Aroor Hore, 2021.

0
256
Happy New 2021 Year design template with circle banner., fts, fir tree branches, glossy golden balls and gold snowflakes.

Waa hiimsehiimse sagalku daboolay. Waa aroor hore oo ufada roobku way udgoon tahay. Dhulku waa rays, dhirtuna caleen. Daruurta cufan ee biyaha sidda waxa gadaasheeda ka soo cartamaysa cadceed rabta in ay arlada nuurkeeda ku bantookhdo.

 May sugto! Sugi mayso.

Shalay maanta waxba ka ma duwana. Waa maalin cad oo sidii shalay u mutaxan. Sidii shalay bay buug baalal cadcad leh u siddaa! Way se qalin la’dahay. Waan illaaway e, qalinka aniga ayaa sita. Tolow maxaan baalashaas cadcad ku dhigaa? Wax u qalma.

Waaberiyadu waxa ay u ka la duwan yihiin qofka. Xaaladda uu markaas ku jiro ayaa u ka la duwda mooyaane, iyagu, waa isku mid. Haddii aad shalay jirro la kowsatay asaad xalay ka boodday, saakana fayaqab la soo toostay, shalay iyo maanta waa kuu: kaaf iyo ka la dheeri! Mid baa kuu anuug¹ ah, midna waa kuu fooyo². Se marna la ma sheegin aroor shalay fayoobayd asii dorraad bukootay.

Advertisement

 Ha sugin!

Waaberigii shalay ruuxdii la shanaqay³, iyo middii saakay shanbalka⁴ loo tumayba waxa ay ku bikaacsadeen hal aroor; se midba xaaladda shareertay ayaa, halka waaberi, u yeeshay labo fool oo isdiiddan.

Ma jiro waaberi inta kalkiisa galo la dhowro. Tookadiisaba waa diyaar. Ilaa uu midkiin baydgo’o, sidaas buu, waaberigu, u gaafootamayaa⁵.

Haddaba, waaberiyadu jeer kasta waa heegan e, adigu diyaar ma tahay?

Ha i baasaysan.

Arooryo suubban.

2021.

___________________________________________

¹Anuug: Wax sarreeya.

²Fooyo: Bilaa macne.

³Shanaq: Deldelid.

⁴Shanbal: Jaad ka mid ah qalabka muusikada oo ka samaysan qori labo qalbac ah, oo mid walba dhexda u godan yahay, marka la isku dhuftana sameeya dhawaaq kan koorta u eg.

⁵Gaafootan: Miilaysi; kaltan.

WQ: Aar Aw Fiqi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here