Amb, James Swan “Al-Shabaab waa halis amni oo weli ka jirta Soomaaliya..”

0
79

Walwaal Online; Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa ka hadlay dagaalka mudada dheeraaday oo ay dowladda Soomaaliya kula jirto Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Amb, James Swan wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo khatar amni iyo mid horumarineed ku ah dalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii wado dagaalka lagula jiro.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo la hadlay Wargeyska Daily Xayaat ee ka soo baxa dalka Turkiga ayaa wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in weli ay Al-Shabaab yihiin kuwo xoogan oo weeraro fulin kara, hayeeshee u baahan in laga hortago.- Advertisement –

“Al-Shabaab waa halis amni oo weli ka jirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in siwadajir ah looga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida ayuu yiri” Amb, James Swan.

Advertisement

Ugu dambeyn Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu carabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay iska kaashaan sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab, iyada oo aan lag eegeyn kaliya qaab Millateri.

Qaramada Midoobay ayaa waxay ka mid tahay Hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu amniga kamid yahay, waxaana jira Hay’addo iyo dowlado kale oo Soomaaliya ka taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here