Heshiiskii khatarta geliyey jiritaanka Soomaaliland ee meel marka noqon waayey.

0
515

Muqdisho (Walwaal Online)- 13kii bishii Janaayo sanadkii 2020kii ayaa waxaa shir magaaladda Addis Ababa ku dhex maray siyaasiin ka soo kala jeeda goboladda Sool, Sanaag, Cayn, Awdal iyo Togdheer lagu soo gabagabeeyey in lagu dhiso maamul goboleed ay beelaha goboladaas dega ay ku mideysan yihiih, maamulkaasoo lagu mideyn lahaa maamuladda  Golis State iyo Awdal Sate.

Kulankan oo u muuqday mid laablakac ah ayaa haddii uu hirgeli lahaa wuxuu khatar aan la dhayalsan karin ku noqon lahaa jiritaanka maamulka isku magacaabay Somaliland.

Shirkan oo nuxurkiisu ahaa in la mataaneeyo maamulada Golis State iyo Awdal State oo lagu midoobo magaca cusub ee Maamul Gobleedka Waqooyi ee Soomaaliya (North Satate of Somalia), si shacabka goboladaas ay awood ugu yeeshaan inay Somali-weyn wax la qaybsadaan.

Qodobada Nuxurka Heshiiska Maamul Goboleedyadaasi ku midoobi lahaayeen ayaa laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen.

Advertisement

2.In Midnimada iyo Qarannimada Somaliyeed tahay mid muqadas ah

3.In Labadda maamul Goboleed ee Awdal State iyo Golis State ay iska kaashadaan Nabadgalyada xuduudaha Dawlad Goboleedada iyo Xuduudaha Dawlad Degaanka Somalida iyo Xeebaha Waqqooyi & guud ahaan Geeska Africa.

4.In Daladda Guud ee NORTHERN STATES OF SOMALIA ay Si buuxda ula shaqayso Dowlada Faderaalka Somalia.

5.In Daladda Guud ee Northern States of Somalia ay si buuxda ula shaqayn doonto Maamul Goboleedyada kale,si waafaqsan Dastuurka Faderalka Somalia.

6.In Labadda Maamul Goboleed ka midaysan doonaan siyaasada, Difaaca iyo Dhaqaalaha Iyo Difaaca Dhulka Somaliyeed

7.In Dhamaan muwadiniinta Somaliyeed ee ku dhaqan Degaanada Northern states of Somalia la xaquuq yihiin muwaadiniinta bulshada Gobolada Waqooyi

8.In Dawlad Goboleedka Northern States of Somalia Dastuurkeeda saldhig u yihiin Shareecada Islaamka iyo kan  Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya(JFS), dhaqanka suuban, nidaam caddaaladeed, nabadda, tala-wadaaga, dimuqraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan

9.In Xarunta iyo Caasimada Northern States of Somalia si ku meelgaadh laga dhigi doono Magaalda Buuhoodle ee G.Togdheer

10.Beelaha Heshiiskani dhex maray ee Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer oo noqonaya 85% mushtamaca ku dhaqan Gobolada Waqooyi in laga bilaabo wakhtigaas inaanu ka mid yihiin Dawladaha Faderalka Somalia.

Haddaba, inkasta oo tallaabadaas ay siyaasiyiinta Somaliland u arkayeen mid shirqool siyaasadeed ah oo khatar ku noqon kara jiritaanka dowladda iskeed isu magacowday ee Soomaaliland ayaa la rumeysan yahay inay maskax iyo dhaqaale fara badan u adeegsadeen inuusan sinaba mashuurca ay goboladda darfuhu ku heshiiyeen uusan sinaba u hana qaadin.

Dhinaca kale waxaa fikirka ajandaha maamul dhisida maamul goboleedka cusub ee NORTHERN STATES OF SOMALIA  ay u badnaayeen Qurbajoog hoolkii ay shirka kaga kaceen uu ku ekedaayo hadal haynta maamulkaas ay Qurbajoogtu soo dhoodhoobeen.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa dadka siyaasadda fallanqeeya ay rumeysan yihiin in inkasta oo uu dhicis noqday fikirkii lagu abaabulay dhisitaanka maamulka NORTHERN STATES OF SOMALIA misana ay dhici karto in xilli walba boorka dib looga jafi karo, maadaama ay sii yaraaneyso kalsoonidii shacabka ee lagu qabay maamulka Somaliland.

La soco qayb kale oo aynu kaga hadli doono sababaha ay u hirgeli waayeen maamuladii gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn laga dhisay ee ay ugu danbeysay Maamulkii Khaatumo.

WQ. Mohamed Said Omar (Kashawiito)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here