Diyaaradda Fly Dubia ayaa la sheegay in ay saaka ka laabatay Hawada Hargeysa Sabab?

0
265

Hargeysa.(walwaal Online)Diyaaradda Fly Dubia ayaa la sheegay in ay saaka ka laabatay Hawada Somaliland iyadoo sida Rakaab ay Hargeyss keeni lahayd.

Diyaaradda ayaa sidoo kale Hargeysa ka qaadi lahayd Rakaab diyaar u ahaa in ay saaka raacaan Diyaaradaasi oo ay gayn lahayd Imaraadka Carabta.

Imaraadka Carabtu kuma jirin waddamadii Somaliland joojisay Duullimaadyadooda.

Weli lama hubo sababta keentay laabashada Diyaaradda laakiin arrintani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli Xukuumadda Soomaaliya amartay in dhammaan Duulimaadyada Caalamiga ah laga joojiyay Garoomada Soomaaliya.

Advertisement

Maamulka Madaarka Hargeysa weli kama hadal arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here