BF oo soo saaray sharci lagu dhaqi doono doorashada dalka

0
82

Muqdisho (Walwaal.com)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa soo saaray sharci gaar ah oo qaabaynaya doorashooyinka heer Federaal, wuxuuna u cuskaday sharci hore uu u soosaaray oo sheegayey in hay’adaha dastuuriga ay bedelayaan hay’ado dastuuri ah oo la doortay. Hadaba sharciga uu soo saaray Guddoonka baarlamaanka ayaa wuxuu ka kooban yahay  qodobo dhawr ah.

Guddoonku wuxuu sheegay in sharcigaan uu waafaqsan yahay qodobka 47-aad ee Dastuurka oo siinayo golaha Shacabka soo saaridda shuruuc gaar ah oo khuseeyo nidaamka doorashooyinka iyo xasbiyada .

Sidoo kale Guddoonka ayaa soo saaridda sharcigaan u cuksaday  qodobada 64 (1), 72 (1) ee faraya doorasho qof iyo cod ah oo ah mid toos ah iyo mid qarsoodi ah.

Qodobka shanaad ee sharcigan ayaa waxaa guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka lagu siiyey inay doorasho ku qabtaan laba sano gudahood, taasi oo macnaheedu yahay in muddo kordhin ay helayaan hay’adaha dowladda ee hadda jira.

Advertisement

Guddoonka ayaa faray Xukuumadda xil gaarsiinta ah inay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka  uga dambeyso arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federal isla markaasna gacan buuxda lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda Dastuuriga ah sida uu hadalka u dhigay Guddoonka Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here