Hal haysyaddii caanka baxay ee AHUN Cabdi Mallow

0
439

1. Dhaaxay fogos xumi faraha i jartee

Haddaan fuulay gaadhi foodhi leh.

2. Sidii bahalkii Biriishka ka dhacay

Baraarugay goor la soo baxay

Advertisement

Birtiyo jiidhay labada Baabuur

Ilaahay ballankii barqaan Kacay.

3. Ninkii badsada labada bagaf

Bartaa basadaa bannaanata.

4. Hablaha mida muuqa wacaniyo

Nin Mooto wataa intaanu i marin

Magaalada maan iskaga tego.

5. Dukaanyoow Sonkortiyo Sabiibta gadaa

Saciyo Wayshu maysku sixirbaa?

6. Baqayo reer magaala baa na bartoo

Biliyo laba wuu na booqanayee

Baraarkeena naaxay waan u baqayaa.

7. Kolayba dhintayoo dhulkii u dhacee

Ha dhuuxaan lafahayga dhaadheer.

8. Intaan Weysha yar waraabinayay

Sacii Weynaa maygu Weyraxay.

9. Intaan waqlihiyo wareerkani dhicin,

Wajaale wanaagsanaydee.

10. Cibaadaysaan cindiga ku hayee

Daniba waygu celin ciyaaraha

11. Haddaanan geedyahaw ku googayn

Haddaanan gunta hoose kaa goyn

Haddaanan guran gaydhe kaa baxay

Waa haddaanan gob ahayne hay garan.

12. Daasadda dhuxushaan dab nool ku arkoo

Dhookheygu dixduu u soo dhacey.

13. Dumbuluq iyo Daami mooyee

Dadkii kale wuu dagaalamay.

14. Waa kuwaa waylihi wareegaayee

Ma raggii wadi jiru wakhtigu gabay?!

15. Nin caqaarta hayaan ku caashaqine

Cad baa kugu yaal caqiibo leh.

16. Adigiyo hooyadaa ba waan ka helee

Hannaanka ma hiddaa u leediin?!

17. Goorma dooxii Herer dekedo yeesho

Dunbuluq laga raacay doonida.

18. Waxaygii carmal iyo caqaar siistee

Miyaan cawryi cawlahaa kacay.

19.Golosow Dhego-weyne kala dhimatee

Ha dhuuman dhabarkoo ku soo jeedee

Ku dhimatee Herer iskaga dhoof!

20. Inanta hooyadeed hadhuudhka tuntaa

Hufidda iyo haadiskay barataa.

22. Bariis mid cuntaan ka badin waynee

Mid biirka cabtana maxay baray?!.

23. Hablo kaa wacan baa wadada marayee

Ha weecweecin jidhkaaga weyda ah.

24. Adoo yara maqan hadday maaleen

Magowgu candhadii ka madhan maayee

Maxaa ka micnaa miskiinyahaw?!

25. Wixii Ina Caalin cagagsadey

Ayuu Cabdi-Malow ka caymaday.

26. Gaajada ka bax baan guntiga u xidhee

Ma haddaan galay geerashkeedii!

27. Markuu toorigaygu toosnaayeen

Hablaha toban toban u layn jiray

Taadaa soo kale waan la tiigsan jiree

Inaan taag dareeyay baad tuhuntay

Tolaay iga qari talaabada eey.

28. Intaan dhiilliyo dhibtani iman

Dhammuhu dhar wanaagsanaayee.

29. Sidii baan u rudhaa sanyare dhaha

Sariir u hurdaa sanyare dhaha

Sabiib u cunaa sanyare dhaha.

30. Ri’ magaalo waligeed

kay wada raboobeen

Maba raali galisee

Rabaso orgac joogeey

Dabada u ruxaysaa!.

31. Hadday dibjiraan dugaag ma cunee

Halay daayo dumarka waaweyn.

32. Isteelka horaa indhaha gubayee

Intaada dambaa istaahila.

33. Allaha ku abuurey eed ma lahee

Indhihii ku arkaa ayaan daran.

34. Waa kuwaa Waylihii wareegga bartee

Ma raggii wadhfin jiraa wadkii galay?!

35. Qardhoo hodanaan ka qaylinayee

Ma haddaan galay Qaaba-qawseyn.

36. Ninkii dalmaraa dad nool ba arkee

Dashiishena dooxo wada nimi.

37. Hablaha wanlawayn wanaagga dushaa

Iyo isma ba laha weelka hoosyaal.

38. Tufaaxiyo liinta taataaboo

Tamaandhada hoose haw tagin.

39. Adaa dhiisalada dhaqaajin jiree

Xaggee dhoojka laga istaadhaa?

40. Nafaan seexanayn salaada horteed

Silcaysa sideen idhaaahdaa?

41. Gabdhana maahee guntiinadan

Hilbana maahee labada harag.

42. Haddii Cabdi-Malaw ciyaarta ka hadhay

Ayaa cuni cawlahaa kacay?

43. Ninkii naag cas caashaq uu ka hayoow

Bal ciir dhiga caynaday noqon

44. Markaan manka iyo magoolka jeclaa

Geedkii midha le ba markaan ku marnaa

Miyaad ka maqnayd magaalada?

FG: Waxa ururiyay : Ibraahim Xuseen ‘Masxaf’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here