CALI AADAN LORD

0
294

Midig: Cali Aadan Lord (1915—May 09, 1961), xildhibaan iyo wasiirkii arrimaha gudaha ee waddanka Kenya. Waxa uu ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee kiiniya xil ka qabtay, inta sooyaalkooda la og yahay.

Patrick Muir Renison(March 24, 1911—November 10, 1965), xoghayihii gumaysiga ee dalka Kenya. Iyo Jomo Kenyatta (October 20, 1891—August 22, 1978), madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Kenya.

Aadan Lord, oo Cali aabbihiis ah, waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii saldanaddii Maakhir. Bartamihii 1850 ayaa uu ka soo doolay xeebaha Laasqoray, isaga oo fadhiisin ka dhigtay xeebaha dalka Kenya.

Cali Aadan ayaa 50d qarnigii tagay ku biiray jabhaddii gobannimaddoonka ahayd ee Mau Mau Uprising (1952–1960), isaga iyo Joma Kenyatta. 1960kii Cali Aadan Lord waxa uu aasaasay xisbigii ugu horreeyay ee ay Soomaali yeelato oo siyaasi ah, xisbigaas oo caan ahaa waxaa la oran jiray North Eastern People Progressive Party (NPPP).

Advertisement

Bartamihii 1961kii waxa uu Nairobi ku la kulmay, Cali Aadan, xoghayaha Ingiriiska ee arrimaha gumaysiga waxa ayna ka wada hadleen barnaamij siyaasadeedka xisbiga NPPP. Waxa loo oggolaaday in uu ka qaybgalo Shirka Dastuurka ee ka socday Lancaster House London, kaas oo looga arrinsanayay dastuur u qorista dalka Kenya, ka gadaale markii ay gob noqoto!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here