Bal sawiro duni aan seere jirin

0
577

Fannaankii Bob Marley (1945-1981) wuxuu rumaysnaa in heesaha iyo muusiggu ay yihiin tallaalka lagula tacaali karo nacaybka, midabtakoorka iyo colaadaha haddii dadka lagu duro.

3-dii bishii Diseembar 1976 Bob Marley oo isu diyaarinaya bandhig-faneed loogu magacdaray “Jamaaykaay dhoollocaddee /Smile Jamaica”, oo loo muddeeyey in la qabto 5-ta Diseembar 1976 ayaa gurigiisa waxaa yimid niman qoryo ku hubaysan, kuwaas oo ku furay rasaas ka haleeshay garabka hoostiisa.

Markii isbitaalka la geeyeyna dhakhaatiirtu waxay u sheegeen in xabbaddu ay xidid ku dheggentahay, haddii laga saarana ay keeni karto in uu farihiisa xakamayn kari waayo.

Marley ma uu sawiran karin nolol uusan awoodin in uu garaaco aaladaha muusigga. Sidaas awgeed, wuu diiday in laga saaro xabbadda, kolkaasna dhakhaatiirtu waxay kula taliyeen in muddo dhowr toddobaad ah uu shaqada ka nasto.

Advertisement

 Laakiin labo maalmood ka dib, 5tii Diseembar wuxuu qabtay xafladdii loo ballansanaa oo ay ka soo qayb-galeen 80,000 oo ruux. Waxay ka mid ahayd xafladihii ugu waaweynaa ee uu qabtay intii uu xirfaddaas ku gudo jirey.

Goortii bandhigii uu dhammaaday ayaa Bob Marley waxaa la weydiiyey:

Sababta ku kalliftay in uusan qaadan taladii dhakhaatiirta oo uu xafladda u qabtay? Isaguna wuxuu bixiyey jawaab caan noqotay, oo wuxuu yiri: “Dadka isku dayaya in dunidu ay sii xumaato, maalin qurana hawshooda fasax kama qaataan. Haddaba, sidee baan anigu u qaadan karaa? Iftiimi mugdiga /The people who are trying to make this world worse aren’t taking a day off. How can I? Light up the darkness.”

Waa hubanti, in heesaha iyo muusiggu ay kaalin mug leh ka qaadan karaan nabadda bulshada iyo guud ahaan tan dunida. Heesaha ku baaqa nabadda adduunkana waxaa ugu caansan heesta lagu magacaabo “Bal Sawiro ama Bal Male’awaal” (=Imagine/تخيل), oo miraha, laxanka iyo luuqdaba uu leeyahay fannaankii ingiriiska ahaa ee “John Lennon, 1940-1980”, oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay kooxdii ‘Beatles’ -Sida fannaanku uu goor dambe qiray miraha waxaa wax ku leh afadii u dhaxday ee Yoko Ono oo Jabbaan u dhalatay.

Heestaan oo soo baxday sannadkii 1971, waxay ku soo beegantay xilli uu socday dagaalkii Fiitnaam iyo kii qaboobaa ee u dhexeeyey Bariga iyo Galbeedka. Sidaa darteed, heestaan dhan waxay ka noqotay midda ay ugu jecel yihiin dadka u ol’oleeya nabadda iyo xasilloonida dunida, dhanka kalena heestaan iyo kuwo kaleba fannaanka waxay dhalaxsiiyeen in dowladda Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeetba ay isku si u la colloobaan.

Heestu waxay ku bishaaraynaysaa in timaadda la arki doono duni aayatiin wacan, oo colaad iyo cudur ka maran, aysanna ka jirin soohdimo siyaasadeed, faquuq diimeed iyo dhammaan walxaha aadanaha kala qoqoba. Waa duni nabad ah oo wanka iyo waraabuhu ay is weheshadaan (Fannaanku wuxuu leeyahay heeso kale oo nabadda iyo wada noolaanshaha ku saabsan sida heesta ‘Fursad Sii Nabadda /Give Peace A Chance’).

Heestaan munaasabado kala geddisan ayaa fannaaniin badani afaf kala duwan ku qaadeen. Tusaale ahaan, dabshidkii 2017, fannaanadda carbeed ee Fayruus ayaa waxay qaadday heesta oo Afcarabi loo rogay, oo loo bixiyey “Waa suurogal /يمكن”. Sannadkaan 2020, ee cudurka safmarka ah Covid-19 uu dunida mideeyeyna, heestu waxay ka mid noqotay heesaha loogu dhegaysiga badan yahay.

