ABWAANNIMO WARKEED HOO..

0
387

 

Waxaa qoray: Cilmi Samatar.

Muqdisho (Walwaal Online), Inkasta oo aanuu jirin tixraac la isku raacsan yahay oo lagu wada go’aa, haddana afka Soomaaliga waxa ugu muhiimsan ee laga dhex helo, macnihiisana la qaataa waa suugaanta iyo sida ay dadka suugaantu u macneeyaan. Sidaas oo ay tahay haddana waxa jira, erayo la isku qabto oo cidiba si u taqaanno una macnayso, erayadaasna waxa ugu badan kuwa isdilaaxa noqday ee macnahoodii asalka ahaa uu ka awood batay macnaha isdilaaxiga ahi. Waxa jirta in afku xilligii la qoray (1972) uu sameeyay korriin iyo koboc aad u ballaadhan oo uu noqday af aqoon xanbaari kara.

Erayo badan oo asalka luuqadda macne ku lahaana macna aqooneed oo kale loo xambaariyay, kuwa hor lehna waa la sameeyay. Erayada noocan ah waxa ka mid ah [suugaan, abwaan, hal-abuur IKK]. Runtii waxa ay ahayd hawl waxku-oolnimadeeda leh, ha yeeshee xooggeedii uu la saqiiray burburkii dawladdii dhexe.

Advertisement

Haddaba erayga abwaan oo aynu u soconnaa waa eray aad u muran badan oo aan la isla aqoon; cidbana si u fasirto. Bulshadu waxa ay u taqaannaa “hal-abuurka suugaanta curiya, halka maansoolayduna uga taqaanno cid kale oo aan la aqoonnin”! Cid kale oo aan la aqoonnin waxa aan uga jeedaa: haddii aad tidhaahdo bal hadda tusaale keen? Waxa dhacaysa in aanad ka helaynin, waxa laga yaabaa qof beri hore noolaa in ay kuu sheegaan qaarkood, maxaa ay ku noqdeen? Marka aad ku celiso’se kuuma jawaabi karaan — saa astaamo go’an oo la isla-yaqaannaa maba jiraane.

Intaasi waa isa-seegga macneed ee bulshada iyo suugaanlayda, dhan kale marka laga eego: waxa aan marar badan arkaa odayo waaweyn oo macnaynaya oo haddana aragtida ay ka qabaan eraygu is-burinayso. Dadka noocaas ah waxa ugu horreeyay ogaalkayga Cabdillaahi M. Axmed – dhoodaan AHUN. Mar uu weriye TV-ga [Horn Cable] ka tirsanaa oo Heello la yidhaa waraysi ka qaaday, waxa uu Dhoodaan ku macneeyay erayga abwaan “abwaanku nin sheekeeya ma ahayn, nin suugaan curiyana ma ahayn; waxa uu ahaa nin wixii la garan waayo ee adkaada loola yimaaddo, ka dibna hadal yar oo gaaban oo marka danbe maahmaah ama halqabsi noqda kaga jawaaba”.

Marka aad’se tixihiisa u fiirsato waxa aad dhaadaysaa in uu sidaa si ka duwan u adeegsaday, una adeegsaday in uu erayga abwaan yahay “ninka suugaanta sameeya — gabya, geeraara, jiifteeya amase badaha kale ee maansada curiya”. Bal hadda u fiirso labadan gabay ee uu Dhoodaan xilliyada kala duwan sameeyay:


“Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo
Bidili weeye bayd uu ka tegay ood beddelataaye
Rag horaa bisleeyaye intuu Gun iyo baar sheegay
Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye…..”
“Hal-abuurka maansada ninkii aad u garanaaya
Mar haddii aftahan loo yaqaan ammuu abwaan sheegto
Wax if jira, wax aakhira jira iyo waxan la eegaynba
Waa inuu ogaadaa sidii uur-ku-baallaha…”

Waxa kale oo aan arkay Maxamuud M. Yaasiin – Dheeg oo mar buuggiisa lasoo bandhigayay ka sheegay in aanuu isagu abwaan ahayn oo aanuu wali derajadaa gaadhin, waa aad rumaysan kartaa ama diidi kartaaye, waxa yaab kugu noqonaysa, marka aad aragto in buuggiisaba “Dhaxal abwaan” la yidhaahdo! Waxa isku kaa qaban waayaya abwaan ma ihi iyo buuggayga “Dhaxal abwaan”!


Tusaale kale: waxa aan arkay Maxamed A. Dacar oo isna barnaamij [Horn Cable] suugaanyahanka iyo qoraayada u qabtay ka sheegay in aanuu abwaan ahayn, oo aanuu derajadaa gaadhin; in aan la dedejinna dalbaday. Saddexdaas oday afkooda ayaa aan ka hayaye, Hadraawi ayaa aan isaga maqlay in uu ku macneeyay “qof ugu yaraan lixdan jiray, lixdan ka horreeyayna warkooda haya, lixdanka soo socdana oddorosi kara”.

