Dadka badankiisu waxba ma oga!

0
150

“HALGAN” wax la yidhaahdo haddii uu jiro waxaa galay DARAAWIISH. Qofka Soomaaliga ah ee miyirka qaba ee xogogaalka ah garta iyo gardarradana kala yaqaanna waa uu og yahay. Waxay ku hubaysnaayeen saddex aragtiyood oo kala ah; DIIN, WADDANIYAD iyo DHAQAN. SAYIDKA ka maqal saddexdan aragtiyoodba:

1. Diintayda anigaan ku gadan dabaqii naareede. “Diin”

2. Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooraweynaha e. “Waddaniyad”

3. Sida doxorka Iiddoor anaan duudxammaal noqon e. “Dhaqan”

Advertisement

Intan yar oo ka mid ah gabayga “Dardaaran” oo SAYIDKU Soomaalida dhaxalka uga dhigay, waxaa ku jira; yoolkii halgankii DARAAWIISHTA iyo wixii GAALO kala gaadhey, sidii IIDDOOR ula dhaqmay, oddoroska sida GAALKU yeeli doono, talabixin iyo toosin. Qof walba oo Soomaali ah oo og; wixii dhacay iyo in sidii SAYIDKU sheegayey gaalku yeelay waa u TAWS IYO TIIRAANYO beydadkani marka laga reebo reerka Iiddoor. Waxaan reerkan uga reebay Soomaalida SAYIDKU ka ilmaysiin doono; isaga ayaa sii sheegay dhaqankooda oo beydadkan ayuuba ku jiraa, anna wax SAYIDKII awowayaashood kala quustay [GOBANIMO] ka dooni maayo ubadkooda, waayo ninna aabbihii kama fiicnaado. Waa cabbirka guud ee reerka.

“Nimanyohow damiinnimada waa lagu dulloobaaye

Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

Anaa diidey degel inaan la galo daallin ii cola e

DALKA ma lihid anigaa ku idhi dooraweynaha e

Anaa diidey nabaddiisa aan daacad noqonayne

Anaa diidey DEEQDIISA ay naari daba taal e

Anaa diidey maantuu lahaa ‘duunyo iga hoo’ e

Markay duusho gaaladu anaan daabbadduu qaban e

Kolka ay dareeraan anaan DUUDXAMMAAL noqon e

Dahabkii uu wadey waanigii daadiyoo qubaye

Dagaalkiisa anigaw xishayoo DAALIB ku ahaaye

Durdurrada Fardowsaad anaa doontayoo rabaye

DIINTAYDA anigaan ku gadan dabaqii naareede

Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

Anaan labada daarood tan hore derejo moodeyne

Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo helaye

Doofaarka eygaa anaan daarihiis geline

Anigaan DILLAALKII ARLIGA duubabkuu xidhan e!

Sida doxorka IIDDOOR anaan DUUDXAMMAAL noqon e

Dunjigiinba waataad kufriga daba ordeyseene

Waataad igu dirayseen markaan diidayoo nacaye

Waataw digayseen markaan duullan soo waco e

Waataad colaaddii dorraad iigu daranteene

Markaan diirtay waataad dushiyo doc iga boobteene!

Waataad markii aan daf idhi daaha geliseene

Waataad dushiinna u rarteen duq iyo waayeele

Waatawla deristeen sidii duul walaala ahe!

Markaan diidey waataad warmaha igula duusheene

Markaan duulo waataad dhammaan iga digeyseene

Waataad DARIIQYADA tusteen noo dednaan jiraye!

Goortaan digniintiyo ergada idin ka deyn waayey

Waataad damiin igu qirteen dawriyoo falan e

Digriga iyo aadaanka waataad ka durugteene!

Dibnihiinna waataad inuu dego ka sheegteene

Waataad inuu DAWLAD yahay dood ku bixiseene

Markii uu dantiisii helayna idin DUBAAQEEYE

Waataad dacluuskii Berbera ula dawaafteene

DIIHAALKA waataad Hindiga daalka barideene

DAGAAGGIINNA waatii xeryaa deyran loo dhigaye

Waatuu dareersaday Fircoon diricyadiinniiye

Waatuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

Dabci beena weeyaan waxaad nagu deyeysaane!

Waa waxaad dariiqii sharciga uga dillaanteene

Dawgii Rasuulkiina waad dabamartayseene

Nin derderan ibleyskii dafaa dow ka raarridaye

DALLACAADJACAYL baad kurtiin noola dirirteene

Dubaaqiinna waxa saa u galay daara buuxsada e

DUUG kama heshaan ferenji aad daawa dhigataane!

Dabin buu idiin qoolayaa weydin dagayaaye

Dirhamkuu idin qubahayaad dib u go’aysaane

Marka hore dabkuu idin ka dhigi dumar sidiisiiye

Marka xigana daabaqadda yuu idin dareensiine

Marka xiga dalkuu idin ku odhan duunyo dhaafsada e

Marka xiga dushuu idin ka rari sida DAMEERAADE!

Dunjigeedba Soomaali baan deyr kaga ahaaye

Dhaaxaan DARAAWIISHTA idhi doonta GAALADA e

Dhaaxaan intaan JANANNO diley soo dabbaaldegaye

Dhaaxaan askaro u dalbaday dabada taageene

Maantoo aan diyaafad iyo guul derejo eegaayey

Bal dayaay waxey nagu faleen DARAFNAJAASEEDKU!”

W/Q: Nuur Illeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here