Dalkan Dalluun Baad Ku Ritee, Mar Labaad Ka Ilaali. Fisal Ahmed Karshe.

0
250

> Maanta waxaa laga Joogaa 150 Sannadood markii la go’aamiyey in Somalidu aanay Shareecada Islaamka isku xukumin.

> Maanta 133 Sanadood ayaa laga joogaa markii la isla qaatay in aanay Somalidu hal xukun wadaagi karin, sidaa awgeed gooni gooni looga saxeexo wixii laga rabo hadba ee dano ah.

.In kasta oo ay jireen shirkado ganacsi oo ka joogay, haddana Ingriisku awood muuqata kuma aanu lahayn dhulka iyo xeebaha somalida wakhtigaas oo ahaa mid ka horeeyey heshiiskii baarliin code ee 1884 lagu qaybsaday Afrika, taasi oo ahayd mid ka dambaysay xilligii ay laciiftay Dowladii Islaamka ee lagu magacaabi jirey Kaliifadii Cismaniyiinta, waxaanay xukumeysay Afrikada Islaamka ah inteeda badan.

Taariikhda Cismaaniyiinta ayaa ah mid illa burburkeedii ka dib si kale loogu sheego dadkii hoos iman jirey ama wadamada islaamka, waxaana loogu dhigaa dugsiyadooda qaarkood sida ay reer galbeedku ku macneeyeen.

Advertisement

Dhacdooyinkii taariikhda galay ayaynu isku deyi in aynu qormadan ku dul istaagno, 25 Feb. 1870 . in Maj. Jen. Sir E.L. Russell oo ahaa madaxii magaalada Cadan u joogay Ingriiska ayaa waxa uu warqad u qoray Sir. C Gonne oo ahaa Xoghayihii ingiriiska u joogay mustacmaradii Hindiya ee Mumbai, waxaanu warqadaas ku xusay in uu xidhiidh la sameeyey wakiilka qarsoonaa ee Somaliya u joogay Mr. Mohamud Mahamed, isla markaana uu warbixin ku soo siiyey in Turkiga (khaliifadii cismaaniyiintu ku xoogaysanayo wadanka Somalida iyo xeebihiisa, Sidaasi darteedna haddii aan Ciidan Ingriis ah la keenin Dekedaha Bulaxaar iyo Berbera ay labaduba ka bixi doonaan gacanta ingiriiska, waqtigaa hortii Ingriisku 30 Sanno ayuu Yaman hore u sii joogay.

Jeneraalka oo hadal qoraalkii ka jawaabaya ayaa yidhi, ”Markabka Ingriiska ee “Sind” ciidan nooma saarra, waxaanuna u isticmaalaa sidii Markab Ganacsi oo kale, laakin markabka Cismaaniyiinta ee lagu magacaabo “Khartun” ee Berbera iyo Bulaxaar jooga waxa saaran ciidan waxaana uu halkaa joogaa 6 usbuuc, mudadaa haddii aan ciidan badeed oo Ingriis ahi aanay Badda ka soo muuqan si dhoola tus ah, Somalidu waxa ay Turkiga u aqoonsan doontaa awoodda ugu xoogan dhinaca Badda, iyada oo uuTurkigu (cismaaniyiintu) hadda si xawli ah ugu sii fidayo Badda Cas.

Maxamud (wakiilka qarsoon)waxa uu na xusuusiyey in ingriisku ay hore ula galeen odayaasha Somalida in aan Berbera iyo Bulaxaar cid aan ingiriis ahayn oo kale laga iibin Karin. Jeneraalkii Ingriiska ayaa mar kale yiri, ”Qabaa’ilada Somalidu waxay ogol yihiin in Dalkooda lagu xukumo Shareecada Islaamka, taasi waxay fursad siinaysaa Cismaaniyiinta, markaa waa in laga hor tagaa in Shareecada lagu xakumo Somalida,.

Sannadkii 1870kii ayaa Turkigu (cismaaniyiintu) u magacawday Gofernar lagu magacaabo Mumtaz Pasha, kaas oo maamuli doona laga Bilaabo Suez ilaa Cape Guardafui oo ay ku jiraan Dekadaha Berbera iyo Bulaxaar.

