soomaaliyeed “Somaliland” iyo midnimada waqooyi iyo koonfurta
Soomaaliyeed) loo dhugmo yeelanayo.
Waa marag-ma-doonto in laga gudbayo arrintan diyowga ah iyo
xadhkaha uu cadowga Soomaaliyeed inoo gamaamadayo.
–Gudcur raadki guuraha ku lumey waaga galacdiisa
–Gadaal subaxi waw goobi jirey ruuxa gurayaaye
–Xadhka gunudka waa laga gayoon ay gammaamadiye..(Dhoodaan).
Jaalle qormadani waa mid aan kugu seemi doono xog aadan hore u
hayn, waa na mid aan kaa soo raad-qaadsiin doono guyaal tegay halka
ay ka soo dalagantay xaaladdeennan maanta cawajsan.
Golnuugsiga Qormada
Hubaal weeye in dhacdooyinka aadanaha siyaalo kala duwan ay u
gaadhaan dad kala duwan, waqtiyo kala geddisan. Waxa aan soo bandhigayaa weji aan hore loo faafin, oo ay goob-joogayaal shirkii Burco
May 1991-kii iigu xaqiijiyeen. Waxa aynu in badan maqalnaa shir
beeleedkii Burco, ee beelaha reer Waqooyigu ku aasaaseen
Somaliland, bal se’ wixii dhacay ee dhab ahaan aan looga dhergin
ayaa aan waqti dheer iyo xog uruurin cilmiyeed ku soo koobay labadii
dharaarood ee shir-weynahaas loo nisbeenayey. Uma jeedo durriin
iyo mucaaradad midnaba, hase-ahaate waxaa xaqiiqadan soo socota
ee maanta soo baxday marag looga heli karaa intooda maanta nool ee
ahaa ka qayb-galayaashii kulankii Burco.
Ma qummana in qiiro iyo rabitaan qudheed lagu cabbiro dhabta
dhacdooyinka waayaha, waxaa se’ si weyn loo faafiyey xogo aan runta
ku qotomin, kuwaas oo buuxiyey kaalmihii iyo dareenadii dadka aan
goob-joogga iyo xogo-ogaalka midna ahayn. Bal qiyaas beelo
waaweyn iyo jabhad weyn oo maalmo ka hor colaadi ka dhex oognayd
inay labo maalmood oo keliya, weliba gelin hore ku gunaanadi karaan
is af-garad, wada hadal, heshiisyo iyo dawlad-wadaag tiiyoo aan loo
marin maamul u dhexeeya ama ay ku wada jiraan xubno dadyowga
kala duwan ahi, oo loo doorto xog-hayno iyo shir-guddoonno
hannaaniya hab u socodka talo wadaag yeesha xeerar iyo tixraacyo,
oo faallooyinka hir-gelay ku ambaqaadmi kara.
Ha inoo dambeyso dareennadii iyo go’aannadii beelaha kala oodda iyo
siyaasadda ahaa, ee bariga, badhtamaha iyo galbeedka isaga yimi iyo
xaqiiqooyinkoodii dharaarahaas, bal se’ aan si qeexan oo qayaxan oo
run ah oo aan cidina dafiri karin bal aan idiinku jalbeebo taxanihii
kulankaas Burco iyo wejigiisii dhabta ahaa.
Habkii Uu U Dhacay Shirkii Burco Ee May, 1991-kii
Waa guriga qaranka ee Burco (State House), waxa ka muuqda burbur
weyn, dayrkiisa ayaa habeenkii furshaan loo dhigaa, ergooyinka ka
kala yimi waqooyiga oo idil, kuwaas oo ay ku jiraan isimada iyo
salaadiintuba. Waa mugdi oo meeshu koronto ma laha. Waxa laga
saaray ergo uu watay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka
koobnaa 35 xubnood. Waxa lagu duray in ay ka soo jeeddaan
hadhaagii Maxamed Siyaad Barre. Waxaa na taas ku qancayey SNMta oo meesha maamulaysey, xubno ay gacan saar hore la lahaayeen
oo reer Sool ah oo mucaaradkii dawladda ka mid ahaan jiray.
