Daawo; Axmed karaash Oo Markii 2 aad Ku Celiyey In M/weyne Deni Yahay Macalin Local Ah.

0
53

Walwaal Online; Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka hadlay heerka waxbarashada Puntland iyo dedaalka ay xukuumadda Siciid Cabdullaahi Deni ku bixisay taabagelinta iyo kor u qaadisteeda.

Axmed Karaash wuxuu sheegay in waxbarashada Puntland ay nasiib leedahay maadaama madaxweynuhu yahay macalin sidoo kalena uu ka sii horreeyey Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo macalin jaamaceed ka ahaa wadanka Maraykanka.

Wuxuu sheegay in Puntland ay deeq waxbarasho siin doonto ardayda ka imaanaysa deegaamada kale ee Soomaaliya, uuna rajaynayo in ardayda Puntland ay helaan waxbarasho ku filan.

Axmed Karaash ayaa sanadkii hore isagoo ka hadlay Garoowe waxa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu ahaa macalin caalami ah halka madaxweyne Deni yahay madaxweyne Local ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here