Boqorkii Halhayska

0
1145

Tixdan waxaan u hibeeyay Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” oo aan sannadkii 2016 ku booqday magaalada Burco. Isaga oo la fadhiya xilli galab ah waayeel kale hoteelka City Plaza, ayaanu u sheegnay inaanu isaga rabno, oo aanu Hargeysa ka soo booqannay. Kadib wuu noo soo kacay, waxaanu nala fadhiistay miis gooni ah. Wada sheekaysi iyo dardaaran uu na siiyay kadib, waxaan u akhriyay tixdan:

Hadal waliba baaqii

Damal waliba hooskii

Holac waliba qiiqii

Advertisement

Han kastaaba yoolkii

Hees waliba luuqdeed

Hogol waliba daadkeed

Hanti waliba deeqdeed

Hal kastaaba dhiiqdeed

Haan waliba qaadkeed

Barashana higgaadeed

Bulsho wali hoggaankeed.

Aniguna hummaaggiyo

Heensayna weedhaha

Waan hubin aqaannaa

Hogga waan u sahanshaa

Maantana hillaadii

Hoygii aftahankiyo

Hilinkii Togdheer buu

Hirku iiga muuqdaa.

Hal-abuurka jiitee

Hu’ga shaalka maansada

Hibo loogu xidhayee

Hawraar farshaxaniyo

Halmuceedka reebee

Suugaanta hodankaa

Hanti nooga dhigayee

Hanqaltaag abwaannadu

Ugu soo hirtaanee

Loo wada hanweynyoow

Hambalyiyo salaan wacan

Wadnahayga hurisoon

Baryo huurinaayoo

Haniyaha kashaydiyo

Uurkaygu hidiyaan

Hadyad kuugu keenee

Boqorkii halhayskiyo

Iga qabo Hadraawoow.

Dhayal looma heesoo

Murti lama hibeeyee

Waxan kuu higsanayaa

Hiyigay nool baad

U ahayd hir doogloo

Hansamiyo gobdoonoow

Haybsiga aqoontiyo

Garashada habbooniyo

Warsidaha hillaaciyo

Warka haatuf sheegee

Haaddu isu warisee

Carta hoosaskeediyo

Herertaa galbeediyo

Jigjigiyo Hargeysiyo

Hoygaad ku ababtiyo

Holhol iyo Garoowiyo

Hobyo iyo ilaa Xamar

Halka ay Wajeer tahay

Hadalhaynta shacabkiyo

Inta kuu hanweyniyo

Halqabsiga dadkeygaan

Hawraar u rogayaa.

Bulsho hogotuskeedaad

Hilinkeeda jeexdoo

Adigaa had iyo jeer

Waanada habeeyoo

Murtidiyo higgaaddaa

Sida haad raq loo wadhay

Dadku ugu hammuumoo

‘Sirta Noloshu’ waa hagis

Midho heer sarreeyoo

‘Durdur’ haybaddiisiyo

‘Gudgudaan’ hadhaynoo

Hoodada ‘Awaal-tiris’

Ma himaamo ruuxna.

Waxa tahay halyaygii

Hororkiyo gumaystaha

Hootada ku ganayoo

Fiidnaam hub culus baad

Arar ugu habaysoo

Hiilkaagi Falastiin

Hanqadh buu ahaayoo

Halgankii dadkeennana

Gabaygaa horseedoo

Halxidhaalahaagiyo

Holoceeda Siinleey

Dadnimaad u hurisoo,

‘Daalacan’ habkeediyo

Hal-adayga Deelleey

Ma hilmaamo ruuxna.

‘Jiitami’ han noolbay

Ka riddaa harqoodkoo

Danab iyo hillaacbay

‘Daalaleeyna’ hurisoo

Marki aad hanjabasee

Ma la kacay Hargeysiyo

‘Heelliyo’ u tirisaa

Dadku heeryo tuuroo

Muc ‘Hambaabir’ leedahay

Ma hilmaamo ruuxna.

Hor Ilaahay adigaa

Hawraar u tiriyoo

‘Ergadii Hanuukiyo’

‘Hal-ahaade’ dulucdaad

Huwisaa qurxoonoo

‘Dabahuwan’ sirteediyo

‘Afkusiran’ hannaan bay

Garashada u haydoo

‘Aakhiro halkay tahay’

Ma hilmaamo ruuxna!

Dumar iyo haweenbaa

Nolol loo hawaystee

‘Heedhee Sahraay’ iyo

‘Hableheenna Geeskiyo’

‘Indhobadan’ nin hiil taray

Dadnimuu haleelee

‘Hooyooy La’aantaa’

Ma hilmaamo ruuxna.

Heellada jacaylkiyo

Heesaha kalgaclkeed

Sida waqal u hoortaa

Waligood hadhaynoo

Hadba waxan xusuustaa

Hableheenna quruxda leh

Sida ‘Heegamuuqdheer’

Ama hee ‘Shan Ubaxley’

Huga aad ku sharaftoo

‘Jacayl Dhiigga’ habayoo

Lagu qoray halbawliyo

‘Cajabeey’ hibaaqeey

Halka ay xoqaysana

Ma hilmaamo ruuxna.

Halabuurku waa dhamac

Laabtaada hurisoo

Hurdo kaa ilaashee

Ninka hirarka dhaadheer

Dadka kala hadlaayiyo

Marka ‘Hoobal’ loo shido

Ma hilmaamo ruuxna.

Waligaa Hadraawoow

Ku hilmaami maynoo

Midhahaad habaysaa

Hanti noogu filanoo

Hadda iyo danbeetaba

Duco aan hadhaynbaad

Kuu hidinaynaayoo

Waxad tahay haldoorkii

Dadka loogu hiishee,

Ifka hibo ku nooloow

Ilimada hoyaadkana

Hadhac lagu badhaadiyo

Hadhka Eebbeheenniyo

Hooskii farduusaad

Anbiyada halkoodiyo

Heerkii runsheegyada

Nimco kula halmaal abid.

FG: Warqadda Hadraawi gacanta ku hayo waxa ku qoran tixdan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here