Baab’a ma wada hayaan!

0
154

Gabar dariskeena ah oo qurux badan ayaa ninkeeda ka dhintay, wuxuuna ka dhalay 2 caruur ah, sanadkii kowaad waxaan rabay mar walbo inaan la hadlo laakiin waan ka xishoon jiray inaan la hadlo, markaan arkana hoos ayaan fiirin jiray, hadaan la hadlana waxaan ka baqay inay is tiraahdo duruuftaaduu ka faaidaysanayaa !.

Maalintii danbe ayadaa ila hadashay waan farxay waxay igu tiri, waan ku caajisay guri joogida badan waxaan rabi lahaa jawiga inaan soo badasho oo banaanka kasoo casheeyo oo dhar qurxoon xirto! Ee caawo fursad ma haysaa?

waan aamini waayay hadalkaas inay i dhahayso waxaan iri haa fursad wayn ayaan hayaa, waxay igu tiri sideeda fiidnimo ii imow caruurta ayaan kaaga taganayaaye

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here