๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ข๐๐๐š๐ฌ๐ข๐๐š๐ก๐š: ๐€๐ฅ๐›๐š๐š๐›๐ค๐ข๐ข ๐‰๐š๐ก๐š๐ง๐š๐ฆ๐š ๐จ๐จ ๐€๐š๐๐š๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐…๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ๐จ (๐“๐ฎ๐ซ๐ฃ๐ฎ๐ฆ๐ข๐)

0
278

Markii uu ku dhiirraday caalimka Bayoolajiga ee Shiinaha ahi bishii Noofambar 2019, furitaanka albaabka “wax-ka-beddelka hiddasidaha” waxa kor u kacay dhawaaqyada dhalleecaynaya ee ka imanaya caalamka oo dhan.

Waxba umay tarin marmarsiiyihii He Jiankui, uu ku doonayay inuu ku dejiyo bahweynta cilmiga, kaas oo ahaa in tijaabadiisu ay tahay, “keliya iskuday lagu hagaajinayo mid ka mid ah iimaha hiddasidaha.”

Cilmibaadhayaasha dunida Galbeedku waxay ku dheggan yihiin in doorinta DNA-du uu ahaado mid ku jira khaanadda lamataabtaanka.

Goor dambe taliska Shiinaha ayaa soo farageliyay arrinka, si ay He Jiankui uga joojiyaan wuxuu wado. Laakiin kuwo badan ayaa shaki ka muujiyay sheekadan, iyaga oo rumaysan in caalimkan dhallinyarada ahi uu hawshiisa gutay shaki la’aan, xukuumadda Shiinaha oo raalli uga ah. Waayo Shiinuhu wuxuu “si hoose” u wadaa barmaamij milatari, oo lagu tijaabinayo sida ay suuragal u tahay in la hindiso carruur leh astaamo cifriideed (ุฎุงุฑู‚ุฉ), oo hordhac u ah dhismaha ciidan tiirri ah, oo aan la jebin karin, sida qisooyinka khayaalka cilmiga ah.ยน

Advertisement

Toddobaadkii tegay dhexdiisa, caalim Ruush ah ayaa muujiyay doonistiisa ku aaddan in uu sameynayo tijaabadan lafteeda oo kale. Waa doorinta hiddasidaha ubadka, si looga dhawro inay qaadaan cudurka Aydhiska. Laakiin isaguna wuxuu kala kulmay cambaarayn balaadhan bahweynta sayniska. Kuwaas oo mar kasta carrabka ku adkaynaya inay lamahuraan tahay, in la sameeyo xayndaab akhlaaqeed waajib ah oo caalami ah, inta aan la furin afaafka farafaraynta hiddasidaha.

Waxay leeyihiin kuwa sida adag uga soo horjeeda doorinta hiddasiduhu, dawladaha qaar โ€“sida Shiinaha iyo Ruushku โ€“waxay “dhambaal waraabe-utaag ah” u dirayaan, bal si ay u ogaadaan halka uu caalamku ka taagan yahay doorinta hiddasidaha gaarka u ah daweynta cudurrada loo maaro waayay. Laakiin tani waa xaalad hordhac ah uun, ayay qabaan, ee yoolka ay dawladahani u socdaan waa in la caadiyeeyo gebi ahaanba faragelinta DNA-da, si loo sameeyo tijaabooyin kale. Waa tijaabooyinka loo yaqaanno marka la joogo diraasadaha amniga “dallacsiinta aadamaha (human enhancement)”

Tani waa fikrad guun ah, oo xanxantaysay maanka hormuudka Daarwinnimada Bulsheed, qarnigii 19aad. Waxa sida oo kale lagu tiriyaa tiirarka ugu muhiimsan ee falsafadda Firidirik Niije (1844 โ€“ 1900).

