Beesha naalaye axmed ma 4 sano oo mugdi ayey dib ugu laabanaysaa mise 4 sano mustaqbal ifaya iyo horumar

0
90

Kursiga deegaan doorashadiisu tahay sool iyo sanaag ee #hop235 oo u ku fadhiyey 4tii sano ee lasoo dhaafey mr bidhaan

Matalaadii kursiga
ma heshey beeshi iska lahayd kursigan?

1.cilmi naalaye

  1. Bahanaalaye aadan naalaye,cabdale naalaye iyo bihina faarax 3. Jibriil naalaye 4. Ba’cabdale, samood naalaye iyo axmed naalaye 5. Bihina caraale 6. Bariig haye iyo bihina samatar 7. Bihi darays

Beelaha aan kor kusoo sheegey ma heleen mataaladi ahayd in kursiga loogu shaqeeyo oo danta beesha iyo deeganadeeda wax ma loogu qabtey?

Advertisement

Maalina ha noqotee dantii dadkaas iyo deegaan koodi ma lagaga hadley aqalka baarlamaanka?

Mr bidhaan kursiga uu ku fadhiyo isagoo matalaya beesha naalaye axmed shaqaale ma u qorey, saraakil ma ka shaqeeyey in la dalacsiiyo ama koorsooyin dibada ah in loo diro ma ka shaqeeyey, waxbarasho lacag la’aan ah dibada ama gudaha shaqaalaysiin ma ka shaqeeyey mr bidhaan?

Miisaska siyaasada dalka lagu jaan gooyo ma ka doodey ama wax ma uga soo gooyey mr bidhaan isagoo u doodaya dadkii lahaa kursiga?

Marna qof u baahan arimaha caafimaadka ama in dibada loo qaado ama la damiinto ma sameeyey mr bidhaan?

Su’aalahaas oo dhan anigu intaan ka ogahay ama la ii sheegey wali maysan dhicin in wax loogu qabto
Iska daa in dadkii kuraigan lahaa wax loogu qabtee mr bidhaan mashaariic ay lahaayeen dadki iyo deegaanadi uu kursigooda ku fadhiyey wuu cuney ama iibsadey mashaariicdi dadkiisa loogu soo dhiibey

Hadaba waxaan waydiinayaa beeshi iska lahayd kursigan ee naalaye axmed ma mudan yahay qof noocaas ah in dib loo doorto

Mr bidhaan wuxuu dadka ka agdhaw ee danaha ku qaba u sheega “markii la i dooranyey waan iibsadey ergada oo lacag baan siiyey hadeerna dadku waa kuwii oo waan ka iibsanayaa waa dad masaakiina oo shilinkayga raba”

Beesha naalaye axmed oo ka mid ah beelaha dhulbahante ugu aqoonta badan uguna badan uguna dhaqaalaha badan ma mudan yihiin in shaqsi noocaas sidaa ula hadlo ama ku tilmaamo ama yiraahdo waan matalayaa?

Beesha kursigan iska leh waxaan leeyahay ma waxaad doorateen shaqsigaa liita waa mr bidhaane inaad doorataan mise sanadkan waxaad dooranaysaan shaqsi la yimaada matalaad dhab ah oo qabta dantii iyo mataalaadi ay beeshu usoo dooratey

Toloow waa lakala badiyey dadka inala midka ah waxey doortaan dad wax usoo gooya oo sanad walba waxbarasho lacag la’aan ah geeya dadkooda gudaha iyo dibada shaqaalaysiiya dadkooda aqoon yahanka ah ka shaqeeya in saraakiishoda ciidamada ku jira la dalacsiiyo ama shaqooyin sarsare loo dhiibo dadka cusbitaalada geeya oo damiinta visa yaasha dibada u raadiya

Dad yahow ama doorta qof wax idin tara ama wax idinku soo kordhiya ama doorta mr bidhaan 4 sano oo mugdi ah iyo dib u dhac ah horena aad usoo marteen raadkii mugdiga ahaa dib u qaada oo bidhaan doorta ama 4 sano oo mustaqbal ifaya iyo horumar ah idin gaadhsiiya doorta

Hadiise beeshu rabto horumar wax qabad, mustaqbal ifaya iyo matalaad rasmi ah ha doorteen shaqsi la tijaabiyey aqoon karti iyo waxtar u saaxiba

W/Q Mnuur Ladane

Lasoco qormooyinka danbe
Waad ku mahadsan tahay akhrinta qoraalka wixii fikrad ah fadlan igula wadaag barta comments ka
Mahadsanidiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here