Bangiga Dhexe ee Keenya (CBK) wuxuu sii daayey 7 bilyan (Sh) oo loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah coronavirus

0
194

Nayrobi (Walwaal online), Bangiga dhexe ee Kiiniya (CBK) ayaa fasaxay 7.4 billion oo lagu taageerayo hawlaha lagu xakabaynayo faafitaanka xanuunka Coronavirus. Guddomiyaha Bangiga dhexe Mudane Patrick Njoroge oo ka hadlayey kulan lagu qabtay aqalka madaxtooyada manta jimcihii, iyadoo uu goob-joog ka ahaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta,  ayaa yiri: lacagta waxaa laga helay geba-gebayn lagu sameeyey 1,000 oo hayad lacag, in badan taaley bangiga.

“Sida la  xasuusto bishii Sebtember ee sanadkii hore ayaan goosanay in lacagtaa oo dhamayd 1,000 Sh. Hada na noqotay, 7.4 bilyan ( Sh) oo u dhiganta qiimihii lacagtaa, iyadoo aan sistemka dib ugusoo noqon doonin.

Lacagtaas waxaa lahaa dad iyagu, sabab kasta ha noqotee, aan soo doonan jeegagga meesha yaaley. Markaa waxay u baddan tahay in lacagtaa si sharci darro ah loo dhigtay, waxa aan kaga hadalay meelo kale, ayuu hadalkiisii daba dhigay gudoomiyiha CBK.

Dr Njoroge wuxuu sheegay in bangigu dib u soo celinayo lacagta si loogu adeegsado oo kor loogu qaado dedaallada dowladda ee lagula dagaallamayo cudurka faafa ee coronavirus.

Advertisement

Dhanka kale Madaxweyne Kenyatta ayaa faray Xoghayaha Maaliyadda Ukur Yattani in la hubiyo in lacagta loo isticmaalo in lagu taageero shacabka Kenya si looga gudbo dhibaatada caafimaad.

Madaxwaynuhu wuxuu yidhi lacagtaa waxaa lagu caawinayaa xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka, Intii lagu jiray kulanka, Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay lacag dheeraad ah oo dhan 1 bilyan ( Sh) oo loo qoondeeyey shaqaaleynta shaqaale caafimaad oo dheeri ah, maxaa yeelay waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo awoodda dalka ee wax looga qabanayo cudurka ‘coronavirus’.

Wuxuu kaloo sheegay in lacagahaas dheeriga ah ay dowladdu doonayso in ay kula timaado awood ku filan oo ay ku taageerto kuwa horeyba uga shaqeynayay caafimaadka si ay u badbaadiyaan nolosha.

Xigasho: Daily Nation

Turjumaadii: Hassan. M.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here