Baydhaba waxaa lagu doortay qaar ka mid ah mudanayaasha aqalka odayaasha Soomaaliya

0
115

Muqdisho (Walwaal.com) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabtay Doorashada kuraasta Aqalka Sare, mar aan sidaa usii fogayna waxaa senator loo doortay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiur-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda Ra’iisal wasaare Rooble. Senatorku wuxuu dhulka ku jiidey Maxamed Xasan Aadan oo helay 6 oo cod keliya. Halka senatorka la doortay uu helay 80 cod oo ka mid ah baarlamaanka maamul goboleedka.

 Taasi waxay ka dhigantahay. Jawaab waafi ah oo la siiyey Axmed madoobo oo todobaadkii hore soo sharaxay senator siwayn uga soo horjeeda Maxamed Calaahi Farmaajo. Waxaa iyaduna xusid mudan in laba hablood loo doortay aqalka senatka. Waxayna kala yihiin Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here