Ceergaabo & mayor ka aan marnaba dhicin

0
109

Nin oday ah baa aad uga xishoon jirey inuu kelmed dheho sodohdii oo ku af xumayd reerkiisuna ka degi waayey. Maantii danbe ayay tidhi isagoo islaantiisii la hadlaya; “waar ma anaad ila hadlay?” Wuxuu ugu jawaabey: “waxba kuma odhan ee hadaan wax ku dhihi lahaa (reerkaasi kor iyo hoos ba aduu kaa degi la’ayahay) ayaan ku odhan lahaa.”

Muddo 20 sano ku dhow ayuu ahaa Ismaaciil duqa Ceerigaabo. Mudadaa uu ahaa maayarka magaalada marna bulshadiisa muu hor iman, oo kama war bixin wixii uu ku ololeeyey waxa hor taagan qabsoomidooda. Marka keliya ee uu tiifii soo istaagaa waa: marka uu cid u JAWAABAYO ama meel CIIDAYNAYO.

Maayar Ismaciil Xaaji Nuur, shalay ayaa markii sadexaad la doortay, oo maayarnimo loo dhaarshey maadaama, oo uu 11 cod ka helay xildhibaanadii soo baxay, oo 13 ahaa. Aanayna jirin cid si muuqata u doonaysa maayar. Si kale kuma garataane waa IOG ga halkan.

Si loo helo Ceerigaabo qurux badan waxaan ku boorin lahaa cid kasta, oo Ceerigaabo jeceli inay la shaqayso mar hadii aynu iska weyney cid kale ama (isaga meesha ku ilaashanayno.)

Advertisement

[Waxa la yidhi odaybaa xili roob da’ayo islaantiisii ku yidhi: “naa biya isii aan isku shubo kulayl baan dareemi’e.” Qabowgii darnaa awgii nafi kuma sii jirin daqiiqado.]

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here