Ceeb bey kugu tahay Shame On You

0
97

 Warbaahinta qaarkeed ayaa noqotay goobo loogu shaqeeyo qabyaalada & qudhunka qabiilka. Nasiibdarada jirta dad badan oo aan aqoonta saxaafada waxba ka aqoon ayaa furtay website-yo, idaacado iyo telefishino. Qaar badan oo qaaqleyaal ah ayaa ka hadla baraha bulshada.

dhamaan dadkaa ku hawlan noolaynta qabiilka iyo qabyaalada Soomaali asaageed ka reebay waxay qaataan lacago ka yimid shisheeyaha oo loogu talo galay in lagu qayb-qaybiyo bulshada Soomaaliyeed. Waxaase waxaa ka daran kuwo camal la’aan guryo yurub ku yaal dhex fadhiya oo whatsapp ka ka samaystay Goobo ama Wadar-sheekaysi ay had iyo goor lasoo fadhiyaan qabyaalad iyo qudhun. Ma shaqo tagaan wax anfaca if iyo aakhiro ma bartaan.

Kuwaa qaarkood reerahoodii, caruurtoodii, waalidkood iyo walaalahood meelna kagama war hayaan. 24 saac waa dhurmayaan waxay ku dhurmayaana wax dani ku jirto maaha. Waali halka ay ka gaadheen marba reer ayay isku qaadayaan oo dhaleecayn dusha ka saarayaan. waxay u moodaan in Soomaalidu is dhaanto.Aqoon-gaabnidoodu waxay tustaa tolalka isma dhaantada ah ee Soomaalidu inay kala sareeyaan. Siyaasada beelaysan, ama kooxaysan.

aad waxaan uga xumahay warbaahin la rabay inay hormuud noqoto inay kusoo uruurtay wax aan micno lahayn iyo nin khaldan taageeradii reernimo lagu taageerayo. may fahamsana in dadka oo dhami ogsoonyahay in Soomaaliya lagusoo duuley oo shisheeye bixinayo kharashka layskaga horkeenayo. may garansana in Alle joogo taladuna tiisa oo qudha noqon doonto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here