Madaxda Suudaan oo shirar la leh shuyuukhda imaaraadka & sarakiil Maraykan ah

0
61

Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo madaxa golaha talada haya ee Suudaan ayaa u safray dalka Isutaga Imaaraatka carabta si ay wadahadalo ugala yeeshaan saraakiisha Imaaraatka iyo Mareykanka, sidii suudaan looga saari lahaa liiska Mareykanku dawladaha qaar ugu calaamadiyo “argagixiso maal geliyayaal”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladu .

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Sudan ee SUNA ayaa sheegtay maanta oo Axad ah in General Abdel-Fattah al-Burhan, hogaamiyaha golaha madaxda dawlada suudaan,  Generalka oo mas’uul ka ahaa afgembigii madaxweyne Cumar Al-Bashiir sanadkii hore talada looga tuuray, wuxuu wadahadallo la yeelan doonaa shuyuukhda Imaaraadka, wadda hadaladaa oo looga hadli doono arimaha siyaasda ee suudaan khuseeya.

Wasiirka Caddaaladda Suudaan Naser-Eddin Abdelbari ayaa la kulmi doona saraakiisha Mareykanka ee jooga Abu Dhabi si uu ugala hadlo “ka saarista [magaca] Suudaan liiska dawladaha taageera argagixisada, iyo taageero siinta dawlada suudaan xilliga kala guurka iyo sidii deynta Mareykanku ku leeyahay Suudaan looga dhaafi lahaa ama looga khafiifin lahaa. “.

Si kastaba ha noqotee, website ka Axios ayaa soo wariyey in saraakiisha Mareykanka, Imaaraatiga iyo Suudaaniyiintu ay ku qaban doonaan Abu Dhabi kulan “go’aan looga gaadhi doono” Isniinta ” sidii xidhiidhka suudaan iyo Israel looga dhigi lahaa mid la ah heshiisyadii ay wada galeen Mareykanka iyo Imaaraadka. toddobaadyadii la soo dhaafay.

Advertisement

Website ka Axios oo soo xiganaya ilo-wareedyo aan la garanayn ayaa qoray in dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Suudaan – ka sokow ka saarida liiska argagixisada – ay dalbanayso “in ka badan $ 3bn oo gargaar bani’aadamnimo iyo kaalmada miisaaniyadda tooska ah” si ay u aqbasho la heshiinta Isreal.

Waxay sidoo kale dawlada suudaan dalbanaysaa in ay ka hesho “ballanqaad” Mareykanka iyo Imaaraatka ” balanqaadkaa oo ah inay Suudaan hesho kaalmo dhaqaale, saddexda sano ee soo socota”, Axios ayaa werisay warkan axaddii.

Bishii Ogosto, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo wuxuu soo hadal qaaday arrinta ku saabsan in Suudaan ay xiriir la sameyso Israa’iil, markii uu booqashada ku tagay Khartuum.

Isaga oo ka jawaabaya, ra’iisul wasaaraha Suudaan Abdalla Hamdok wuxuu sheegay in dowladiisu aysan haysan wax awood ah oo ay ku sameyso arintaas, talaabadaas oo kalena la go’aamin karo kadib marka uu dhamaado xilliga kumeelgaarka ah iyo qabashada doorashooyinka, oo la qorsheeyay sanadka 2022.

Xilligaas, Pompeo wuxuu ku jiray socdaal uu madaxda gobolka kaga dalbanayo in ay ku qancaan in dalal badan oo Carbeed ay xiriir la yeeshaan Israel.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rajaynayo in dalalka kale ee Carbeed ay ku daydaan wadadii Imaaraatka iyo Baxrayn, oo ah dowladihii ugu horreeyay ee Carbeed ee rubuc qarni “xiriir caadi ah” la sameeya Israa’iil.

Falastiiniyiinta ayaa aad uga carooday talaabooyinka, iyaga oo u arkayay khiyaano taas oo sii wiiqi doonta mowqifkii mudada dheer taagnaa ee carabta ee ku baaqayay in Israel ay ka baxdo dhulka ay heysato iyo in ay aqbasho dowladnimada Falastiin si ay ula soo noqoto xiriirkeedii caadiga ahaa ee dalalka Carabta.

Bishii Febraayo, Al-Burhan wuxuu Uganda kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, kulankaa oo qarsoodi ahaa waxaa cambaareeyey dibadbaxayaasha reer Suudaan. Intaa kadib Al-Burhan wuxuu sheegay in mowqifka Khartoum ee ku wajahan qadiyada Falastiin iyo xaquuqda Falastiiniyiinta uu yahay inay dhistaan dowlad madaxbanaan, in kasta oo diyaaradaha ganacsiga Israel ay dhawaan bilaabeen inay dul maraan Suudaan..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here