Khadar Shucayb Cabdi – Hawd oo isaguna eraygan iyo kuwa xidhiidhka la leh sida: xidaar, raayib, gabyaa, geeraarshe, qalanbaawi, tegaya-baane iyo hal-abuur; barnaamij ka sameeyay ayaa sheegay in mar eraygan abwaan macnihiisa la weydiiyay Xasan X. Cabdillaahi – Ganey oo uu ku sheegay “abwaan waxa xilligayagii la odhan jiray: ninka saddex riwaayadood oo taabba-gal ah sameeya” waa macnayaal dhammaantood u muuqda in ay is-tabcaynayaan oo ay is-burinayaan.

Mar kale bal hadda aynu iyagana eegno macnaha ay qaamuusyada afku u yaqaannaan eraygan abwaan. Qaamuuska Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita puglielli waxa uu ku macnaynayaa afar mid:
1. Buug ama buugaag taxane ah oo laamaha aqoonta oo dhami ku urursan yihiin.
2. Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh.
3. Nin garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh.
4. Qof riwaayadaha curiya.

Qaamuuska Af-Soomaaliga ee Yaasiin C. Keenaddiid isaguna waxa uu ku macnaynayaa laba mid, oo kala ah:
1. Qof laama badan oo cilmi ah aqoon weyn u leh, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni.
2. Buug laamaha aqoonta oo dhami ku urursan yihiin.

Qaamuuska Saalax X. Carab ayaa isaguna ku macnaynaya “abwaanku waa qof cilmi weyn u leh, laamaha aqoonta ee bulshada siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada; waaya-arag; waxyaqaan; buuni”.

Axmed F. Cali – Idaajaa ayaa isna eraygan kusoo daray mar uu wax ka qorayay erayada ay warbaahintu qaladday ama ay laaxinka macneed/dhawaaq gelisay. Marka kan Idaajaa waxa uu ku macneeyay erayga “Abwaan waa eray ay Soomaalidu ku magacawdo ninka aqoonta dheeraadka ah u leh dhaqanka iyo ilbaxa qolada iyo degmada uu u dhashay iyo sidaas oo kale, qolyaha kale ee la deriska ah. Waa nin si wacan u yaqaan xeerarka iyo axdiyada u dhexeeya tolka uu isagu ku abtirsado iyo kuwa kale ee ay ood-wadaagta yihiin”. Idaajaa ma hilmaamin in da’du shardi u tahay abwaannimada, marka uu qodobkan biniixinayana waxa uu odhanayaa “Waxa aan maqlaa iyada oo la leeyahay “abwaanka da’da yar” markaas baa aan hoosta iska idhaahdaa “Alla abwaannimo iyo da’yaraani kala fogaa”!

Intaas marka aynu kaga nimaadno qeexitaannada laga bixiyay erayga “abwaan”, aynu u nimaadno is-rogrogga macneed ee uu yeeshay waqtiyada kala duwan. Macnaha asliga ah ee luuqadeed oo aan filayo in uu yahay macnaha ay hibanayaan: Dhoodaan, Dheeg, Dacar, Idaajaa iyo Hadraawi waa midka ay qaamuusyadu ku sheegayaan “Nin garasho, aqoon iyo waaya-aragnimo dheeraad ah leh” — Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita. “Qof laama badan oo cilmi ah aqoon weyn u leh, siiba dhaqanka iyo ilbaxnimada tolka; waaya-arag; waxyaqaan; buuni” — Yaasiin C. Keenaddiid iyo Saalax X. Carab.

Isu-geyntoodana la odhan karo, waxa uu ahaa “qof da’ ahaan weyn oo waaya badan usoo joogay, aqoon iyo waaya-aragnimana kala hadhay; ogaal weyna u leh xeerarka tolalka kala gala iyo xujooyinka loo maarada waayo ee bulshadu la kulantaba” markan waxa dhici karta in uu noqdo qof maansada curiya iyo in aanuu curinninba, sida oo kale waxa lagu doodi karaa in uu dhalasho yahay iyo in uu barasho yahay iyo in uu isu-taggooda yahayba. Aniga ahaanna waxa ay ila tahay in uu yahay isu-geynta dhalasho/hibo iyo barashaba oo aanuu middood ku suuroobaynin.

