Fatxi Almiskiini oo ah filasoof reer Tuuniisiya ah baa qoray kitaab ciwaankiisu yahay

0
193

في الهجرة الى الانسانية

“U qaxidda Dadnimada”. Oo halkee la ga qaxayaa, dadnimada loo qaxayaa se waa tee? Jidh ahaan, nafsad ahaan, caqli ahaan iyo aqoon ahaanba waxaa la ga qaxayaa dunida aynnu ka tirsan nahay ee Afrika iyo Carabtu u gu horreeyaan, waxaana loo qaxayaa Waqooyiga, dunida reer Galbeedka. Dunideennu waa ay musallaftay sababtaas baana loo ga qaxayaa. Oo maxay ka musallaftay? Wax walba: dhaqaale, farsamo, aqoon, nabad, xorriyad iyo qiyamka suubban oo dhan, waana caalam bahalnimo iyo dadqalnimo taallo.

Laakiin sug, ha moodin in ay qasab tahay in aad juqraafi ahaan dhulka ka qaxdo oo dhul kale tagto. Adiga oo dalkaaga jooga, oo magaaladaada jooga, oo gurigaaga jooga ayaad cawaannimada ka qaxi kartaa oo dadnimada u qaxi kartaa. Haa, naftaada, caqligaaga, aqoontaada iyo dhaqankaagaba bahalnimada ku gu xeeran waad ka rari kartaa adiga oo aan dhulka ka guurin. Hayaanka insaaniyaddu waa kaa.

WQ/ Ibrahin Hawd Yuusuf

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here