๐๐ข๐ฅ๐š๐ฐ๐ ๐ข๐ข ๐’๐ก๐ž๐ž๐ค๐š๐๐š

Dhammaadka sannadkii 1953-kii, waxay ku dhawaaqeen labada caalim, ka Ingiriiska ah Francis Crick iyo ka Maraykanka ah James Watson in ay daahfureen “sirtii nolosha”. Waxay kareen inay furfuraan samayska molokiyuul ee DNA-da, waxaanay ka salgaadheen sida loo kaydiyo bashqadda (ุงู„ุดูุฑุฉ) hiddasidaha, iyo sida ay fac ka fac ugu gudubto.

Markii ugu horreysay sooyaalka aadamaha, waxa u suuragashay culimada in ay dhaayaha saaraan qaladaadka ku dhaca taxanaha DNA-da. Sida geddoonka waxyeellada leh (dhalashada carruur dib leh) ama cudurrada dhaxaltooyada ah (carruur indho la’), oo lagu daray sida oo kale geddoonka waxtarka u leh dadka ( carruur leh maskax badnaan aan dabiici ahayn).

Illaa heerkan arrimuhu caadi ayay ahaayeen. Laakiin qaar ka mid ah culimada bayoolajiga, ayaa u orday inay ka fekeraan qaabka ay suurtagal u tahay, inuu farageliyo ‘caafimaad nooleedku’ hagaajinta geddoonka waxyeellada leh ama cudurrada dhaxaltooyada ah, ee ku jira gudaha bushqadda DNA-da. Halkaas ayaanay ka bilaabantay tijaabooyinka lagu samaynayo aaggan.

2012-kii waxay hindiseen culimo Maraykan ahi farsamaati cusub, oo sidata magaca (CRISPR-Cas9) waxaanay u layliyeen dawaynta khalkhallada hiddeed iyo geddoonyada (ุงู„ุทูุฑุงุช). Waxay dib u qoreen bushqadda hiddasidaha, iyaga oo taa u maraya inay tirtiraan qayb ka mid ah DNA-da, ama wax-ka-beddelaan, ama ay ku dooriyaan gebigiisaba hiddaside kale.

Berigii hore, doorinta hiddasiduhu wuxuu ku tiirsanaa beegsiga gobollo gaar ah oo DNA-da ah, iyada loo la adeegsanayo borotiinnada. Laakiin CRISPR-Cas9 waxay ka dhigtay qiimihii hawlgalka mid ka jaban, ka degdeg badan, kana bedqab badan sidii hore.

Maangalka ka dambeeya farsamaatigan cusubi, waa dood ay soo gudbiyeen baadhayaal aaggan u dhuundaloolaa, oo salkeedu yahay: halkii ilmaha yar dibka laga jari lahaa marka uu sidaas u dhasho, muxuu caafimaadku u faragelin waayay si uu arrinkaa u sameeyo xilli aad uga horreeya, isaga oo u maraya DNA-da. Sidaas waxay uurjiifku kaga badbaadayaan, hawlgal qalliin oo halis ah dhalashada kadib. Halka qoysaskuna ay ka nabadgelayaan xanuunnada iyo walbahaarka ku dhacaya, marka ay arkaan ilmahoodii oo qaba foolxumooyin abuureed.ยฒ

Guud ahaan, fikraddani waxay heshay soo dhowayn balaadhan. Xataa waxa soo dhoweeyay qaar ka mid ah kooxaha diinta ee muxaafidka ah, iyo xeeldheerayaasha cilmiga akhlaaqda. Laakiin waxa jirtay hal mushkilad oo aasaasi ah: yaa jaangoynaya marka ay waajibka tahay inuu farageliyo caafimaadku wax-ka-beddelka hiddasidaha, yaa se leh awoodda qeexidda khalkhalka hiddaside?

Qaar kale waxay muhmalkan (ุงุดูƒุงู„) u dhigayaan qaab weydiin ah: yaa kara in uu ka joojiyo aabbe ka cabanaya maangaabnimo fudud (maskaxbadnaan waa 68) inuu lacag siiyo dhakhtar hunguri weyn, si uu wiilkiisa uga dhigo marla-arag heerkiisa maskaxeed uu dhaafayo 145?

