GORFEYNTA BUUGGA GARASHO

0
294

GORFEYNTA BUUGGA GARASHO
WQ; Cabdinaasir Axmed Abraham

Waa waajibe aan ku bilaabo magaca Alle weyne, uguna mahadnaqo in uu igu simay in aan wax ka idhaa buuggan. Intaa kaddib waxa aan idinku baraarujinayaa in la gaadhay, xilligii ay ciidamin lahayd ama gaashaan-qaadi lahayd, kala faker duwannaanshaha aragtiyaha qorani. Waxa aanay iila muuqataa dariiqa ugu habboon ee lagu sigib-tiri karo geediga kacdoonka qoraalka ee hadda raad-baradka ku ah idil ahaan deegaannada Soomaalida. Sidaa darteed ayaan qormadan ugu lafo-guri doonaa buugga Garasho.

“Buugga GARASHO; Maansadii abwaan Cabdilaahi Xasan “Ganey” oo uu qoray Rooble Cabdi Muuse, lagu daabacay Hargeysa-Somaliland ay daabacday shirkadda Sageljet. Tarmintiisii koowaad la sameeyay October.2019, ka kooban 288 bog.

Wuxuu ka kooban yahay toddoba cutub, guud ahaanna waxa lagu dhiteeyay siddeetan maanso oo toban gabayo yihiin toddobaatan ka kale na badaha kala geddisan ee maansada kala yihiin.

Advertisement

Ugu horreyn aan bogaadiyo dedaalka hor seeday in uu dhiganahani ifka u soo baxo ee uu hor kacayay Rooble Cabdi Muuse. Rooble waxa aan ku soo dhaweynayaa saaxadda qoraalka maadaama uu buuggiisii ugu horreeyay soo saaray. Si gaar ah waxa aan ugu hambalyaynayaa aragtida uu ka duulay ee ah; “Cilmiyaynta iyo lafo-gurka suugaanta Soomaalidu in ay qabyo ummaddeed tahay.”

Qaabka buuggu u qoran yahay waa hab igu cusub aniga, doc marka aan iska taago, waxa ii muuqanaysa in uu taariikh nololleed yahay, haddaan sababeeyo saddex arrimood uun baan caddayn u soo qaadan, kuwaas oo kala ah;
1. Taariikh nololleedka Cabdilaahi Xasan Ganey ayaa buuggu ku qoran.
2. Hawl qabadkii Cabdilaahi Xasan Ganey oo ah suugaantii uu tirayay idilkeed ayaa lagu diwaan geliyay.
3. Shakhsiyaad Cabdillaahi Xasan Ganey aqoon gaar ah u lahaa ayaa qofnimadiisa wax ka yidhi, waxa iyagana ka mid ahaa;
▪ Rashiid Xaaji Cabdillaahi (Rashiid Gadhweyne)
▪ Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Abees)
Saddexdaas qodob isku darkoodu waxa ay marag u yihiin in buugga Garasho taariikh nololleed yahay. Intaasi ba haddii ay kuu cuntami wayday akhriste su’aashan jawaab u raadi. Buugga Garasho marka aad akhrido taariikh nololleedka abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey na aad rabto in aad qorto maxaad ku dari lahayd inta buugga ku qoran?!
Lix iyo toban buug oo taariikh nololleed qof laga qoray ayaan soo akhriyay buugtaas aan akhriyay wax farqi ah oo u dhexeeya buugga Garasho iima muuqdo.

Geesta kale haddaan ka eegno qoraagu wuxuu buugga ku sheegayaa in uu u qoran yahay hab aqooneed cusub, wuxuu yidhi; “Dhiganahan falanqaynaya maansada abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey, waxa uu u qoran yahay hab-aqooneed ka xeel-dheer, kana heer sarreeya habka dareeriska ah ee inta badan loo qoro, loona soo gudbiyo maansada Soomaalida…” bogga.1aad.

