Dadka caadiga ah waxay u nool yihiin inay soo jiitaan dadka, halka dadka caqliga badan….

0
145

Dadka caqliga badan ma jecla xanta. Waxay jecelyihiin ka hadalka nolosha iyo hal-abuurka. Sidaa darteed, cid walba saaxiib lama noqon karaan. Dadka caadiga ah waa dad aad u xan badan, dhayalsi badan, oo aad u hinaasa badan.

Dadka caqliga badan waxa ay awooddaan in ay kaala sheekaystaan ​​mawduucyo kala duwan. Waxay ka hadlaan xaqiiqooyin iyo mararka qaarkood arrimo ugub ah. Halka dadka caadiga ah ka hadlaan kutirkuteen, buunbuunin iyo been.

Aad iyo aad bay u dhegaystaan dadka. Haddii aad aragto qof koox ka mid ah oo si deggan koonaha u fadhiya oo dhegaysanaya sheekada, waxay u badan tahay inuu yahay qof caqli badan.

Waxa ay garanayaan qiimaha waqtiga, sidaas darteed waxay leeyihiin qorshe cad.

Advertisement

Waxay u nugulyihiin madax xanuunka, dhanjafka iyo noocyada kale ee wahanka sababtoo ah aad ayay uga walwalaan nolosha, waxayna u falanqeeyaan wax walba si aan maangal ahayn.

Dadka caqliga badan waxa ay ka caawiyaan dadka kale inay koraan nolosha, kama baqayaan inaad dhaafto iyaga. Adduun-aragoodu gabi ahaanba wuu ka duwan yahay kan dadka caadiga ah.

Dadka caqliga badan waxay aamminsan yihiin waxbarashada joogtada ah iyo horumarka nafta.

Qaarkood waxa laga yaabaa in ay ku noolyihiin nolol caajis ah sida in aanay tagin goobaha lagu caweeyo, in ay dumarka daba ordaan, daawashada TV-ga, ciyaaraha iwm. Waxa ay isku mashquuliyaan hawlo faa’iido u leh aqoontooda waxa ay sidoo kale ku dhaqmaan xeerka ‘‘Qanacsanaanta dib u dhaca’’.

Aad bay u jecelyihiun isbeddelka. Dadka caadiga ah ma rabaan inay ka baxaan aagga raaxada cabsi darteed. Dadka caqliga badan waxay ka baxaan aagga raaxada sababtoo ah si fudud ayay ula qabsan karaan isbeddel walba.

Dadka caqliga badan waxay wax u qabtaan si ka duwan dadka kale. Wax uma qabtaan si dhaanraacnimo ah.

Dadka madhan waxay mar walba isu arkaan inay yihiin kuwo dhalaalaya, halka dadka caqliga badan ay ka shakiyaan awooddooda, taasina waa sababta ay wax badan u bartaan.

Dadku waxay u arkaan dadka caqliga badan inay yihiin dad caajis ah sababtoo ah waxay isku dayaan inay fududeeyaan shaqo walba oo adag.

Waxay leeyihiin xiiso joogto ah. Waxa ay weydiiyaan dadka su’aalo badan. Mar walba waxay rabaan inay wax ogaadaan. Sidaa darteed, had iyo jeer waa maskax furan yihiin.

Badanaa waxay leeyihiin miisas khariban iyo guri isdhexyaal; ma aha kuwo hagaagsan.

Dadka caadiga ah waxay u nool yihiin inay soo jiitaan dadka, halka dadka caqliga badan kaliya noolyihiin noloshooda. Fikraddaada ku saabsan qaab nololeedkooda macno ma laha.

Aad bay u kaftan badan yihiin una faraxsan yihiin. Waxay si fudud ula xidhiidhaan dadka kale.

Sida aad u hubiso talefankaaga gacanta marka aad guriga ka baxayso, qofka caqliga badan waxa uu aad u daneeyaa in aannu ilaawin qalinkiisa iyo buuggiisa

W/Q:- Ahmed A. Qaydare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here