Weydiintani waxay badka keenaysaa muhmal akhlaaqeed oo weyn, waayo way adag tahay si qumman in loo xaddido halka ay ku joogsanayso daweynta cudurrada la hiddeystaa, iyo halka uu ka bilaabmayo hawlgalka dallacsiinta iyo xoojinta awoodaha caqli iyo kuwa jidheed ee uurjiifku.

Waxay sii xoogaysteen cabsiyahani, markii la bilaabay in laga hadlo suurtagalnimada in la hindiso carruur leh astaamo jidheed oo gaar ah (timo cawlan tusaale ahaan, indho buluug ah, ama diir madow gebi ahaan ba).

Marka la hindiso cunug astaamaha sare leh, oo ay dadka qaar u arkaan kuwo yaab leh, weydiin kale ayaa badka imanaysa: yaa qaadaya masuuliyadda khalkhallada nafsadeed ee ku abuurmi kara carruurta hidde ahaan la dooriyay, marka ay ka biyadiidaan qaababkooda?

Tan waxa ka sii daran, wax-ka-beddelka hiddasidaha โ€“iyo xataa gefafka dhici kara inta hawlgalka lagu jiraaโ€“waxay u gudbayaan facyow badan oo ubadka iyo ubadka ay sii dhalaan ah.

Haddii dadka qaar u hammuun qabaan in la bilaabo wax-ka-beddelka hiddesidaha, ee ku kooban daweynta cudurrada loo taagwaayay sida cudurka huntington, cystic fibrosis, kansarka naasaha, ka ugxansidaha, iyo cudurka asaasaqa (alzheimer).. dhinaca kale culimo cimrigooda ku madhiyay diraasaynta DNA-da, ayaa qaba in waxyeellada wax-ka-beddelka hiddasiduhu ay ka weyn tahay waxtarkiisa xilligan la joogo. Haddii doorintan loo adeegsado dhanka milatarigana, waxay tani irridaha u furaysaa rogmadka aadamaha.

๐‘๐š๐š๐๐ข๐ง๐ญ๐š ๐€๐š๐๐š๐ฆ๐ž ๐‚๐ข๐Ÿ๐ซ๐ข๐ข๐ ๐š๐ก.

Fikradda raadintaa aadamaha cifriidka ah ama “dallacaaddu” waa mid guun ah, oo la fac ah ilbaxnimada dadka lafteeda.

Dhaxalka diimaha Ibraahiimiga ah marka la fiiriyo, waxa ku dhacay nebi Aadam iyo ubadkiisa ciqaab Ilaahiya oo abadi ah, waayo wuxuu caasiyay amarkii ahaa in aanu cunin geedka xaaraanta ah. Shaydaanka ayaa ku dagay inuu yahay “geedkii waaritaanka.”

Sheekadan waxa laga dheehan karaa inuu aadamuhu naftiisa u halligi karo, sababo la xidhiidha iskudaygiisa joogtada ah ee ku aaddan ka gudbidda xayndaabka wixii dabiici ah.

Misoolojiga Giriigga sida oo kale, bulshadu waxay maamuustay Boromiitiyoos (Prometheus) waxaanay ku tilmaameen “Ilaahii wanaagsanaa”. Waayo keliya wuxuu u babacdhigay madixii Ilaahyada Siyoos (Zeus) waxaanu ka soo xaday “tooshkii aqoonta” kadibna wuxuu siiyay dadka.

“Dadku waxay u qalmaan inay wax ogaadaan” sidaas ayay leedahay sheeko baraleydu.

Sheekadan lafteedu waxay xambaarsan tahay tilmaamo waaweyn, oo ku saabsan aadame aan qanacsanayn, oo mar kasta ku hawlan kordhinta awoodihiisa dabiicada dhexdeeda.

