Ammaantii ama ceebtii jifi Dhulbahante ahi qabto waxaa qaba Dhulbahante oo dhan

0
172

Labada nin ee aadka u cabaadayey ee aan faallada ka bixiyey Nuur Axmed Dayib baan garanayey oo ina abtigay eeddadey dhashay ah saaxiibbana aannu ahayn se iga gaaloobey ka dib markuu Iiddoor raacay, kan kalena Barkad baan ku qoray markaan arkay in ay Widhwidh ka hadlayaan. Markii la soo qabtay waxaan moodey in aan gefey oo ninka kale Caligeri yahay alla naxdin weynaa! Kkk

Ammaantii ama ceebtii jifi Dhulbahante ahi qabto waxaa qaba Dhulbahante oo dhan. Marka reer ceebtiisa la sheegayana waxaa la rabaa in ay iska maydhaan ee lama rabo in ay isku difaacaan ceebta. Saykolojiyadda reeraha waan fahmaa se aad ugama hadlo sababtoo ah waa la i khaladfahmayaa sidii hadda dhacday. Waa in la fahmaa anigu haddaan jifi aan tayda ahayn caayo waan is caayey qof kale haddii uu jifidayda caayana in isagu is caayey ee cayda sidee isaga maydhnaa. Qofkii Soomaalilaand noqda aniga waa iga gaaloobey aabbahay hadduu noqdo maanta isma sheeganno, tan reeraha dabadhilifka leh nama metelo waa in ay hadur ka dhigaan dhiiggiisa oo iska fogeeyaan se aysan u ololayn, isaga oo ina hebel ah qoladiisa laga kaxayn maayo. Higsiga aan u jeclahay maantana waa in Dhulbahante gaadho heer dhiiggiisu bannaanaado dabadhilifka oo uusan reer hebel noqon.

Aniga reer Dhulbahante, Harti, Daarood ah; qofna igama difaaci karo oo waa ducfi qofkaasi aan macnaha iyo dhadhanka dhalashada fahansanayn se danteenna isfahanka u baahan ayaa ina faraysa udulqaadashada dadkeenna. Qofku inta uu ka gubanayo in jifidiisa xumaan lagu sheego ay leedahay oo ka difaacayo qaddiyad ma laha, waayo qaddiyaddu wey ka sarraysaa jifijifi oo waa dan guud iyo jiritaan Dhulbahante, Harti, Daarood. Anigu dan kama lihi giddigiin haddii aad jifidayda caydaan sababtoo ah waxa jifidayda cayda ku ahi idinkana waa idin ku cay ee ogaada.

Qofka intan oo magac; dayuus, dabadhilif, dabaqoodhi, midiidin, gaashaanwalwaal, xiniinyasalaax iyo addoon isku darsaday ayaa boqoljibbaar ka xun cadowga. Waana ubucda mushkiladdeenna in aynnu u aragno nin ina adeerkeen ah. Waa qof inaadeerkiisa nool dhiiggiisa iyo jiritaanka labadoodaba iibsanaya oo soortii saxarada ahayd dhaafsana, inaadeerkiisii badbaadinta caqiidada jiritaankaas u dhintayna bakhtigiisii cunaya. Waxa uu ka shaqaynayaa isaga iyo ehelkiisii midna dan uma aha oo qofka Soomaaliga ah iyo qabiilkiisu kala dan ma noqon karaan. Waa in aynnu dabadhilif walba iska beri yeelno, lana gaadho heer dhiiggiisu hadur noqdo oo uusan ina hebel noqon, innana dhiiggeenna uu iibsanayo aynnaan u raacin reerkiisa. Waa in la dayriyaa. Markaas ayeynnu cadowga toos isu qaabbili lahayn, oo hadda waxa ina diley waa dagaal daanyaqaadnimo ah oo cadowgiiba aynnaan is arkayn se dad uu rartay oo innaga ah baa la inoo soo dirayaa, oo aynnu soo dhoweysanaynnaa, waa heer gunnimo oo sare ‘xarbu bilwakaalah’. Waa qof mabda’iisu dhuuni yahay oo taagan “wax baan cunayaa” ama maankiisii baa laga sineystey oo birtii lagu gawrici lahaa baa lagu rartay. Lacagta la siinayo ninka bixinayaaba nac oo aayo ayuu ku beddelanayaa iyo yool e isaga meeyey aayihiisii?

Advertisement

“Been gudubtey guurayn maxay dunida gaafmeertay

Run ka daba gucleysaa maxay gaadhi kari weydey

Nimey gawracaysaa muxuu gacan ku taageeray!” — Khaliif Sh. Maxamuud.

“Mid kastoo bah kugu raaca oo beelna kugu raaca

Mar hadduu bariis kugu cuniyo baasto la caseeyey

Biidhiqaate iyo tuug baxsaday haw buseelina e

Birta ka asla baaderi ka daran diinta baal maraye

Ballankeennu waynoo jihaad beerka loo dhigo e.” — Cabdisalaan Sh. Yuusuf.

“Nacaskii dad kuu xigey hadduu belada deyn waayo

Dilku waa xal qiimi leh hadduu diido waanada e.” — Ciise Ciise.

Hannaan iyo qaddiyad baa jiroo loo han weyn yahaye

Hal’adayggu waw dhidib xornimo hodantideediiye

Hamrashiyo isyeelyeelna waa xalay habeenkiiye

Qof haddii hungurigiisu wado hoog Allaa badaye

Hog wuxuu ku riday garashadii gelina hoobaaqe

Gobanimo inay kala hadheen hubanti weeyaane

Hoyashada godkaa uga sed roon haragga ceebeede

Hayb iyo tol ma leh waa dugaag layska haawiyaye

Hawl baa u taal ruux walboo helaya dawgeede

Hadur weeye dhiiggiisu ee holaca leefsiiya.

W/Q: Nuur Illeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here