Horayna farshaxanka Pablo Stanley baa wuxuu soosaaray heesta oo sawirro leh. Erayada ama miraha heesta waxaa ka mid ah;

Bal sawiro in aan janno jirin

Way fududdahay haddii aad isku daydo

Jahannamana aysan naga hoosayn

Cirka oo qur ahina uu naga sarreeyo

Bal malee dadka oo dhan oo maalintooda la nool

Bal malee iyada oo aan waddamo jirin

Ma aha wax adag in la sameeyo

Aysan jirin sabab wax loo dilo ama loo dhinto

Iyo weliba in sidoo kale aan diimo jirin

Bal sawiro dadka oo dhan oo nabad ku wada nool,

Waxaad is oran kartaa in aan riyo ku jiro

Laakiin taa keli kuma ahi

Waxaan rajaynayaa in maalin uun aad nagu soo biirto

Duniduna ay mid qura noqoto!

Bal qiyaas iyadoo lahaansho gaari ahi uusan jirin

Waxaan isweydiinayaa in aad taas awooddo

Looma baahna damac ama gaajo

Adanaha oo walaalo ah

Bal malee dadka oo dhan oo dunida wadaaga

Waxaad u qaadan kartaa in aan riyoonayo

Laakiin taa keli kuma ahi

Waxaan abdaynayaa in aad maalin uun nagu soo biirto

Duniduna ay mid keliya noqoto!!

Meeriska heestu ka bilaabato ee “Bal sawiro in aan janno jirin, jahannamana naga hoosayn”, dadka qaarkood waxay kala baxaan in heestu ay tahay dicaayad diin laawayaashu ay diimaha kula dagaallamayaan, laakiin sida dhabta ah farriinta heestu siddaa waa in aadanuhu ay nabad iyo isfahan ku wada noolaadaan, iyada oo aan loo eegin af, dhaqan, diin, midab iyo xuduuddo siyaasadeed toona.

Sida fannaanka qudhiisu uu marar badan sheegay, isla markaana dadkii yaqiin qaarkood ay ka maragkaceen, John Lennon Eebbe ma uusan diidin, balse wuxuu ka biyo-diiday wadaaddada diimaha iyo siyaalaha ay diinta ugu danaystaan. Waxaana la wariyaa dhowr dhacdo oo loo badinayo in ay mowqifkaas ku xanbaareen.

Tusaale ahaan, waxaa la wariyaa in fannaanka oo kuray ahi uu maalin tagay kaniisadii isaga iyo reerkoodu ay ka tirsanaayeen, laakiin markii wadaadku uu bilaabay in uu dadka wacdiyo ayuu wuxuu la yaabay waxa wadaadku uu akhrinayo oo ugu muuqday been iyo khuraafaad aan caqligal ahayn, jeerkaasna aad buu u qoslay, falkaasina wuxuu keenay in laga mamnuuco in uu mar danbe kaniisadda yimaado.

Dhacdooyinka kale ee la sheego waxaa ka mid ah, in sannadkii 1968 John iyo xubnihii kale ee kooxda ‘Beatles’ ay dalka Hindiya ku tageen socdaal ruuxaani ah oo ay ku baadigoobayeen in ay jawaabo ugu helaan weydiimaha jiraalka ama falsafadda ee aadanaha harsiga iyo hoyaadka u diida sida; Maxaan ahay/nahay? Halkee baan ka imid/nimi? Maxaan u imi/nimi? Halkee baan ku dambayn doonaa/doonnaa? Geerida maxaa ka dambeeya?

(Akhriste, su’aalahaan dadka oo dhan baa isweydiiya, siiba isweydiintoodu waxay ku badan tahay kuwa ladan, maxaa yeelay saboolka baahani waxay aad ugu mashquulaan jawaab u helidda weydiinta kale ee ah: “Sidee baan ku helaa nolol karaamo leh oo ka maran gaajo, cudur, jahli iyo shaqo la’aan igu xanbaarta in aan tuugta-dharaarta tuugsado, haddii aan haweenay ahayna aan jirkayga iibiyo?”. Intaas waxaa dheer, in jawaabta ay diimuhu ka bixiyaan weydiimaha waaweyn ee falsafiga ahi aysan ahayn kuwo si qumman loogu qanci karo. Waayo diimuhu waxay bixiyaan jawaabo aan wadan daliil ka maragkaca sheegashadooda.)