Sida oo kale qisada (Frankenstein) ee qoraayada Ingiriiska ah ee Mary Shelley (1797 โ€“1851) waa figta sare ee dhalleecaynta ruclada aadamuhu ugu jiro aqoonta iyo tijaabooyinka aan lahayn dabarka akhlaaqeed. Waxay si gaar u dhalleecaysay qabka qofka Yurubiyaanka ah ee la ashqaraarsan daahfurrada aqooneed, xilligii kacaankii warshadaha. Waxay ka digaysay in uu aadamuhu maalin uun abuuri doono Frankenstein sababi doona rogmadka aadamaha.

Haddaba, ha noqoto baadhista uu dadku ku raadinayo “dallacaaddu” jid ay halis badani ku gedaaman tahay ama yaanu ahaannine, caalamkan ay ku loollamayaan awoodaha waaweyni, ee u ordaya goor kasta gacansarreynta milatari, waxay ka dhigaysaa hawsha culimada akhlaaqda iyo codadka diimeed mid aan dheg loo dhigayn.

Inkasta oo ay kor u dhawaaqayaan codadka cadhaysan ee lidka ku ah dhakhtar Shiine ah ama mid Ruush ah, oo doonaya inuu ubadka dooriyo hidde ahaan, haddana dhinaca kale waxay wadaan mu’sasaadka ciidan ee Maraykanka iyo Shiinuhu baadhisyo aaggan ku saabsan, labadii tobanley ee ugu dambeeyay.

Wakaaladda Mashaariicda Baadhisaha Horumarsan ee Difaaca, magaceedana loo soo gaabiyo (DARPA) ayaa hoggaaminaysa baadhisaha hiddaside, si loogu laylyo farsamada CRISPR-Cas9 aagga difaaca, taas oo iyaduna dammaanadqaadaysa gacansarreynta Maraykanka.

Halka Shiinanaha, ay ku hawlan yihiin Akademiyada Qarsoon ee Culuumta Caafimaadka Milatariga, iyo Jaamacadda Caafimaadka Ciidanka Saddexaad, baadhisyo kuwa sare la mid ah, oo dheef u leh Ciidanka Xoraynta Shacabka ee Shiinaha.ยณ

In kasta oo baadhisaha mu’sasooyinkani ay yihiin kuwo sir badani ku daahan tahay, haddana firfircoonaanta bahda akademiga ayaa banaanka soo dhigta, waxyaabaha sida sirta ah loo wado. Waayo bareyaal sare oo waaweyn, oo dhiga jaamacadaha Maraykanka, ayaa heshiisyo la gala mu’sasaadka ka shaqeeya aagga difaaca.

Sannooyinkii tegay waxa soo kordhay baadhisaha akademiga ah, ee ka digaya cawaaqibta iyo halisaha ku gedaaman adeegsiga CRISPR-Cas9 ee dhanka ciidanka. Tani waxay ina xasuusinaysaa sannadihii hore ee bilawga daahfurka nukliyeerka (qunbulad durriyaha) iyo digniinihii sheegayay inay ammintani tahay bilawga dhammaadka isirka aadamaha.โด

Baadhis akademi ah oo ciwaankeedu yahay “Dagaalyahanka doorsoon: halisaha, akhlaaqda iyo siyaasadda”, waxay ku caddeeyeen saddexda baadhe ee kala ah Patrick Lin, Maxwell J. Mehlman, Keith Abney “inuu Maraykanku u laylyay wakaaladda DARPA inay ka shaqayso kooxo mashaariic baadhiseed ah, oo lagu hindisayo dhismaha dagaalyahan kara inuu wax u barto qaab degdeg ah oo fajac leh, kaas oo cuni kara doogga si aanu gaajo ugu dhiman, oo leh aragti dheer isaga oo aan diirad adeegsanayn, oo shaqayn kara isaga oo aan hurdo iyo cunto u baahanayn, oo u dabbaalan kara sida hoombarada, oo leh dareenka urta ee eyda, oo kara inuu fanto gidaarrada sida qorratada, iyo awoodo kale oo dheeraad ah.”โต

