60 sano kadib maxaa inaga lumay maxaa se inoo kordhay?

0
80

Gobannimadii sannadkii la qaatay soomaalidu waxay ahaayeen bulsho jahli iyo faqrigu ku badan yahay. Inta siyaasadda ku jirtay ee dawladda dhismeheeda ka qaybgashay badankoodu aqoonta ay lahaayeen way iska koobnayd marka laga reebo in yar oo dibadaha tagay.

Maanta faqrigii wuu jiraa haba inaga soo dhexbexeen shirkado ay soomaali leedahay balse weli dad ayaa gaajaysan waxaynuna gunta u fadhinaa dawladaha ugu saboolsan dunida. Inkastoo 60kii aynu ka aqoonyahan badannahay maanta haddana dal ahaan marka la eego weli dalalka hooseeya ayaynu ku jirnaa aqoonyahankeennuna inuu ereyo ingiriisi ah hadalkiisa ku daro mooyee wacyi iyo akhlaaq toonna ma dhaamo keenna aan wax baran. Nabadgelyadana sidii hore way ka liidataa dawladnimana hadalkeedaba daa.

Laakiin intaas hal wax ayaa igaga daran oo ka muhiimsan aqoonta iyo dhaqaalahaba. Waa raasamaalkii ay soomaalidii hore lahayd. Iskuul lagu ma barto sida waxbarashada, wax la iibiyo ama la soo saarana ku ma kobocdo sida dhaqaalaha oo waa sifooyin aan si fudu lagu helin. Qabka, islaweynida, iyo kalsoonida ay isku qabeen ayaa ah raasamaalka inaga lumay oo jiilkani uu ka arradan yahay. Qabkii ay ku diideen taladii sancaddaalaha aan rabin inay midoobaan, madaxbannaanidii ay naf ahaan u madaxbannaanaayeen, iyo kalsoonidii ay iyagu isku qabeen ayaa ah wax aan wax loo dhigaa jirin. Caadifad ku sheeg amaba fudayd ku tilmaam laakiin waxa hubaal ah go’aamadu inay iyaga ka soo baxayeen. Si walba oo ay u ahaayeen ubad uu guumaystuhu wax baray oo tarbiyeeyay haddana waxay isu arkayeen inay iyagu iska xigaan ajnabiga danta dalkuna ay iyaga u taallo. Qabyaalladdu way jirtay laakiin ma aysan gaadhsiisneen inay qarannimada ka awood badato.

Maanta labada qof ee soomaalida ahi haddii ay isqabtaan meel ay leeyihiin ma wada fadhiistaan waaba haddii ay wada hadlaane. Meel waxa ugu dhow Jabuuti. Laakiin waxay ka jecelyihiin gogolba gogosha ay ka fogtahay inay isugu tagaan. Addis Ababa aad ayay u jecelyihiin, Nayroobina way ku farxaan. Waxay labadaasba ka sii jdoorbidaan inay qaaradaha ka tallaabaan oo guri caddaan ay wada fadhiistaan halkaasna loogu garnaqo. Haddiiba wada fadhiisigu iyaga ka imanayo maxayba kaa dhibi lahayd ee sidii labo caruur ah oo waalidkood isku qasbayo inay isgacan qaadaan ayaa la isku ku soo qasbaa.

Advertisement

Shirkii Jabuuti arrinta ugu daran ee dareenkayga beddeshay murugadana igu abuurtay waxay ahayd markaan arkay Muuse Biixi iyo Farmaajo oo is horfadhiya haddana ku wada hadlaya af Ingiriisi. Haa, af aanay dadkoodu ku hadlin dalkoodana laga adeegsan. Af aanay labadooduba si fiican u garanayn oo dhibaya oo ay jejebinayaan. Way is horfadhiyeen oo masaafo ahaan isu dhowaayeen laakiin qalbigu aad ayuu u kala fogaa.

Bal eeg maamul goboleedyada iyo halka la kala joogo.

In qabiilku uu ka weyn yahay qaranka waxa kuugu filan xuska maalmaha 26ka juun ama 1da Luulyo. Inkastoo aanayba geyin xusid oo xaalad xaflado la dhigo aynaan ku jirin haddana waxa ka weyn oo buuq badan maalmaha reeruhu gaarka u leeyihiin. Waayo labadaas maalmood waxay ka dhaxaysaa soomaali, maantana soomaali wax isugu jira ma jiraan sidaas darteed qof walba waajibka u weyn ee saarani waa ka uu gaar ka u leeyahay inuu muujiyo, xayaysiiyo, kor u qaado si reeraha kale uu u la tartamo.

60 sano kahor ma jirin Imaaraad Boosaaso ama Berbera iska soo gala.

60 sano kahor Kiiniya xitaa ku ma riyoon jirin inay Kismaayo iyadoon albaabka soo garaacin ay dalaq soo tidhaahdo gudaha.

60 sano kahor Itoobiyaan inoo garnaqa wax la suuraysan karo ma ahayn marka keliya ee ay xusuusteenna ku soo dhacaanna waxay ahayd markaynu cadaw xusuusanno.

60 sano kadib wax aan dib u dhac, burbur akhlaaqeed, siyaasadeed, iyo mid dhaqan ahayn oo inagu soo kordhay ma jirto. Wax lala dabbaaldego oo lagu farxo ma garanayo.

WQ/ Cabdicasiis. M. Jamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here