Car yaa igu Beeni karo.

0
148

1. Digaag iyo Ukun Ganacsi ah ayaa nalooga keena Barazil iyo Ukrine.

2. Digir la mid ah tii Caadiga aheyd ee Dalka ayaa naloo kaga soo dhoofiyaa Kenya iyo Ruushka.

3. Yaanyo caadi ah oo aan Gasacadeysneyn ayaa Dibadda nalooga doo dhoofiyaa, Abuurka Yaanyadana waxaa laga keenaa Dibadda.

4. Ansalaato iyo Karooto ayaa Shiinaha iyo Turkiga nalooga soo dhoofiyaa.

Advertisement

5. Daroogada dhalinyaradu isticmaasho, Badankeeda konteynarada badeecada kale lagu keeno ayey ku dhax daadsantahay lama Cashuuro Badanaa.

6. Cambe fresh ah ayaa Dibadda naloogaga soo dhoofiyaa iyo Basbaas dabeeciya oo cagaaran oo Hindiya laga keenayo

7. Ayaan Hore waxaa la bilaabay in Moos Dibadda naloogaga keeno, Hadda waa is tagaay, Sababta ma aqaan.

8. Xoola dhaqatada Reer Miyi ah ee Gobalda ayaa Caano Xoolaad Xamar ka soo doonto, halkii iyagu ey markii hore keeni jireen, si Reer Miyigu ey ugu sameeystaan Xus ama xaflado Aroos. Suuqa Degmada ugu dhawna lagama helo Galaas Caano ah, Degmadana waxaa ku hareerysan Xoola dhaqato oo ey caan ku tahay.

9. Liin laga keeno Masar iyo K/ Afrika.

10. Basal, Baradho, Birta Canjeerada iyo Burjikadii lagu karin lahaa ayaa Ethiopia iyo Kenya nalooga keeno, tii Ceelbuurna Suuqaa dacaayad looga saarayaa.

11. Shidaal laga keeno Ethiopia oo markiisii hore ka soo degay Jabuuti ayaa laga isticmaalaa Gobaladda qaar sida Hirahabeele, Galmudug iyo k/galbeed. kaa oo ka raqiisan kan Mogadishu ka soo dego. Sababata oo ah Midna 3 Canshuur ayaa ku dhacdo midna dhowr iyo Toban Canshuur.

12. Daawo aan leheyn wakhti ey dhecee ” Expire Date” laguna daawyn karo Cuduro badan ayaa naloo keenaa.

Waxa socdo, Dhamaan waa diyaarin naloo diyaarinayo in aan Mustaqbalka noqono Suuq loo soo dhoofiyo wixii uu isagu dhoofi lahaa.

Codsi.

Wasaaradda Ganacsiga Rugta Ganacsiga iyo Guud ahaan inta ey khuseyso waxaan ka codanaa in wax laga qabto arintaan lagu niyad jabinaa kuwii gudaha ka soo saari lahaa waxa aan u bahan nahay.

Ku soo dhawoow. Somaliya oo Moos loo soo dhoofinayo iyo Xoola dhaqato Somaliya oo Caano Xoolaad Xamar ka soo doonanee.

Car yaa igu beeni karo, kaalay indhahaaga ku soo arag, Adigaa yaabi doonee.

Qore: Yahya Amir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here