Arbacadii saddexdii May 1991-kii, waxaa guriga martida loogu yimi
oo gaadhi lagaga qaaday toban xubnood oo reer Sool ah, kuwaas oo
ahaa garabkii ay SNM gacan saarka lahayd, waxaa na la geeyey guri
buundada u dhow oo ku naban daarta loo yaqaan Ina Qulumbe. Isla
daartaas waxa ku sugnaa odayaal kala metelayey beelaha Ciise,
Gedabuursi, Warsengeli, iyo qolo sheeganaysay guurtida reer Shiikh
Isxaaq, guurtidaas oo ahayd gole-siyaasaddeed beeleed oo ay
jabhaddii SNM ay ku soo dhistay dhulkii Itoobiya ee ay jabhaddu ku
sugnaan jirtay.
Waa sidaas e’, daarta hoolkeeda weyn, waxa dhex-yaalay labo
jawaan oo qaadka hereriga ah. Kaftan iyo haasaawe gacaltooyo oo
tuuro-tuuro gooyo ah, markii la isku jalbeebay, ayaa cabbaar ka dib
waxa shirkii furay raggii ahaa guurtida Isaaq. Waxa ay sheegeen in
shirkii Febraayo 1991-kii ee Berbera ee Guddoomiyihii
SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu la yeeshay ergooyinkii
koob-koobnaa ee ka kala socday beelaha reer Waqooyiga kale ah,
kaas oo la isku raacay afar iyo toban qodob, oo midkii ugu
muhiimsanaa uu ahaa; “in dib loogu noqdo axdigii midawga
Soomaaliyeed ee 1960-kii (taas oo macnaheedu ahayd in awood
qaybsi lala galo koonfur)”. Hadda ba waxa ay sheegeen in shirkaas ka
dib ay Hargeysa kulan reer Shiikh Isxaaq u gaar ah ay ku soo qaateen,
kaas oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid yihiin:
• 1- In lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.
• 2- In dawladda cusub lagu maamulo shareecada Islaamka.
• 3- In si caddaalad ah loo qaybsado golayaasha dawladda.
Saddexdaas qodob ayaa ay Guurtidii Reer Shiikh Isxaaq ka codsadeen
in beelahan kale ay la qaataan ku na raacaan go’aannadaas.
Haddaba maalintaas waxaa magaalada Burco ku sugnaa ergooyin
tiradoodu boqol xubnood ku dhowdahay oo ka tirsan beesha
Dhulbahante, kuwaas oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddaba.
Waxaa na ergadaas ku jiray labo garaad oo ah; isimada ugu faca-weyn
sooyaalka talada Dhulbahante. Hase-yeeshee tobanka xubnood ee
galabtaas laga soo kexeeyey aqalka martida, waxa ku jiray saddex
caaqil, labo dhallinyaro ah iyo shan nin garbeedda oo kale, waxa ay
na kala ahaayeen:
• 1- Caaqil Axmed Xirsi Cawl
• 2- Caaqil Askar Jaamac Yuusuf
• 3- Samadoon Cawil Xirsi Ciise (Cawil-toodho)
• 4- Gaashaanle Sare Abshir Saalax Maxamed (ammintaas Garaad
ma uu ahayn)
• 5- Xaaji Cabdi Maxamuud Cabdi (Cabdi-sholoh)
• 6- Hurre Barre Dirir
• 7- Shiikh Daahir Xaaji Xasan
• 8- Cabdi Xasan Dawaarre (Ina Xasan Caamiye)
• 9-Maxamed Iimaan Maxamed (Baal Cirro) iyo
• 10- Xasan Cali Jaamac
Tobankan xubnood ayaa sagaalka hore ka soo-jeedaan beelaha
Faarax iyo Maxamuud Garaad, halka ninka ugu dambeeya uu ahaa nin
dhallinyaro ah oo ka soo-jeeday beesha Hayaag, waxa uu na ahaa
ninka keliya ee beelaha Baho Nugaaleed ka fadhiyey madashaas.
