Ciyaaraha Gobolada Somaliland oo Qaawiyey Qaabka Qabayaaladdu ee Siyaasiyiintu Bushada u Kala Qoqobtay!

0
91

Walwaal Online; Ciyaaraha Gobolada Somaliland waxay daaha ka faydeen wax aan wanaagsanayn oo ay bulshadu muddo dheer ay dugsanaynay, taas oo ah inay wiiqantay wadaniyadii lana xoogeeyey kala qoqobka bulshada hab qabyaaladaysan.

Waxaa samaysmay gobolo ku sheeg ku suntan qabiilooyin gaar ah iyadoo la wiiqay goboladii qabiilooyinka badani wada degenaayeen.

Tusaale ahaan, ciyaaraha gobolada waxaa guulo gaadhay, taageero xamaasad lehna helay goboladii reeraha ku suntanaa, waxaana hawada ka baxay goboladii la wada degenaa. Nasiib daro, ciyaarihii gobolada ee ay ahayd inay is-dhexgalka bulshada hormariso ayaa loo adeegsaday in dadkii hab qabyaaladaysan loogu kala qaybiyo.

Maqaalkan waxaynu kaga hadlaynaa dhibaatadani halkay ka bilaabantay, cawaaqib xumada ka dhalatay kala qoqobka qabyaaladaysan iyo xalka lagaga bixi karo. 

Advertisement

Taariikhda Ciyaaraha Gobolada:

Ciyaarihii Gobolada ee aan markii ugu horaysay daawade ka noqday waxay ahayd 1981-kii oo lagu qabtay Burco, xarunta Gobolka Togdheer. Waxaa halkaa ku kulmay gobolada Togdheer, Waqooyi Galbeed, Sanaag iyo Bari oo sanadkiiba mid lagu qaban jiray wareega hore ee ciyaaraha, inta aan loo gudbin magaalada Muqdisho oo ciyaaraha gabagabada ah ee koobka lagu qaado lagu qaban jiray.  Waxaa xamaasada iyo taageeraduba ahayd mid gobol, manay jirin qaabkan qabyaaladaysan ee maanta loo kala taageerayo gobolo ku sheegan ciyaaraha ka qayb galaya.  

“Caawiyaay Ceerigaabo!”

Ciyaarihii sanadkaa 1981, maalintii ay isku soo beegmeen xulka kubada cagta ee gobolada Togdheer iyo Sanaag ayaa ahaa mid aad xiiso badan. Ina Cabdi Waal oo ahaa difoosaha (cheerleader ka) Togdheer oo maryihiisii soo jeex-jeexay ayaa tarabuunkii dadku fadhiyey soo hor istaagay isagoo leh “Caawiyaay Ceerigaabo”, ka dib markii xulka Gobolka Togdheer ay saddex gool ka dhaliyeen xulkii Gobolka Sanaag. Nin ka mid ahaa taageerayaasha Gobolka Sanaag ayaa maalintaa fara-saaray Ina Cabdi Waal oo ku dhawaaqayey “Caawiyaay” iyadoo dadkii garoonka fadhiyey ka daba lahaayeen “Ceerigaabo” taas oo niyad jab wayn ku riday xulka Gobolka Sanaag. 

Waxaa muhiim ah inaynu fahamno in taageeradu  wakhtigaa ahayd heer gobol ee aanay ahayn heer qabiil sida maanta jirta oo kale. Tusaale ahaan, gobolada Togdheer iyo Sanaag waxaa daganaa inta badan qabiilooyin labada gobolba laga helo oo isku mid ah laakiin qofku gobolkiisa uu markaa degan yahay ayuu taageerayey. Haddan hoos ugu sii dhaadhaco, dadka reer Togdheer ee qabiilooyinka Habar Jeclo, Habar Yonis iyo Dhulbahante waxay taageerayeen xulka Gobolka Togdheer. Sidoo kale, dadk reer Sanaag ee Habar Jeclo, Habar Yonis iyo Dhulbahante waxay taageerayeen xulka Gobolka Sanaag. 

Intii la sameeyey gobolada qabiilooyinka gaar ahi goonida u sheegtaan sida Saaxil, Daad Madheedh, Saraar, Hawd, Gabiley iwm waxaa soo baxay in waxaa la taageerayaa ay tahay qabiil. Xataa masuuliyiintii dowlada ayaa mid waliba kuwii qabiilkiisa ahaa xaflado soo dhawayn ah u samaynayaa. Tani waxay keentay in dadkii loo sii kala qaybiyo hab qabiil xitaa ciyaarihii la rabay inay horseed u noqdaan is dhexgalka dadka. Waxaa intaasba ka sii daran in goboladii qabiilooyinka kala duwani deganaayey (diverse regions) baalasha laga rifo oo meel kastaba in isku qabiil ahi isku urursato. Tusaale ahaan, Gobolka Togdheer waxaa uu ka koobnaa ka hor aasaaskii Somaliland afarta degmo ee Burco, Oodwayne, Buuhoodle iyo Sheekh! Afartaa degmo waxaa kala degi jiray qabiilooyin kala duwan. Maanta Gobolkii Togdheer baalasha ayaa laga rifay waxaana laga dhigay sidan:  

Degmada Oodwayne waxay noqotay Gobolka Daadmadheedh

Degmada Buuhoodle waxay noqotay Gobolka Buuhoodle

Degmada Sheekh waxaa lagu daray Gobolka Saaxil

Sidaas darteed, maanta Togdheer waxuu noqday looma-ooyaan aan cidi lahayn waxaana xamaasad iyo dhadhan lagu qabaa gobol ku sheeg reer hebel oo qabiil loo cumaamaday ah. 