Waayadii hore in aanuu xagga maansada xidhiidh la lahayn baa lagu doodi karaa, oo ay kala laba badood ahaayeen: maansayahannimada iyo abwaannimadu. Middanna waxa loo daliishan karaa in aanuu maansadii magaala-galka ka horraysay kusoo aroorin isaga oo macnaha gabyaannimada loo adeegsanayo. Ogaalkayga oo aanan ku go’aan qaadan karin baa aan sidaa u leeyahaye, inta aan ka aqaanno maansadii Soomaaliyeed ee magaala-galka ka horraysay meelna kagama arag — macnahan gabyaannimada iyo macna kalaba.

Macnaha labaad oo lagu doodi karo in uu magaala-galka la socday ayaa noqonaya midka uu Xasan-Ganey sheegay ee ah “abwaan waxa xilligayagii la odhan jiray: ninka saddex riwaayadood oo taabba-gal ah sameeya” waana macnaha uu qaamuusku u qorayo sidan “Nin curin iyo hal-abuur suugaaneed leh; Qof riwaayadaha curiya” — Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita.

Mar kale, markii afka la qoray (1972) ayaa waxa la sameeyay eraybixin cilmi ah, sida sayniska, siyaasadda, warbaahinta, suugaanta iyo dhaqaalaha. Halkaas ayaa uu mar kale boos ka helay eraygii abwaan, oo markan lagu eray-bixiyay (encyclopedia= abwaan). Saddexdaas macne ayaa uu luuqadda ku yeeshay, kuna leeyahay illaa immika, inkasta oo lagu doodi karo beryahan danbe waa lasii maydhaamay oo la muunad-dilay.

Dhan kale, sida ay suugaantu u taqaanno ee maansayahanku u adeegsaday haddii aynu eegno, sheegnay in aanuu maansadii hore ee baadiyaha iyo asalka u badnayd kusoo aroorin (aanan anigu ku garanaynin) balse intii bandar-galku yimid tixihii la curiyay ay u adeegsadeen macna isku mid ah, ama isku dhawdhaw. Macnahaas oo ah in abwaanku yahay ninka maansada curiya, bal hadda meerisyadan u fiirso sida uu ugu jiro:
“Aaminaay waan gabyay
Nin abwaanana waan ahoo
Eraygiisu tuf leeyee…”
“Ee aniga iga bilow oo
Abwaankeedu ka seexday
Ee wax aqoon kii tebaysa
Afweynoo laga reeyana
Ujeedda uga danbaysay…”
Gaarriye, Ergo

“Abwaankii buxuur ahi markuu gabayga baandheeyo
Bidili weeye bayd uu ka tegay ood beddelataaye
Rag horaa bisleeyaye intuu Gun iyo baar sheegay
Markhaatiga bakhayl yaanan noqon uga ba’aayaaye…..”
Dhoodaan, Qalbi karbaash

“Taariikh madow baad
Maandhay la kulantay
Waqtigaa murkucashiyo
Laf maroorta yeeshaye
Haddaad maahir dumareey
Intii macallimiintiyo
Afku madax bannaanaa
Murtilaydii kulantaan
Gabay aad ka maqan tahay
Abwaannadu ma mariyeen
Haween kale ma muuqdeen
Ama lama majeerteen
Maahmaahahaagiyo
Magac bixinta heestaa
Noqon laa ma guuraan…”
Hurre Walanwal, Maarshaalka quruxda

“Af-hayaha barbaartoow
Ababshaha dhallaankoow
Taliyaha abwaankoow
Aabbaha jacaylkoow…”
Hadraawi, Arag maqal

Kuwa la isku qaldi karo waxa ugu muhiimsan oo lagu wareeraa erayga kale ee hal-abuur. Eraygani waa uu ku jiraa maansadii hore iyo tan danbaba, waxase uu caan ku yahay middan danbe oo qoraalkii afka ka dib erayadii shaqadooda qabsaday ayaa uu ku jiraa. Maansadii hore marka la joogo, Salaan M. Xirsi – Carrabay ayaa aynu tusaale ugusoo qaadan karnaa gabaygiisii Haadaaqsi

“tixdaan hidiyo haaneedsigaan hoodo ku lahaaye
hal-abuurka layguma higsado soo hadaaf baxaye
Hoyaalayntaan kaga badshaa haybad iyo luuqe”

Macnaha uu sido marka loo eego, waxa ay dad badani qabaan in abwaannimadu ka sarrayso hal-abuurnimada, waxase ay ila tahay in erayga hal-abuur ka macne iyo guda ballaadhan yahay erayga abwaan.