Shiikh Daahir Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobankii oday ee
Dhulbahante ayaa hadalkii qaatay, waxa uu na xusay in qodobbadani
ay yihiin kuwii ku habboonnaa in shir-weynaha Sabtida furmi doona
lagaga hadlo ayna awoood u lahayn inta madasha joogta in ay
go’aannadaa masiiriga ah wax ka yidhaahdaan. Hase-ahaate, xubnihii
reer Awdal ee kulankaa qayilaadda ah goob-joogga ka ahaa waa ay
taageereen. Qoladii warsangeli waxa ay yidhaahdeen waftigayagii ma
dhamma, xaajadanna waxa aan ku simaynaa wakil suldaan Ismaaciil
Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aan markaa kulanka fadhiyin, laakiin
isla xilligaas ku sugnaa magaalada Burco.
Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac isna waxa uu degganaa guri u
dhow midka Ismaaciil Suldaan oo Bariga Burco ku yaal.
Ergadii Garaad Saleebaan oo isimka iyo cuqaashu waxa ay ku
sugnaayeen guriga Cabdi Shaybe oo laamiga badhtamaha saaran,
ergada inteeda kale na, waxa qaabilay beesha Aadan Madoobe.
Waftiga badan ee Dhulbahante ee uu watay Garaad Cabdiqani oo u
badnaa mucaaradkii dawladda ka koobnaa 73 xubnood waxa ay
degganaayeen hudheelka Ina Faarax Gawe ee saldhigga booliiska u
dhow, kaas oo qudhiisa burbursanaa dedkiisuna uu ahaa shiraacyo.
Isla arbacadaa waxaa beyaan qeexaya mawqifka Harti waqooyi
(Dhulbahante iyo Warsangeli) soo saaray toddoba xubnood oo ay ka
mid ahaayeen:
• 1- Pro. Cali Khaliif Galeydh
• 2- Xeeryaqaan Muuse Xaaji Diiriye (Muuse Idaar)
• 3- Baayar Mahdi Ducaale iyo xubno kale.
Fiidnimadii ayaa qoraalkaas midba aqalkiisa lagaga soo saxeexay
labada Garaad ee Dhulbahante iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli oo
aynu magacyadoooda kor ku soo xusnay. Shaqadan midaynta
mawqifka Hartiga Burco, waxa u hawl-galay Ilaah ha u
naxariiste Yaasiin Axmed Xaaji Nuur oo Dhulbahante ahaa, xubinna
ka ahaa golaha dhexe ee SNM, isaga oo isla arbacadaa ka soo galay
safar uu kaga yimid Dirir-dhabe.
Hase-ahaate maxaa dhacay subaxii sabtidii la sugayey? Waxaa
dhismaha go’an ee Guriga Martida ganjeelada saaran ee bartamaha
Bariga, ayaa barendaddiisa oo galbeedka u jeedda kuraasi loo dhigay
guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Tuur iyo ku-xigeenkiisii Xasan
Ciise Jaamac. Codbaahiye ahaa nooca beetariga ku shaqeeya oo ahaa
kuwa gacanta lagu qaato, ayaa waxaa ku hadlaya Xasan Ciise.
Qudhaca yare e barendaha ka hor-jeeda waxa kuraasi ku fadhiyey dad
aan siddeetan nin ka badnayn. Ma joogin subaxdaa Suldaan ama
Garaad keliya ahi.
Xasan Ciise waxa uu taxayey bishaarooyin badan, waxa uu na markii
qof hadlaba ka daba lahaa, waxaa soo socda oo Berbera ku soo
wajahan maraakiib sida shixnado isugu jirta alaabta dhismaha iyo
raashin, waxa uu na lahaa waxaa inoo soo diray dalal Carbeed oo uu
marba mid magacaabayey. Dadkuna Allaahu Akbar oo ay gacan-taag
ku ladhayeen ayaa ay ugu jiibinayeen.
Waxaa laga duubayey labo kamaradood oo kuwa fiidyowga ah, waxaa
na cabbaar ka dib la xaadiriyey afar oday oo ku kala hadlayey
magacyada gobollada Tog-dheer, Sool, Sanaag iyo Awdal, sida ay u
kala horreeyaan bay khudbaduhuna isugu xigeen.
