Xisaabtase ma kuugu jirtaa inaad kuwasna ka hadasho maalmaha soo socda

0
56

Gudoomiye Abdi Xaashi Abdullaahi soomaaliya

Way is wada dishay hase ahaatee waa lays cafiyey adigu hadda waxaad ka mid tahay madaxda ugu saraysay Dawladii midnimadda soomaaliyeed lagu ilaalinayey Lana rabay inay sii wado dibu heshiinta inta ka dhiman waxays iila muuqataa mid aad dhabaheedii la aadin hore iyo dib

Haddii aan taariikhda dib u jaleecno adigu ka mid maad ahayn shirarkii hore ee dibu u heshiisiinta Soomaliyeed oo layku cafiyey si loo soo dhiso Dawlad loo dhan yahay maanta alxamdullah dheh waxaad mid tahay madax Soomaaliya sidaa darteed waxaa lagaa sugayey doorkii odaytinimo ee ma ahayn inaad Morgan si gaar ah farta ugu fiiqdo

Waxaadna ogaataa in adiga laftaada aadan ka baxsanayn haddi kacaankii barakaysnaa wax loo raacanayo waayo kaadiriintii baad ka mid ahayd

Advertisement

Ogoowna gudoomiye soomaali dakharadii kala gaaray waxay ka badan yihiin timahaga ee ma tiih baan ku jiraynaa weligeen iyo qol baa qol kale wax yeeshay sidoo kale waxaa dadku maanta idinka sugayaan adiga iyo golahaaga aqalka Sare inaad ku meteshaan dawladda dhexe samata bixin dalka waayo Dawladii iyo goboladda waa is Hayaan waana kala tageene yihiin ee doorkiina qaata

Xasuus gaar ah haddi lays dayn waayo Morgan keligiis noqon maayo ee waa laysoo wada dacwaynayaa waxan filayey adiga

Xaajo meel aan lagu dhamayn karin laguma furfuro Cabdi ahaan inaad u Mahadcelisid bay ahayd Morgan waayo waad ka macaashtay Dawladii uu wax ka soo dhisay

waxuu ka mid ahaa madaxdii ka shaqaynayey Dawlad Soomaliyeed in la helo waa gartaa inaad saas u hadasho maanta marka

adigaa oo aan ka fekerin yaa keenay dawladnimadda yaa salka u dhigay yaa ku heshiiyey mus haddii la faadho mase baa loogu tagaa

Mar kale Alxamdullah dheh haddii aanu asagu ka tanaasulin xaquuqdiisii madax ma noqoteen maanta waayo awood buu lahaa inuu diido Morgan maalintaas heshiis ka

Waxaan dadka soomaaliyeed moogayn in

labadiinu hal system ka wada tirsanaydeen marka Maxaa asaga danbiile ka dhegay oo adiga Kaadhigay ceeb ka saliim waa yaab

Hal si,aal boogaha aad adigu aad ka dawaynaysit dadka ma ku jiraan ragii kale ee dhibaateeyey goboladda ay ka midka yihiin mudug Sanaag sool ,dilay iyo Borama kuwaas ay ka midka yihiin Muuse biixi ,Dhegoweyn ,ahmed mire ,mohamed Ali iyo mohamed kaahin waa yaab yaab yaa ka wada hadlay.

W/q: Hon Caasha Axmed Cabdalla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here