Afrikaan

0
594

Magaca : Afrikaan.

Dulucda: Tilmaanta isirka Soomaalida.

Godka: Geeraar.

Xarafraaca : Alifley.

Advertisement

Dhererka: 53 Meeris.

Goorta: 7/2011.

Odhaahda Curiyaha:

“ Inkasta oo loollanka haybtu uu Soomaalida dhexdeeda ku soo badanayo, oo muran la geliyay meel ka soo jeedkeenna, haddana aroorkeennu inuu Afrikaan yahay waa mid aan mugdi badan lahayn. Geeraarkani waxa uu xoojinayaa Afrikaannimada Soomaalida.’’

Asalkiisiyo haybtiyo

Halka uu ku arooro

Qofka aan garanayni

Summadlaawe asqoobiyo

Anbad weeye hallaabee ,

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Qofkii uugu horreeyee

Rabbigeennu abuuray

Udgoonoow nabi Aadan

Arladuu ku nagaaday

Soo Ifriiqiya maaha,

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Asxaabtiisi Rasuulka

Markay gaalo eryaysay

Halkii uu yidhi aada

Soo Ifriiqiya maaha,

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Dhulkii Waaqe udgoonka

Ajuuraan iyo Tiirri

Boqortooyadi Awdal

Ilamaa Arraweelo

Faraaciin arbe sheegtay

Soo Afaariqa maaha,

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Afka aan ku hadlaayiyo

Awoowgay magaciisiyo

Ayeyday dhaqankeediyo

Aqalkeenna dugsooniyo

Asalkeennu dhamaanba

Soo Ifriiqiya maaha?

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Isku caynka jidhkeenniyo

Oogadeenniyo muuqiyo

Afka ayn ku hadlayno

Waa tusmooyinka Eebbee

Ninka diiday abuurtu

Soo Abii Jahal maaha?

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiina ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe

Udubkeenna Waqooyi

Affartiisa bahoode

Hareeraha kaga oodan

Indhaheenna Jabuuti

NFD –dhii iyo Hawdiyo

Muqdishoo obocdiiya

Ollog weeye gudboone

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiina ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dhe.

Abwaan Gaarriye sheegye

Habartii inankeeda

Markay aydu cunaysay

Ax doraad odhan wayday

Inay maanta u oydo

Inteeday ku sugaysay,

Waxan uuga socdaana

Innagoo ah walaalo

Haddaynaan is ogaanin

Soo ayaan darro maaha?

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dheh.

Oodda gaalku ku saariyo

Xarriiqii isticmaarku

Iga kaa celin maayoo

Sidii aaran is waayaan

Isu soo olol naaye

Kaama aamusi doonee

Adna hayga irdhoobin,

So’malaay is aqoonsoo

Isirkiinna ku faanoo

Afrikaan Afrikaan dheh.

~ Halhaysreeb, bogga 58.

______________________

Hallaabay: Dhumay; lumay.

Ifriiqiya: Afrika.

Ajuuraan: Saldanad Soomaaliyeed oo seeska loo dhigay qarnigii 10aad ee Milaadiga.

Tiirri: Dad xoog badan oo ku dhaqnaa Geeska Afrika xilli hore.

Afaariqa: Afrikaan.

Abii Jahal: Nin gaal ah oo noolaa xilligii nebiga; qof aan waxba garanayn.

NFD: Gobolka Soomaalidu degto ee waqooyi-bari Kiiniya.

Ollog: Deris; jaar.

Xarriiq: Summad; calaamad

WQ: Cali Ileeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here