Dhalinyarada u ooman xoriyadu waxay hurinayaan isku dhacyada Saxaraha Galbeed

0
69

Iyada oo qorax iftiimaysaa ay ka dambayso xayndaabkii ciidda ahaa ee gooyey dhulka lagu muransan yahay ee Saxaraha Galbeedka, guutada Sidata magaca Axmed waxay bilaabeen inay ridaan laba gantaal oo cirka isku shareeray dabadeedna waxaa xigay weerarkaa madaafiic.

Daqiiqado gudahood, madaafiic tiro badan ayaa u duushay jihada ka soo horjeedda, oo ka timid jagooyinka Morooko, kuna soo hoobtay saxaraha lama-degaanka ah ee loo yaqaan dhulka gumeystihii ugu dambeeyay ee Afrika kusii hadahay.

“Colaadaha isasoo taraya,” sida warbixin dhowaan ka soo baxday Qaramada Midoobey ay ku tilmaamayso, waxay ka socotey sanadkii la soo dhaafay masaafo 2,700-kiiloomitir (1,700-mile)-oo ah caqabada labaad ee Darbiga Weyn ee Shiinaha oo kala qaybiya Galbeedka Sahara ee Morooko ay ka taliso iyo dhulka ay haysteaan Jabhadda Polisario, oo doonaysa in dhulku noqdo mid madaxbannaan.

Ku dhawaad ​​30 sano dhulkan saxaraha ah ee Waqooyiga Afrika ee ku dhow baaxadda Colorad kuna fadhida kaydka fosfate-ka ballaadhan, wuxuu wajahayaa dhul kalluumeysi hayeeshee hodan ah waxaana la rumeysan yahay inuu leeyahay keyd shidaal oo xeebaha gaadhsiisan.

Advertisement

waxaa la sugayaa afti loo qaado dadka degaanka Sahrawigu si ay uga tashadaan mustaqbalkooda. Taa baddalkeeda, iyadoo wada-xaajoodka ku saabsan cidda loo oggolaan doono in ay codeeysaa ay soo jiitamaysey sanadao badan, Morooko waxayku adkeysay gacan ku haynta dhulkaa oo ahaa dhul uu gumeysan jireyi Isbaanishku ilaa 1975.

Sanadkii la soo dhaafay, Jabhadda Polisario waxay ku dhawaaqday inaysan mar dambe u hoggaansami doonin xabbad-joojintii 1991-kii oo soo afjartay dagaalkii dhuumaalaysiga ahaa ee 16-ka sano ay kula jirtay Morooko.

Go’aanka waxaa sii huriyay jahwareer ka dhex jira Sahrawiga oo badankood ku dhasheen xeryaha qaxootiga ee Aljeeriya, waligood kuma noolaan dhulkii ay ka yimaadeen, waxayna ka daaleen sugitaanka aftida ay Qaramada Midoobay ballan qaaday.

“Qof walba wuxuu diyaar u yahay dagaal,” ayuu yiri Axmed, oo in ka badan kala badh 32-ka ​​sano ee uu tirsaday ku qaatay Cuba ka hor inta uusan ku laaban dagaalka markii xabbad-joojintu dhammaatay sannadkii hore.

“Waan ka dheregsannahay. Waxa kaliya ee dib noogu soo celinaya dalkeenna hooyo waa tan, ”ayuu yiri Axmed oo farta ku fiiqaya qorigiisa AK-47, isagoo taagan safka hore ee Mahbas. waa meesha inta badan laysku weydaarsado hubka.

Axmed wuxuu caan ku yahay jiilka dhalinyarada Sahrawiga, badankood waxay u safreen dibadda si ay wax u bartaan, Spain ilaa Liibiya, laakiin waxay ku noqdeen xeryaha si ay qoysas u samaystaan. Waxayna u sheegeen odayaashooda inaysan doonayn inay ku dhintaan masaafuris, iyagoo aan lahayn mustaqbal ay ugu deeqaan carruurtooda.

