Cabashada Ardayda Puntland ka qabto maamulkooda

0
260

Muqdisho (walwaal online), Waxaa beryahan baraha bulshada haystey cabasho ka soo yeedhay arday dhan 75 arday oo sheegay in deeq waxbarasho, oo weliba maamulka puntland ka iibshey, lagu geeyey Ethopia, gaar’ahaan ismaamulka soomaalida itoobiya, jigjiga, ardaydu waxay sheegeen markii ay tageen jigjiga in ay ka war heleen, in waxa loogu sheegay deeq waxbarasho oo heer-jaamacadeed ah, ay tahay wax kama jire, ee lasoo kiyaameeyey, ardaydu waxay sheegeen markii ay deeqda maamulka puntland ka doonteen in si musuqmaasuq ah looga qaaday 1500$ ardaygii ba, lacagtaa oo dhan 1500 X 75 = 112,500 $.

Markii ardaydaa cabashadeedu soo baxday waxaa ka jawaabey Siciid Deni oo ardayda ku dhaleeceeyey cabashadooda isagoo leh, hadii aanay doonayn in ay waxbartaan, side u gelaynaa, haddaba dawlada federaalka ayaa dhex gashay ardayda iyo waxa ay ka sheeganayaan maamulka ay u ahaayeen arday iyo ubad. Waxayna wasaaradu ogaatey in ardaydaa lagu tacadiyey, waxayna u  doontay deeq-waxbarasho oo heer jaamacadeed ah, waxaa na la werinayaa in ay u heshay.

Wasiirka waxbarashada dawlada Fadaraalka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa yidhi:
Waxaan ku guuleysanay xalinta cabasho ka timid qaar ka mid ah ardeyda Soomaaliyeed, gaar’ahaan ardayda puntland ee wax ka barata magalaada jig jiga ee Soomaalida Itoobiya kadib kulan aan dhawaan magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda wasaaradda waxbarashada Itoobiya, mahad Allena aan ku xalinay tabashadii artaydaa.
Markasta waxaa naga go’an in aan ka war qabno baahiyaha iyo duruufaha heysta ardeyda Soomaaliyeed.

Wasiirka & Ardaydii
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here