Fadeexada Pegasus. Maxaa ku qarsoon qolalka sirdoonka Israel?

0
47

Falcelintu way ka sii socotaa adduunka oo dhan, maaddaama baadhitaannada saxaafadda ay muujinayaan sida barnaamijka basaasnimada Israel ee Pegasus loogu bartilmaameedsaday dad awood leh, oo ay ku jiraan madaxweynayaal, saraakiil, saxafiyiin iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xoriyada. Marka maxaan ka ogaan karnaa fadeexadda Pegasus?

“Fadeexadani waxay noqon doontaa sheekada sanadka,” ayuu yiri agaasimihii hore ee CIA Edward Snowden xogaha la helay ee lagu bilaabay in lagu daabaco warbaahinta adduunka, ee ku saabsan fadeexada basaasnimada Pegasus ee lala beegsaday shakhsiyaadka saameynta ku leh adduunka, oo ay ku jiraan siyaasiyiinta iyo xirfadlayaasha warbaahintu.

Xogtan sirta ah, oo ay daabaceen 17 hay’adood oo warbaahineed oo caalami ah, taasoo ku saabsan barnaamijka basaasnimada Pegasus ee shirkadda Israa’iil ee NOS, wuxuu muujiyey in ilaa 50 kun oo shakhsi lala bartilmaameedsaday dabagal & ilaalin, taas oo la ogaadey in shirkaddu samaynaysay tan iyo 2016.

Xogaha dahsoon iyo baadhitaannada laga sameeyey Sheekooyinka ee ay sameeyeen hawlgalwadeenada warbaahintu, waxay awoodeen inay aqoonsadaan macaamiisha ay NOS daba gashay kuwaa oo ku kala sugan 11 dal oo kala ah: Azerbaijan, Bahrain, Hungary, India, Kazakhstan, Mexico, Morocco, Rwanda, Saudi Arabia, Togo iyo United Arab. Imaaraatka.

Advertisement

baadhitaanadaa la sameeyey waxay keentay in UN, ururada xuquuqda aadanaha, warbaahinta, Midowga Yurub iyo dowladahu inay cambaareeyaan falalkaa foosha xun ee basaasnimada ah.

Arintu cambaareyn iyo hadalo kaliya ma aheyn, dowladaha qaar waxay bilaabeen inay si sharci ah u qiimeeyaan, sida Faransiiska oo iyadu furtay baaritaan la xiriira basaasida saxafiyiinta.

Yaa ka dambeeya Pegasus?

Israel NOS waa shirkadda hooyada u ah ee horumarisa barnaamijka Pegasus. Shirkadan waxaa aasaasey dad horey uga soo shaqeeyey Unugga 8200, oo ka mid ah hubka sirdoonka Israel ugu awooda badan, shaqadiisuna waxay ku wajahan tahay basaasida hay’adaha iyo shaqsiyaadka aduunka.

Waxaa la ogaadey in Xiriir weyn uu u udhaxeeyo mulkiilayaasha shirkadaha teknoolojiyadda hogaaminaya iyo qeybta “8200”, iyadoo la ogyahay in inta badan agaasimayaasha NSO ay yihiin arday ka qalin jabisay cutubkan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo NOS ay wajaho eedeymo la xiriira basaasnimo ay aduunka ka fulisay, sanadkii 2014 ayaa lagu soo oogay in ay jabsiga WhatsApp dadka isticmaalo iyo basaasid.

Milkiilaha WhatsApp & Facebook ayaa khidad ka dhan ah NOS, 2019, u adeegsaday app khalad ah si loola socdo in ka badan 1,400 qof oo adduunka kala jooga.

Bishii Diseembar 2020, shirkadaha teknoolojiyadda, oo ay ku jiraan Microsoft iyo Google, ayaa ku biiray dagaalka sharciga ah ee Facebook ee ka dhanka ah NOS, waxayna dacwad kooban oo cabasho ah u gudbiyeen maxkamadda federaalka iyagoo sheegay in qalabka shirkaddu uu yahay xoog badan oo khatar badan.”