Dhismayaasha Taarikhiga ah ee Turkigu uga tagay dekeda Bulaxaar muuqaalka hoose ayaa muujinaya, magaalada berbera ayaa iyadana sawirada hoose muujinayaan istaraatiijiyadii deegaamaysnayd.

Isla Sannadkaa 5 tii Feb.1870, Jen. Russell ayaa waxa uu warqad u qoray taliyihii markabka ”Khratun” ee Cismaaniyiinta isaga oo ku leh, ”Ingrisku hore ayuu heshiis ula galay odayaashii Somalida”, hase ahaatee warqadaa waxaa diiday Gofernerkii Cismaaniyiinta ee mumtas Pasha.

19 April 1870 Turkiga (cismaaniyiinta) waxay si buuxda gacanta ugu dhigeen dhulkii la isku haystay, ka dibna sannadkii 1874, wasiir kale oo xallinta khilaafkaa dawladii cismaaniyiintu u soo dirtey oo lagu magacaabi jirey Rudwaan Pasha ayaa waxa uu yidhi, ”Berbera iyo Bulaxaar Ingriisku sooma gali karo”, Islaamkuna waxa uu leeyahay hal dowlad.

Saddex Sannadood ka dib 7 sept.1877 Turkiga iyo Ingrisku waxa ay ku heshiiyeen in xeebaha Somalida ilaa Xaafuun loo aqoonsado Turkiga (dawladii cismaaniyiinta),Turkiguna uu dhankiisa ka ogolaado in Berbera iyo Bulaxaar ay noqdaan Dekado Ganacsigoodu uu xor yahay “Free ports” .

Awooda ay lahaayeen ciidankii Badda ee Turkigu waqtigaa waxaad ka ogaan kartaa Museum yada-ka lagu ururiyo Taariikhda ciidankii hore ee Turkiga, waxaana ay indhahaagu qabanayaan noocyada kala duwan ee maraakiibtii dagaalka oo yar yar iyo waaweyn ba leh, madaafiicdii Cusleyd ee Badda ay u isticmaali jireen iyo sawir xusuuseedada Taalo ee Naakhuudayaashii maraakiibtaa dagaalka.

Qoraalkii Mr. Marques oo ahaa Xoghayaha Arrimaha Debadda Ingriiska, isla markaana uu u qoray Sir. A.H. Lagard 10/10/1887 waxa uu ku sharxay aragtidan, ”Somalida Qabiiladeedu dhaqan ahaan hal Qof go’aan uma gaadhi karo, sidaa awgeed waa in mid kasta goonidiisa hashiis loogala saxeexdaa”.

Sannad ka dib 14 Julay 1879 Safiirkii Ingriisku waxa uu telegaram u diray dowladdii Ingriiska, Telegaraamkaas oo Numbarkiisu ahaa ( N. 548) sida taariikhdu qorto, maalintaa laga soo bilaabo waxaa la dhaqan galiyey in Somali aan lagu Xukumin shareeco islaam, iyaduna aanay isku Xukumin shareecada islaamka iyo in Go’aankoodu aanu noqon mid hal meel laga wada go’aamiyo.

Maanta 133 sanno ka dib Somaliya ma ka jiraa maamul keligii metela oo go’aan ka gaadhi kara dhulka soomaalida ?.

Maanta oo ku muddeysan 150 Sanno ka dib, ma loo Ogol yahay in ay somalidu isku xukunto shareecada oo ay bedelato Koodishihii aynu ka dhaxalnay Isticmaarkii ?.

Masuuliyiinta soomaalida heer kasta ha joogeene arimahan wax ma iska weydiiyeen?.

In la is weydiiyaa ogow waa masuuliyad wadareed anniga iyo adigaba inaga saarane: Aragtidaadu adiga oo xor u ah, dabcan waad iska sixi kartaa, haddii aad xog ka dhiman ku kordhin kartidna wey ku sugaysaa.

ku mahadsanid akhriskaaga, lkn fahamkaagu waa kuu gaar.

Faisal Ahmed Karshe.

.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here