31 dal ayaa qaadacaya shirka Durban ee Arbacada

0
73

Kow iyo soddon waddan ayaa qaadici doona kulanka Qaramada Midoobay ee Arbacada oo lagu xusayo sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay Shirkii Adduunka ee Durban ee Midab-takoorka, Durban IV, sababo la xiriira bayaanno Yuhuud-nacayb ah oo ay hore u sii faafiyeen.

Wadamo badan oo reer Galbeedka ah ayaa hore u qaadacay shir madaxeedka 2009, iyo sidoo kale kii 2011, si ay uga soo hor-jeestaan hadalada ka dhanka ah Yuhuudda ee halkaas laga sheegay.

Shirkii ugu horreeyay ee Durban, laga bilaabo Ogosto 31 illaa Sebtember 8, 2001, maalmo yar ka hor weeraradii Sebtember 11, ayaa lagu calaamadeeyay kala qeybsanaan qoto dheer oo ku saabsan arrimaha Yuhuud-diidnimada, gumeysiga iyo addoonsiga. Mareykanka iyo Israa’iil ayaa shirka isaga baxay iyagoo ka mudaaharaadaya qaabka kulanka.

Sannadkan, “waxaan laba jibaarnay tirada waddamada qaadacaya Durban,” ayuu danjiraha Israa’iil ee QM, Gilad Erdan ku sheegay Isniintii bartiisa Twitter -ka.

Advertisement

Wuxuu intaas ku daray, “31 dal ay qaadici doona dhacdada shirkan Yuhuud-nacaybka ah, in ka badan laba jibaar tirada waddammadii hore u qaadacay.”

“Bilihii la soo dhaafay, waxaan isku dayay inaan adduunka oo dhan fahamsiiyo in shirkii Durban uu aasaas ahaan ahaa mid musuqmaasuq ah,” ayuu yidhi.

Dhowr waddan oo reer Yurub ah iyo sidoo kale Mareykanka, Ingiriiska, Australia, Canada iyo Israel ayaa horay ugu dhawaaqay inay qaadaceen shirkan ay Qarammada Midoobay qabanqaabisay 22 -ka September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here