Maxaa ka dhexeeya waddamada khaliijka & Israel. gaar’ahaan Pegasus 3.

Wadashaqeyn amniga ah oo u dhaxeysa Tel Aviv iyo Riyadh ayaa ismuujisay sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan xilligii Mohammed bin Salman uu dardarta ku socdey isagoo adeegsaday NOS.

Bishii Nofeembar 2018, wargeyska Israa’iil ee Haaretz ayaa daabacay warbixin dheer oo ku saabsan shirkadda samaysa softiweerka wax lagu basaaso iyo la macaamilkeeda Sucuudiga. Dhowr bilood ka hor xadhiggii lagu xidhxidhay boqolaal amiirro iyo ganacsato ah, shirkaddu waxay siisay sirdoonka Sacuudiga barnaamijyo lagu jabsaday taleefannada gacanta, sida warbixinta lagu sheegay.

Kulankii ugu horreeyay ee dhexmara saraakiisha shirkadda iyo saraakiisha sarsare ee sirdoonka Sacuudiga waxaa lagu qabtay caasimadda Austria ee Vienna, bartamihii 2017, markii shirkaddu u soo bandhigtay Sacuudiga waxtarka uu leeyahay pegasus 3.

Si looga dhaadhiciyo dhinaca Sucuudiga awoodaha horumarsan ee barnaamijkan, kooxda Israel waxay ka codsatay xubin ka mid ah wafdiga Sacuudiga, Nasser al-Qahtani, oo isagu ahaa ku xigeenka madaxa sirdoonka Sacuudiga, inuu aado suuq laga iibsado iPhone lagana dukaameysto oo ku dhow goobta lagu kulansanaa. waxaana la siiyey lambar taleefan. Kadib waftigii sacuudiga waxay arkeen sida reer israaiil ay ugu suurta gashay jabinta taleefanka, dhageysiga kulanka iyo duubista filimka.

Kadib shirar badan oo isxigxigay, Riyaad waxay ku iibsatay barnaamijka $ 55 milyan. Sucuudigu wuxuu codsaday in laga iibsho 23 nuqul oo barnaamijkan ah si loo jabsado taleefannada mucaaradka Sacuudiga ee gudaha iyo dibedda, sida ay Haaretz xaqiijisay.

Xaalado la xiriira arimahaa, Haaretz ayaa shaaca ka qaaday iibka nidaamyada basaasida NOS ee daaha gadaashiisa ka dhacay . Shirkadaha israeli heshiisyada ay la galeen Imaaraadka iyo dowladaha kale ee khaliijka sanadkii wuxuu gaadhayey boqolaal milyan oo doolar, barnaamijka basaasida “Pegasus 3” si loola socdo dadka ka soo horjeeda nidaamka wadamadan, heshiisyadan waxaa lagu fuliyay taageerada. , dhiirigelinta iyo dhexdhexaadinta hay’adda rasmiga ah ee Israa’iil, sida laga soo xigtay Haaretz.

Israa’iiliyiintu waxay ku tijaabiyaan barnaamijyadooda Falastiiniyiinta si ay ugu suuq geeyaan adduunka

Israa’iil waxay basaastaa Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Gaza iyo dhulka la haysto, iyadoo ujeedkeedu yahay inay tijaabiso barnaamijyadeeda si ay ugu suuq geyso dibadda.

Jonathan Cook, oo ah suxufi Ingiriis ah oo fadhigiisu yahay magaalada Naasared ee Falastiin, wuxuu tilmaamay basaasnimada Israa’iil ee loo adeegsado in lagu korjoogteeyo Falastiiniyiinta muddo 24 saac ah, iyo sida barnaamijyadan loogu suuq geeyo dalal kale isla markaana ay Israa’iil u adeegsato xitaa waddamada reer Galbeedka si ay ugu basaasaan ka hortagga Dhaqdhaqaaqayaasha Israel, gaar ahaan BDS.

  • Author: Fields Net
  • Af-celintii Walwaal.com By: Hassan M. Dhiillood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here