Waxay intaa ku dareen baadhayaashu inuu aadamuhu yahay “noole jilicsan” si doqoni garatay ah, oo ka duwan xayawaanka kale. Tanina waa inay isbeddeshaa. “Kuma hubaysnin miciyo iyo ciddiyo bahal, ma awoodno inaynu duulno, mana lihiin astaamaha dheefta u leh inaynu ku noolaanno duni bahalagaleen ah. Waa arrin yaab leh in isirkeenna bashariga ahi โ€“ee ka madhan waxaas oo hub ahi โ€“inuu gebi ahaan ba ka badbaaday dabargo’. Si kastaba ha ahaatee, dadku wuxuu karay inuu garaadkiisa awgii uu ku noolaado dabiicada, isaga oo kaga badbaaday dabargo’a sababaha ugaadhsiga, ganista, iyo difaaca naftiisa isaga oo adeegsanaya agab uu samaystay, laakiin tani keligeed ma aha mid ku filan.”

Iyaga oo isku dayaya inay marmarsiiyo u helaan tijaabooyinkan milatari, waxay leeyihiin saddexda baadhe, “waxay tilmaamayaan qiyaasuhu in askari kasta oo ciidanka Maraykanka ka mid ah, lagu qarashgareeyo hal milyan oo doollar. Tanina shaki la’aan waxay ka dhigtay askariga Maraykanka ah kan ugu fiican caalamka. Iyada oo ay taasi jirto haddana askarigani wuxuu banyaal u yahay dhaawac dhimasho leh, oo ka dhasha rasaas jaban oo aan qiimaheedu ka badnayn 25 senti.” Taasi waxay ka dhigan tahay, “waa lamahuraan in laga adkaado liciifnimadan, iyada oo loo marayo doorinta hiddasidaha.”

Waraaq baadhiseed oo kale, oo ay baahiyeen labada baadhe ee kala ah Marsha Greene iyo Zubin Master oo isla mawduucan ku saabsan, waxay ku ogaadeen in wakaaladda DARPA ee Maraykanku ay ku hawlan tahay, maaha keliya doorinta hiddasidaha carruurta, balse ciidanka laftooda. Waxay rumaysan yihiin inuu arrinkani halis badan yahay, waayo isbeddel kasta oo lagu sameeyo bushqadda DNA-du, waxay keenaysaa geddoon waxyeello leh, oo aan natiijadiisa la saadaalin karin.โถ

Sida oo kale waxay caddeeyeen, in yoolka mu’sasadan milatari ee xillagani uu yahay abuurista “askari subbarmaan ah” oo awood u leh inuu u adkaysto dhibaatooyinka nafsadeed ee dagaallada, sida oo kalena leh awood muruqeed iyo mid maskaxeed oo aan aadamaha hore u soo marin.

Taxanuhu wuu socdaaye, wuxuu ka digay caalimka bayoolajiga Maraykanka ah ee Craig Venterโ€“kaas oo ay majalladda TIME ku dartay boqolka qof ee caalamka ugu saamaynta badan sannadihii 2007 iyo 2008 โ€“in fahanka culimada ee shaqada hiddasidayaashu ay tahay mid eber xigeen ah, daahfur kasta oo la sameeyay. Wuxu yidhi, “waxaynu samayn karnaa doorin hiddaside, laakiin ma garan karno sida ay taasi u saamaynayso shaqo kale oo uu hiddasidahani qabanayay, waayo waa dhif in hiddaside ama borootiin uu qabto hal shaqo oo keliya. Annaga oo ka duulayna tijaabooyinkii aanu ku samaynay xayawaanka, waxaanu ogaanay in marka aanu baddalno sifo gaar ah oo uu hiddasiduhu leeyahay, aanu helayno natiijo lamafilaan ah.”โท