Erayga hal-abuur waxa lagu qeexi karaa “waa marka wax jiray oo meel yaalay aad isu keento si aad uga soo saarto shay cusub oo qurux iyo manaafacaad leh” sidaas marka ay tahay kuma koobna oo kaliya suugaanta ee nolosha oo dhan ayaa uu ka dhex adeegaa; fanka, suugaanta, ciyaaraha, sayniska, tiknoolojiyadda, ganacsiga, siyaasadda IWM, ayaa dhammidood hal-abuurnimadu ka iman kartaa.

Ninka suugaanyahanka ihi ereyo jiray ayaa uu isu keenaa, markaasuu tuduc cuddoon ka unkaa. Ninka dawaarlaha ihi, maro waar ah oo duub ahayd ayaa uu jarjaraa markaasuu toob bilicsan ka sameeyaa. Taayirada gaadhiga waxa laga dhigi karayay bir ama shay adag si uu meel kasta u maro, laakiin ninka gartay in uu ka dhigo walax naqas ku jiro si aanu ciida hore u gelin waa hal-abuur.

Gabadha weelka xalaysa ee koobabka iyo falaasadaha foorarinaysa marka ay xasho si biyuhu uga gororaan waa hal-abuur shaqo, si aanay hadhaw midkasta u qalajin. Nolosha oo dhan ayaa hal-abuur ah. Nolosha oo dhan ayaa hal-abuur u baahan si aynu hadba mishkilad u xalinno.

Marka afkii hore ee baadiyaha la joogo, noloshu aad baa ay u koobnayd, shay kastaana eraygiisa gaarka ah ayaa uu lahaa. Sidaas oo kale ayaa ay aqoontuna u koobnayd, cidda aqoonta lihina u yarayd cid walbana ay magac gooni ah ugu lahayd laanteeda aqooneed. Ciddii ilbaxnimada reeraha iyo xeerarkooda qaybta ayaa abwaanno ahayd; xiddigaha, cimilada iyo ka saadaalintooda ciddii ku magac yeelata ayaa xidaarro, malluugyaqaan ama mooro-baadh ahayd; aqoonta diinta iyo iba-bixinteeda ciddii loo ogyahay oo heerar kala leh ayaa iyaguna “fiqi-duurre, aw, wadaad iyo sheekh” ahaa; aqoonta afka, erayadiisa iyo suugaantiisa ciddii ku xeeldheeraata ayaa iyadana loogu yeedhi jiray “af-guun, af-aqool iyo afdhaari”.

Xagga maansada marka laga eego, sidaas oo kale ayaa ay cid waliba badda ay ka maansooto ugula magac bixi jirtay. Gabyaa, geeraarshe iyo heesaa baa ka mid ah kuwa godadka loogu magac daray, waxa kale’se oo jira qaar ka madax bannaan oo ama golaha ciyaaraha dhallinta ku caan ahaa ama geedka odayada iyo guriga lagu garan ogaa, sida laashin, qaryaan, qalanbaawi iyo hoobal.

Ugu danbayn, hadalna danbuu u go’aa biyana saray u dhacaane waxa aan leeyahay erayga abwaan ha inoo lahaado saddexdaa macne, ka luuqadeed oo aan immika adeegsi loo haynin oo aynu taariikh ahaan uun u hayno; ka hal-tebinta ah (encyclopedia= abwaan) iyo ka ah “qof maansada curinteeda lagu yaqaan”. Aniga ahaan, waxa aan qabaa kan danbe oo ah ka ugu adeegsiga badan iyo ka ugu muranka iyo makeekiga badan in la isla qaato, shuruudana loo dhigo sida Xasan-Ganey sheegay. Mar haddii aan riwaayado jirin waa in tusaala ahaan la yidhaahdo “waa qofka ugu yaraan curiya 20 maanso oo toban badood ku kala fadhiya” si aan eraygana loo qiima tirin, macnaha bulshada iyo maansadu u yaqaannaanna loo dafirin.

Tixraacyo

1. Qaamuuska Af-Soomaaliga — Saalax X. Carab
2. Qaamuuska Af-Soomaaliga — Yaasiin C. keenaddiid
3. Qaamuuska Af-Soomaaliga — Cabdalla C. Mansuur iyo Annarita Pugllieli
4. Qoraalka warbaahinta — Axmed F. Cali – Idaajaa
5. Abwaan misa hal-abuur — Yaxye Cabdi Cali – Yeebaash
6. Garanuug — Muxammad Yuusuf
7. Barnaamijka sharraxaadda erayada — Khadar Shucayb Cabdi – Hawd
8. Gabayada Qalbi karbaad iyo Odoros — Dhoodaan
9. Barnaamijka murtida iyo abwaanka —Horn cable
10. Maansada Ergo — Maxamed X. Dhamac – Gaarriye
11. Maansada Maarshaalka quruxda — Hurre Walanwal
12. Barnaamijyo youtube oo kale iyo qoraallo google-ka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here