Muqdisho (Walwaal.com)- Xildhibaanada xayiraada laga saaray kulamada baarlamaanka ayaa waxaa ay sheegeen in maanta laga hor istaagey ka qeyb galka shirka ka dhacay xarruunta Golaha Shacabka.
Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caana-nuug ayaa sheegay in dhowr Kontorool ay ka celiyeen ciidamada dowladda, isaga iyo xildhibaanada shan iyo tobanka ah.