Hadda ba haddaan sidaa qoruhu hadalka u dhigay u raacno waa falanqayn maanso oo Rooble Cabdi Muuse ayaa suugaanta abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey isagu aragtidiisa iyo sida ay ula ekoon tahay wax uga yidhi. Haddii ula jeedka buugga qorriinkiisa keentay ay tahay in Rooble Cabdi Muuse uu door biday, in badweynta suugaanta Soomaalida la shiilo, oo laga dhaliyo culuum hor leh oo innaga dahsoonayd, muxuu qoraha buuggu ku doortay suugaanta Cabdilaahi Xasan Ganey? Miyaan se la odhan karin in hal qof suugaantii buug lagu kulmiyo, waxa ka habboonaan lahayd in mawduuc la xusho sida; Xorriyadda, waddaniyadda, taariikhda, deegaanka, baroor-diiqda IWL kaddibna mawduucaas hal-abuurka wax ka yidhi maansooyinkoodii in lagu soo ururiyo, halkaas na lagu derso sida ay wax uga yidhaahdeen, iyo waxa ay ka yidhaahdeen. Si kasta ba ha ahaatee, haddii laga maarmi waayo in qoruhu uu suugaanta Cabdilaahi Xasan Ganey gaar ula baxo, waxa aan qabaa in aan loo baahnayn taariikh nololleedka Cabdilaahi waa haddii aanu buuggu ahayn mid taariikh nololleed.

GAFAFKA XAGGA DHIGAALKA

Guud ahaan khaladdo laxaad leh oo xagga dhigaalka ah ayaa buugga ku jira waxaanan u aanaynayaa in aan tafatirka wakhti hagaagsan la gelin sida oo kale jaan-gooyada iyo habsan u kala hormeynta qoraalka ayaan iyadana sidii caadada ahayn ee buugta qoraalkooda lagu yaqaannay ahayn. Waxa aanan khaladdada jira ka soo qaadan karaa kuwan;

b. Sixitaanka higgaadda khaladdo door ah baa buugga ka muuqda waxa aanay dhammaan gafafkaasi ka yimaaddeen xagga tafatirka oo aan wakhti wanaagsan la siin. Meelaha qaar xarfihii libin-laabmi lahaa lama libin-laabin halka meelo kale na kuwa aan toddobada libin-laabma ku jirin la libin-laabay,

t. Waxa buugga horraantiisa ku jira ciwaan luugu magac-daray; Faahfaahinta dhiganaha, kaasi oo barbar yaal gogol-dhigga kana madax bannaan, buugtuna ma leh wax la yidhaa, faahfaahinta buugga ee xog kooban oo duluc abbaar oo qoraagu si korka xaadis ah ugu tibaaxo macluumaadka buuggu sido waxa lagu soo qoraa gogol-dhigga.

j. Gunaanadka buugga waxa laga dhigay cutub dhan oo ka toddobaad ah, gunaanadkuna waa xog aad u kooban oo aan warqad iyo laba ka badnayn.

WAA KUMA CABFILAAHI XASAN GANEYGA SUUGAANTA KU BARAYSAA?
Intii aan buugga Garasho akhriyay waxa aan ka dhex bartay shakhsiyadda Cabdilaahi Xasan Ganey oo aan suugaantiisa ka raadraacay. Haddaan aad u soo koobo waxa aan ka xusi lahaa;
Hal-abuur suugaan ahaan iyo faker ahaan ba korriin wanaagsan samaynaya, rumaysan jiritaanka iyo kala madax bannaanshaha qarannimo Somaliland ku abtirsata iyo ummadnimo isir ka Soomaaliga ku aroorta. Waa qof xornimo faker oo badani ka muuqato iyo shakhsiyad naxariis badan, waxa aanan masanuuninayaa in uu wax jeclaaday xilli hore oo noloshiisa soo maray, sababtuna waa in maansooyinkiisa jacaylka ah damqasho badani ka muuqato. Intaas aan sheegay ba haddii aanay dhicin waxa ku xeeran abwaanka bukaan jacayl oo xaalado halis ah ku jira ama soo maray. Kuwaas la tacaaliddooda iyo booga-dhayistoodu waa suuro in ay xaalka hore ee aan kor ku soo xusay shabbahdo.

Suugaantiisa marka aad ka dhex eegto waddaniyaddu waa nin ay ku weyn tahay, dawladnimo badhaadhe horseedda helitaankeeda wuxuu geliyay faker door ah. Waa qof beer jilicsan inta badanna danyarta iyo bulshada qaybaheeda nuhul u damqada.

TARMINTA LABAAD IYO TALADAYDA
1. In buugga laga saaro taariikh nololleedka Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey sidaana uu ku noqdo buug suugaanta Cabdilaahi lagu lafo-gurayo.

2. Tafatirka buugga in wakhti wanaagsan la siiyo loo na hagar baxo.

3. In aragtiyaha waaweyn ee suugaanta Cabdilaahi ku dhex jira la muujiyo oo aan la dul ordin.

MAHAD IYO MAGAN ALLE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here