Maraykanku ma qarsado niyaddiisa baadhista askari cifriid ah, si kasta oo loo heli karo. 25 Febraayo 2014, wuxuu kula kulmay madaxweynihii xilligaas ee Brack Obama masuuliyiinta ciidanka iyo Injineerrada Bentagoonka, si uu ula faaqido “qorshaha samaynta duruuc gaashaaman oo heersare ah, taas oo askarta ka yaranaysa halista xilliga dagaalka, halka ay cadawga khatar ka gelinayso.”โธ

Obama wuxuu u sheegay xilligaas warbaahinta isaga oo kaftamaya, “waxaanu ka shaqaynaynaa sidii aanu u dhisi lahayn Nin Bir ah (Iron Man)” Laakiin taasi kaftan keliya may ahayn, degdeg waxa u soo shaacbaxay wixii laga shaqaynayay. Waa diric korgashi ah, oo rasaas celis ah, oo loo bixiyay magaca TALOS. Wuxuu aad ugu eg yahay hu’ga halyeyga cifriidka ah Tony Stark, ee filimada khayaalka cilmiga ah.โน

๐‘๐š๐š๐๐š๐๐ค๐š ๐๐ฎ๐ซ๐›๐ฎ๐ซ ๐ž๐ž ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐ข๐๐๐š๐ฌ๐ข๐๐š๐ก๐š.

Sooyaal ahaan, ciidanku waxay heli jireen wax u eg “wanaajin ama xoojin” si uu waxqabadkooda dagaalku u noqdo mid xooggan.

Tusaale ahaan waxa la adeegsaday tallaallo si ciidanka looga dhigo kuwo adkaysi leh. Sida oo kale waxa la adeegsaday dawooyin reebban maanta sida Ritalin iyo Amphetamine. Waxa kale oo ay mukhaadaraadku โ€“sida kookayntu โ€“ahaayeen wayrixiyayaasha asaasiga ah ee askarta, qaar ka mid ah dagaallada waaweyn, kadib intii aan la mabnuucin.

Balse farqiga u dhexeeya qaadashada kiniinnada iyo mukhaadaraadka, iyo faragelinta hiddasidaha, si loo abuuro ubad iyo ciidan leh astaamo halyeeyo baraalayaal ah (ุฃุจุทุงู„ ุฃุณุทูˆุฑูŠูŠู†) oo leh muruqyo waaweyn, awood arag oo habeen iyo maalin ah, u adkaysta qabowga daran iyo kulaylka xaddhaafka ah, oo leh xusuus bir ah, waxay ka dhigaysaa dagaallada mustaqbalka kuwo burbur badan, aadamahana uma keenayso waxaan silic iyo saxariir ahayn.ยนโฐ

Waxay ka cabsi qabaan culimada akhlaaqda iyo kuwa Ilaahaadka (ุงู„ู„ุงู‡ูˆุชูŠูˆู†) ee Galbeedku inay leexato fikradda “hindisaha ubadku” oo ay noqoto sida dhaqdhaqaaqii falsafadeed, ee u gogolxaadhay fikir ahaan, xasuuqii malaayiinka qof ee berida ah, ee ku baxay gacanta Naasiyiinta. Waayo, waxay dhashay afkaartii Daarwinimada Bulsheed, gaar ahaan fikradda Niije ee ahayd “aadamaha sare” (รผbermensch), inay aaminaan bulshooyin badan oo reer Galbeed ahi โ€“oo ay ku jiraan kuwa Maraykanku โ€“aragtida loo yaqaanno “wanaajinta tafiirta” (Eugenics). Waa fikrad isku dayaysa inay dadka ku dabbaqdo hababkii iyo fahankii midhashada (ุงู„ุฅู†ุชู‚ุงุก) ee xayawaanka kale.ยนยน

Waxay rumaysnaayeen faylasuufyada ugu waaweyn ee dhaqdhaqaaqani, sida Francis Galton (1822 โ€“ 1911) iyo Franz Boaz(1858 โ€“ 1942) inuu isirka cadi ugu tafiir, jidh iyo maskax badan yahay, ka dibna isirka huruudda ahi ku xigo, ka dibna bulshooyinka midabka qamadiga leh, kadibna sunuujta ayaa ku jira rakada ugu hoosaysa.