Siday ahaataba, kooxdu markii ay Hindiya tageen waxay dageen mawlac uu maamulo wadaad Hinduusi ah oo lagu magacaabo ‘Maharishi Mahesh Yogi’. Muddadii kooxdu ay halkaas ku sugnayd, wadaadkii martida loo ahaa wuxuu si fool xun u xodxotay gabar ka mid ahayd kooxda oo la yiraahdo ‘Mia Farrow’.

Falkaas oo John Lennon uu goor dambe ka qoray hees uu markii hore u bixiyey “‘Maharishi’, laakiin markii dambe ku soo baxday magaca “Saadiyada Soo Jiidishada Leh /Sexy Sadie”, uuna ku dhaleeceeyey wadaadkaas oo uu ku sheegay mid aan diin danayn, balse daneeya sidii uu ku heli lahaa magac, maal iyo galmo oo qur ah.

Dhacdooyinkaas iyo kuwo kaleba, John Lennon waxay ku bixiyeen in uu la colloobo wadaaddada diimaha iyo si xun wax u sheeggooda, uuna yiraahdo: “Eebbe waa fikrad aan ku cabirno xanuunkeenna /God is a concept by which we measure our pain” iyo “Hadda annaga [=kooxda Beatles] ayaa Ciise ka magacdheer; mase garanayo midka hor dhammaanaya -Rock & Roll ama Masiixiydda” iyo weliba “Ma aamminsani, sidaa darteed waan jiraa”, oo ah isla oraahdii feylasuufkii Rene Descartes ee “Waan fekerayaa, sidaa awgeed waan jiraa /I think, therefore I am” oo uu si kale u dhigay.

Hadalka oo kooban, fannaanku wuxuu dafiray ilaaha wadaaddada iyo diimaha nidaamsan, wuxuuna qaatay ilaaha falaasifada. Wuxuu diiday jiritaanka Ilaah la moodo oday garweyn oo cirka kursi u yaal, wuxuuna aamminay Ilaah aan aadanaha meel ka jirin. Isaga oo qodobkaan ka hadlayana wuxuu yiri: “Eebbe waan rumaysnahay… Ma aha sida oday cirka jooga.

Waxaan aamminsanahay in waxa dadku ay ugu yeeraan Ilaah uu yahay wax dhammaanteen naga mid ah. Waxaan aamminsanahay in waxa Ciise, Maxamed, Buuda iyo inta kale oo dhammi ay sheegeen uu sax ahaa. Waxa keliya ee jiraa waa in tarjumaaduhu ay khaldameen / I believe in God… not as an old man in the sky. I believe that what people call God is something in all of us. I believe that what Jesus and Mohammed and Buddha and all the rest said was right. It’s just that the translations have gone wrong.” Intaa waxaa dheer, in fannaanku uu ahaa calmaani rumaysan in la kala fogeeyo diinta iyo dowladda. Maxaa yeelay, diinta iyo dowladdu waxay ka dhigan yihiin dabkii iyo dhagaxii Abwaan Cali Sugule “AUN” uu ka dardaarmay in la kala dheereeyo isku dhufashadooda.

Sagaalka bisha soo socota ee Oktoobar 2020, waxaa la xusayaa afartan guurada ka soo wareegtay dilkii John Lennon. Qaar ka mid ah dadka ku mashquulsan qabanqaabada xuskuna iyaga oo ka warbixinaya sababta xuska loo qabanayo, waxay yiraahdeen: waxaan rabnaa in la ogaado in John Lennon uusan la dhiman afkaartii uu rumaysnaa. “Nabadda, Jacaylka, sinnaanta labka iyo dheddiga iyo caddaaladda bulshada- walxahaasi weligood ma duugoobaan,” bay sii raaciyeen.

Isku soo duuboo, waxaa si weyn loo rumaysan yahay in heestaani ay tahay hees yuutoobiya ah oo saadaalinaysa wax aan suuroobayn -duni aan xuduuddo lahayn, diimana aysan ka jirin. Taas oo jirta, haddana dhanka kale waxaa si fudud la isugu raaci karaa in ay tahay hees macaan oo dadka damiirka leh badankoodu ay si weyn ugu riyaaqaan. John Lennon waxaa laga hayaa in uu yiri: “Riyada aad keligaa riyootaa waa uun riyo, midda aad wadajirka u riyootaanna waa xaqiiqada.”

WQ: Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here