DAMACA LOO QABO, KURSIGA VILLA SOMALIA

0
430

Muqdisho (walwaal online), Waxaa aad isu soo taraya kala shakiga ka dhex ooggan madaxweynaha & Raisal-wasaaraha, kala shakigaa oo ku saabsan dhismaha xisbiga la doonayo in ay ku tartamaan kooxaha talada dalka hayaa, sida xogta xuuraanka lagu helayo madaxweyne Farmaajo, wuxuu todobaadkan horaantiisa, ama dabayaaqada todobaadkii hore, u diray ergo si ay war uga keenaan Raisal-wasaaraha, oo tiraba laba goor ka cudurdaartay in lagu dhawaaqo xisbiga.

Xisbigaa oo Raisal wasaare ku xigeen ka Khadar, ku hawlanyahay dhismihiisa, oo inta weli laga warqabo, laba xulay xubnaha Dirta waqooyi uga mid noqon doonta xisbigaa.Madaxwaynuhu wuxuu guddomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal iyo taliyaha NSA Fahad Yaasiin, ka codsaday in ay war la fahmi karo ka keenaan Xasan Cali Khayre, sida warku sheegayo madaxwaynuhu wuxuu ka jiifi waayey, hawlaha iyo isbahaysiga ay ka waddaan siyaasiyiin ku hayb ah Xassan Cali Khayre magaalada Nayrobi, siyaasiyiinta Murursade oo dhanka kalena xidid la ah Madaxweyne Farmaajo, waxay badheedhahooda ka cadaysteen doorkan in ay doonayaa in ay Xassan Cali Khayre ku fadhiisiyaan kursiga madaxwenenimo, maxaa yeelay, Xasan Cali Khayre wuxuu sahansaday, in aan bulunbul kaga oodnayn in uu ka fara maroojiyo Farmaajo kursiga madaxweynenimo, sababta oo ah, talo jilicsanaanta Farmaajo iyo qaylada isasoo taraysa ee kasoo baxaysa, mucaaradka iyo saaxiibada soomaaliya ee loo garan ogyahay beesha caalamka.

Ergadaa uu dirtay madaxweynuhu waxay Xasan Cali Khayre ku wargeliyeen in uu dhan uun u dhaco, waxayna farta ka saareen in aanay suura gal u noqonayn in isaga oo weli haya jagada Raisal wasaare,  aanay u suurtoobeyn in uu ka hor yimaado madaxweynaha, waase goor wakhtigu gabaabsi ku yahay farmaajo, mucaaradkiisuna maalinba maalinta xigta isasoo tarayo. Wixii aynu eegnaa ba waa ayaamaha soo beegan iyo wixii soo baxa waayo? Mudane Xasan Cali khayre wixii la baxnaaniyaaba waa inta bishan ka hadhay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here