“Nolosha dibaddu waxay noqon kartaa mid jirabaad ah,” ayuu yiri Omar Deidih, oo ah askari ardayna ka ah xagga amniga internetka oo dhowaan booqday jiidda hore ee Polisario isagoo kula hadlay wariyeyaasha shisheeye afka Ingiriisida. dhiig cusub yauu lahaan doonaa wejigan cusub ee halganku. ”

Suurtagalnimada, si kasta oo ay u fog tahay, in isku dhacyadu isu rogi karaan dagaal-goboleed dhammaystiran ayaa laga yaabaa inay tahay rajada kaliya ee Polisario ee ah inay fiiro gaar ah u yeelato iskahorimaadka iyada oo ay yar tahay khasaaraha la og yahay ee ka dhacaya dhulkaa ballaadhan ee lama-degaanka ah. Qaar badan oo ka mid ah xerooyinka ayaa dareensan in dadaalladii ugu dambayntii lagu dejinayay xaaladda Galbeedka Sahara ay sii xumaadeen tan iyo markii Morooko ay soo jeedisay ismaamul ballaaran oo dhulkaa la siiyo 2004tii.

Rajadii hore ee madaxbannaanida ayaa dhabar jab weyn ku dhacday sannadkii hore markii maamulkii Trump uu taageeray sheegashada Morooko ee dhulkaa, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in Morooko ay ku aqoonsato Israel. Dalal kale, oo ay ku jiraan xulafada ugu weyn ee Polisario Aljeeriya, waxay u aqoonsan yihiin Saxaraha Galbeed inay madaxbannaan yihiin, halka ay weli sii taageerayaan dadaallada Qaramada Midoobay ee xallinta wada xaajoodka.

Xiisadaha sii kordhaya ayaa helay dareenka Qaramada Midoobey, oo xooggiisa ay dusha kala socdeen xabbad-joojinta oo xoghayaha guud uu dhowaan u magacaabay Staffan de Mistura, oo ah diblomaasi Talyaani ah oo hore u ahaan jiray ergeyga Qaramada Midoobay ee Suuriya, si uu u maamulo wada-xaajoodka.

Hoggaamiyaha Polisario, Brahim Ghali, ayaa toddobaadkii hore ka digay in de Mistura ay tahay in amar cad laga siiyo Golaha Ammaanka si uu u sameeyo afti dadweyne. Saxaraha Galbeed ayaa hor-tegi doona Golaha 28-ka Oktoobar, marka ay xubnuhu u codeeyaan in la kordhiyo hawlgalka Minurso.

Gaadhitaanka horumarka ayaa ah arrin sharci u ah Polisario. Sanado badan oo kala qaybsanaan gudaha ah, colaadda cusubi waxay ku soo ururisay taageerayaasheeda gobannimo doonka hoggaankooda agtiisa, laakiin dad badani waxay ka baqayaan in natiijo la’aantu ay horseedi karto xagjirnimo dheeraad ah.

Xeryaha dhexdooda, waxaa xoog uga dhex muuqdaa walaaca qaxootiga, kuwaas oo lagu qasbay inay ka hortagaan halista noloshooda markii gargaarkii bani’aadamnimo ee ay ku tiirsanaayeen hoos u dhac ku yimid intii lagu jiray masiibada Corona vires.

Hawlihii caafimaadka ayaa la joojiyay, dawadii ayaa gabaabsi noqotay, waxaana qiimahoodii kordhay hilibka geela, adhiga iyo hilibka digaagga, ayuu yiri Dahaba Chej Baha oo 29 jir ah, oo qaxooti ku ah xerada Boujdour. Subax dhaweyd, hooyo haysta ilmo 3-jir ah ayaa hoos ka dhigatay tabeelaha, halkaa oo uu ku diley gaadhi xamuul ah oo Aljeeriya u siday dhalooyinka gaaska.

Chej Baha ayaa yidhi, “Wax walba halkan aad bay ugu adag yihiin,”

Walwaal.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here