Odaygii ku hadlayey magaca Tog-dheer waxa uu yiri; “shan caanomaal oo ina dhaafay oo ka bilaabma galabtii arbacadii ayaa guurtida
beeluhu shirar gaara ku jireen, waxa ayna isla garteen qodobbo
saddexdaan hore u soo sheegnay”, taas oo uu ku siyaadiyey in la
nabaddeeyo meelaha ay colaaduhu ka jiraan sida Ceerigaabo oo kale
ayaa uu carrabka ku dhuftay. Allaahu Akbar Allaahu Akbar oo gacanta
midig la taagayo ayaa lagu taageeray.
Odaygii Sool oo ahaa Caaqil Axmed Xirsi Cawl waa uu ayiday, waxa
uu na raaciyey erayo kaftan ah oo uu weedha “Allaahu Akbar” ku
durayey in ay SNM-tu dagaalka ku soo geli jirtay. Odaygii Sanaagna
oo ka soo jeeday beesha Ogays-labe, isagu waxa uu yiri; “annigu
beesha Isaaq oo kaliya ayaa aan la dardaarmayaa”, isaga oo u
kaftamay sidatan soo socota ayaa uu yidhi; “Isaaqow shalay idinkaa
gaalka inoo keenay, koow, kolkii dambena idinkaa yiri aaan la
dagaallanno oo iska kicinno, labo. Markii saddexaadna idinkaa inagu
khasbay aan walaalaheen iyo koonfur la midawno, maanta oo ah
markii afaraadna idinka ayaa leh aan la soo noqonno
dawladnimadeennii, maantana sidii afartii jeer ee hore ayaa aan
idinku raacaynaa, bal se’ Isaaqow ogaada haddii tani xumaato mar
dambe in aanay idinka idiin hadhin talo ee intayada kale aannu
go’aanka yeelan doono”.
Sacab aan hore madasha uga yeedhin iyo Allaahu Akbartii ayaa
waxa ku xigay guux ballaadhan iyo xanshashaq ninkaas lagu
ammaanayo. Shiikh Cabdillaahi Shiikh Cali Jawhar oo ku hadlayey
magaca Awdal baa xigay. Isaga waxa uu galay Quraanka Kariimka ah,
waxa uu na ka sheekeeyey sidii uu Ilaahay reer Banii Israa’iil uu
ugaga hiiliyey Fircoon. Waxa uu na ku gunaanaday duco aan markaa
ciddina fahmin oo u ekayd afeef uu reer Shiikh Isxaaq u sarbeebayo.
Waxa uuna ku duceeyey; “Haddii dawladnimadeenna aynu caddaalad
iyo sinnaan ku maamuli wayno in Ilaahay aannu inoo aqbalin, haddi
se aan xaq iyo dulmi la’aan ku canqarino Ilaah ha inoo dhiso oo ha
inoo hirgeliyo” ayaa uu Shiikhu ku soo geba-gebeeyey.
Intaa ka dib, waxaa gacanta taagay nin gadh madoobe ah, oo
qiyaastii dhawriyo afartan jir ahaa, oo ay ka muuqato diif, waxa uu
xidhnaa surwaal cirbiid (buluug) jiinis ah oo caddaaday, iyo shaadh
cas oo duug ah oo uu ilaa suxulka soo laabay. Nin dheer oo madaw oo
indho cascas ayaa uu ahaa. Dabadeed codbaahiyihii Xasan Ciise
Jaamac waxaa ka yeedhay “soo dhawoow mujaahid Cismaan Dheere”,
intii uu mikrafoonka ku soo socdayna waxa uu raaciyey; “Mujaahid
Cusmaan Dheere waxa uu ka tirsan yahay guutada 99aad”. Ninkii baa
qabsaday codbaahiyihii waxa uu na sheegay, in uu ka mid ahaa raggii
odayada guurtida ah la shaqeynayey ilaa arbacadii, waxa uu na xusay
in qodob la isla qaatay oo lagu heshiiyey aan lagu darin kuwa madasha
laga akhriyey. Waxa uu yidhii “qodobkaasi waxa uu ahaa in la qoro
halgankii iyo taariikhdii ururka dhaqdhaqaaqa waddaniga
Soomaaliyeed ee SNM”. Xasan Ciise Jaamac ayaa soo kacay oo kala
booday codbaahiyihii, waxa uu na yiri; “waa ootomaatik waa na
khasab sidaas ayaa uuna ku yahay qodobkii shanaad ee Guurtidu isku
raacday”.