Si la mid ah sida ku dhacday Gobolka Togdheer ayaa Gobolkii Waqooyi Galbeedna ku dhacday. Gobolo ku sheega Gabiley, Hawd iyo Berbera (Saaxil) waxay ahaayeen qaybo ka mid ah Gobolka Waqooyi Galbeed laakiin maanta iyaga ayaa xamaasad iyo dhadhan lagu qabaa oo intii soo hadhay Gobolkii Waqooyi Galbeed “Maroodijeex” waa looma ooyaan aan cidi gaar u lahayn. 

Bilowgii Gobolada Qabiilka ku Dhisan 

Gobolada Waqooyi ee Jamahuuriyadii Soomaaliya waxay bilowgii ahaayeen labada gobol ee Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari oo ay xarun u ahaayeen degmooyinka Hargaysa iyo Burco, siday u kala horeeyaan. Badhtamihii todobaanaadkii (1970-naadkii) ayaa gobolkii Waqooyi Bari ee xaruntiisu ahayd Burco laka qaybiyey oo qaybi noqotay Gobolka Sanaag oo ay xarun u noqotay Degmada Ceerigaabo, halka intii soo hadhay Gobolka Waqooyi Bari loo bixiyey Gobolka Togdheer. Ma filayo in ujeedo qabiil iyo mid siyaasadeed laga lahaa arinkan, waxayna u muuqataa in baaxada dhulka darteed loo baahday in maamul ahaan ay fiican tahay in laba gobol laga kala dhigo

Gobolada Sool iyo Awdal

Markii ay abuurantay jabhadii SNM oo taageerada ka heli jirtay qabiilka Isaaqa, ayaa xukuumadii Siyaad Barre iyana isku dayday inay taageero ka hesho qabiilooyinkii aan Isaaqa ahayn ee reer Waqooyiga ahaa. Si ay dadka u tusto inaan qabiilka Isaaqa kaliyii degin Gobolada Waqooyi ayaa xukuumada Siyaad Barre aasaastay Gobolada Sool iyo Awdal oo ay kala degaan qabiilooyinka Dhulbahante iyo Samaroon, siday u kala horeeyaan. 

Gobolka Saaxiil

Mudo yar ka dib markii lagu dhawaaqay gooni-istaaga Somaliland, waxaa  bilaamay dagaalo qabiilo oo ka dhex qarxay qabiilooyin Isaaqa oo markii hore ku midaysnaa la dagaalanka xukuumadii Siyaad Barre. Dagaaladaas ka dib ayaa qabiilka ugu degaanka balaadhan agagaarka marsada Barbara dadaal u galeen inay helaan gobol u gaar ah iyagoo garabsanaya Madaxweyne Cigaal oo degaanadaa ka soo jeeday. Aasaaskii Gobolka Saaxiil oo dhul ahaan laga soo jaray Gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed wuxuu bilow u noqday gobolo qabiil kaliyii dego(single clan region) oo dalkii loo qaybiyey. Tusaale ahaan, gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed intii ay ka deganaayeen qabiilka Ciise Muuse ayaa la soo jaray oo laga dhigay Gobolka Saaxil. Tani waxay bilow u noqotay in qabiil waliba dhinaciisa guclayn u galo si u helo gobol u gaar ah. Gobolada qabiilada gaar ka ahi samaysteen waxaa ka mid ah:

Gabiley: Sacad Muuse

Daad Madheedh: Habar Yonis

Xaysimo: Dhulbahante

Hawd: Arab

Saraar: Habar Jeclo

Badhan: Warsangali

Salal: Ciise

Faa’iidooyinka Is Dhexgalka Bulshada:

Gobolada qabiilooyinka isku dhafka ahi degan yihiin way ka ilbaxnimo iyo xadaarad roon yihiin kuwa qabiilka kaliyaa u badan yahay. Ilmaha ku kora gobolada noocan ahi waxaa uu dhex galaa dadyow qabiilkiisa ka duwan waxaana u furma indhaha isagoo ogaada in wax badan oo loogu sheekayn jiray markuu degaanka qabiilkiisa joogay ay been iyo faan qabiil ahayd maadaama qabiil waliba isugu sheekeeyo inuu qabiilooyinka kale ka fiican yahay, cida gunta ahina ay yihiin qabiilooyinka kale. Dhinaca kale, haddii aanu qofku ka dhex bixin degaanada qabiilkiisa waxaa qofkaasi noqdaa qof isla qab wayn (bigot), aaminsana in cid walba qabiilkiisu ka fiican yahay, adag tahayna inay dadka kale is fahmaan ama wax wada qabsadaan.

Maxaa Xal ah?

Xalka kaliya ee aan arkaa waa in dadka dib loogu celiyaa hab degaankii la wada lahaa (clan diverse administrative units). Sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyo labadii qaybood ee Waqooyi Galbeed iyo Waqooyi Bari oo nidaam county ah, yeelanaya golayaal commissioners ah oo la soo doorto, kuwaas oo sii magacaabi doona maamulka county ga. Nidaamkani waa mid laga dhaqmo wadamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Kiiniya. Dhib uma arko inay sii jiraan goboladan hada jiraa inkastoo aanay intooda badani rasmi (official) ahayn. Awooda dhaqaale iyo siyaadeed waxaa yeelanaya county ga iyaguna waxay iska noqonayaan maamul hoose. Taasi waxay keenaysaa in dadkii wax wada yeesho oo isku soo noqdo, iska markaana laga badbaado meelo gaar ah oo qabiil gaar ahi isku urursado. 

Cabdillahi Xuseen

Abhussein1988@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here