Fikraddani waxay ahayd mid ku baahsan hantiilayaashii addoomaha ee Maraykanka, illaa maantana waxa jira culimada bayoolajiga oo afkaartan cabsan. Waxa ka mid ah aabbaha ruuxiga ah ee DNA-da James Watson, kaas oo dunida kaga nixiyay warbixin haybsooc ah oo uu siiyay shabakadda PBS ee Maraykanka. ยนยฒ

In kasta oo ninkan haysta abaalmarinta Noobasha, laga xayuubiyay dhammaan bilad sharafeedyadii hore loo siiyay, warbixintiisa darteed, haddana weli wuxuu ku sii madax-adag yahay in heerka maskaxbadnaantu uu la xidhiidho isirka, iyo in ay hiddasidayaashu keenaan kala duwanaanshaha u dhexeeya natiijada imtixaannada maskaxbadnaanta ee madowga iyo caddaanka.

Waxay ilhaamisay afkaarta Galton iyo Baoz, ee ku saabsan saafinimada ciriqu Adolf Hitler, waxaanu qoray buuggiisii haybsooca ahaa ee “Halgankaygii” (ูƒูุงุญูŠ). Waa kahor intii aanu dunida gelinnin dagaal lagu hoobtay, oo ay ku dhinteen 60 milyan oo qof, intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Dunida (1939 โ€“ 1945)

Isla afkaartani waata ilhaamisay xeerarka madhalaysnimada qasabka ah, iyo danbiyaynta guurka isirrada kalakaanka ah, ee tiro dawlado Galbeedka ah.

Culimadu waxay ka cabsi qabaan inuu sinaariyahan laftiisu soo noqdo, haddii la furo afaafka hidde doorinta. Waayo waxa ka dhalanaya dabaqad “figta ah” oo dad ah, oo leh jidhadh, maskaxbadnaan iyo xasuus la carkeetamaysa dhammaan xeerarka dabiicadda. Taasina waxay keenaysaa in kuwa aan doorsoonayni, ay noqon doonaan marka kuwaa hore loo eego, sida uu daanyeerka shinbaasigu ku yahay dadka.

Markaas, dunidu waxay noqon doontaa โ€“keliya waa male โ€“mid gasha loollan dabaqadeed oo cusub, kaas oo u dhexeeya dadka hidde ahaan doorsoon iyo kuwa aan doorsoonayn.

๐‘„๐‘Ž๐‘™๐‘–๐‘›๐‘˜๐‘–๐‘–: ๐‘€๐‘ข๐‘ข๐‘ฅ ๐‘€๐‘ข๐‘ข๐‘๐‘Ž๐‘ฆโ„Ž๐‘– (ู…ูˆุญ ู…ูˆุจูŠู‡ูŠ) | ๐ถ๐‘Ž๐‘Ÿ๐‘Ž๐‘๐‘–

๐‘‡๐‘ข๐‘Ÿ๐‘—๐‘ข๐‘š๐‘–๐‘‘๐‘‘๐‘–๐‘–: ๐ถ๐‘Ž๐‘™๐‘– ๐ผ๐‘™๐‘’๐‘’๐‘ฆ๐‘’.

๐ผ๐‘ โ„Ž๐‘Ž: ๐ด๐‘™๐‘—๐‘Ž๐‘ง๐‘’๐‘’๐‘Ÿ๐‘Ž.๐‘›๐‘’t

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here