Dharaartii taa xigtay ee Axaddii oo ka soo qayb-galayaashu xoogaa
intii shalay ka soo bateen, waxa loo qaybiyey buug yar oo cagaaran,
kaas oo ay dusha kaga xardhanayd khariiradda gobollada waqooyi oo
kur ah, waxaa na ku qornaa hal-ku-dheg ah “Waa Xor Haddana
Somaliland Oo Mar Labaad Dhalatay”. Jaldiga waxa gudaha kaga jiray
saddex warqadood oo laga soo sawiray wargeysyo af Ingiriisiya,
kuwaas oo soo baxay 26-kii Juun 1960-kii.
Waxa khudbadeeyey dhawr qof oo aan wax dumar ahi ku jirin, iyada
oo aan goobtaba wax haween ahi ka soo xaadirin, xusuus waxa
mudnaa nin gaaban oo madaw oo suudh qurxoon ku labbisnaa isagana
labeen iyo dhalaal ka muuqday, kaas oo sheegtay in uu ka yimid dalka
Qadar. Madasha waxa uu ka mariyey gabay af Carabi ah oo uu ku
ammaanayey ugu na ducaynayey Mujaahid Lixle, waa sidii uu yidhiye.
Intaa ka dib, waxa madashii laga bilaabay maadeys (riwaayad) lagu
magacaabay, “Shalaad Loogtaye Maantana Ha Lumin”, waxa wada
curiyey Marxuum Abwaan Ibraahim-gadhle iyo Abwaan Xasan Xaaji
Cabdillaahi (Xasan-ganey).
Ugu dambeyntii waxa hadalkii qaatay, nin cas oo dhex-dhexaad ah
oo cirro leh oo si haybad leh ugu labbisnaa safaari ama isku-joog
cadcad oo gacmo-dheere ah, waa guddoomiyihii SNM marxuum
Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan-tuur). Cod xabeeb leh oo
deggen ayaa uu ku bilaabay; “Iraadatu shacab iraadatul laah”, taas
oo macnaheedu yahay “rabitaanku dad-weynuhu waa rabitaanka
Ilaahay”, waayo? Buu yidhi “dadku waxa ay rabaan Rabbi ayaa ku soo
rida quluubtooda”.
Khudbad gaaban oo ku saabsan ammaanta ururka SNM iyo guusha ay
geyigoodi gacanta ku dhigeen, ka-dib waxa uu u hambalyeeyey waxa
uu ugu yeedhay guurtidii beelaha ee go’aannada shanta ah soo
gudbisay. Gebo-gebadiina waxa uu yidhi; “go’aannadiinna waxa
aannu u ban-dhigi doonaa golaha dhexe ee Ururka Dhaqdhaqaaqa
Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kuwaas oo isla bishan gudaheeda
aan rajeynayo in ay qaraaradiinna taageeri doonaan oo ay ansixin
doonaan, insha Allaah, shir-weynihiina intaas ayaa uu inoogu xidhan
yahay”.

Tixraaca

Qormadan Taariikhiga ah waxa laga soo uruuriyey dukomentiyo, dad
goobjoog ahaa iyo cilmi baadhis ay samaysay Akaaddemiyada
dhaqanka Cakaara oo uu hogaaminayey Guddoomiyaheeda Maanmaal
Buureed Gurxan, waxaa na la geliyey safarro xog uruurineed iyo waqti
badan oo muddo dheer qaatay, kuwaas oo u badnaa xogo toos looga
duubay ergooyinkii reer Sool ee labada raabe ku kala tagay 1991-kii
Burco, kuwaas oo ay Garaaddo, Cuqaal, Aqoonyahanno iyo
Siyaasiyiinba ay ku kala jireen.


Waxaa Qoray Guddoomiyaha
Akaaddemiyada Dhaqanka Ee Cakaara
Qaryaan Maanmaal Buureed

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here