Dalka France Oo 213 muslimiin wadankiisa ka tarxiilaya iyo sifaha uu cuskaday.

0
52

Walwaal Online; Dowlada Faransiiska ayaa kordhiyey cadaadiska uu ku hayo Muslimiinta ku nool dalkiisa, ka dib dilkii jimcihii duleedka magaalada Paris loogu geystay macalin arday uu wax u dhigayay tusay Sawir Gacmeed uu ku sheegay Nabi Maxamed NNKH.

Booliiska Faransiiska ayaa labadii maamood ee la soo dhaafay xidhxidhay dad badan oo muslimiin ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen in ay yihiin xagjiriin taageeray dilka Macalinkii ku gefay Nabi Maxamed NNKH.

Dowlada Faransiiska ayaa si gaar ah u beegsaneysa ururada Muslimiintu leeyihiin, waxa ayna arimahan uga faa’iideysanaysaa dilkii dhawaan wiil dhalinyaro ah u geystay Macalinka u gefay Nabi Maxamed NNKH iyo diinta Islaamka.

Booliiska ayaa baadhitaano iyo dabagal ku haya qaar ka mid ah ehelada ardayda Muslimiinta uu wax u dhigayay macalinka la dilay iyo dad kale oo baraha bulshada ku taageeray dilka macalinka loo geystay.

Advertisement

Dowlada Faransiiska ayaa qorshaynaysa inay wadankeeda ka tarxiisho 213 qof oo lagu sheegay dad xagjiriin ah oo ay ku jiraan 151 hada lagu hayo xabsiyada kuwaasi oo dib loogu celinayo wadamada ay kasoo jeedaan.

Cadaadiska lagu hayo Muslimiinta kunool dalka Faransiiska ayaa sii kordhaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxa ayna dowlada qaaday talaabooyin ka dhan ah dadka muslimiinta ah sidoo kale lagu cabudhinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here