Imaaraadka oo arrin Turkiga ka dhan ah Maraykanka u bandhigay & jac lagu dhejiyey!

0
78

Walwaal Online; (Abuu Dabeey) 22 Sebt 2020 – Dhaxal-sugaha Abuu Dabeey, Mohamed Bin Zayed, ayaa wuxuu  Pentagon u bandhigay soo jeedin ah inay saldhig cireedka ay ku leeyihiin Incirlik Air Base ee Turkey ay u soo raraan Imaaraadka, sida uu faafiyey New Khaleej.

Ilo wargal ah oo wargayska xog siiyey ayaa daboolka ka qaaday in ujeedkan uu ninkani ku doonayo inuu Maraykanka u muujiyo sida qotada dheer ee uu ula shaqaynayo, isagoo taa biddaalkeeda hoos qodaalaynaya Turkiga.

The New Khaleej oo soo xigtey Tactical Report, oo ah warqaad faaqida arrimaha sirdoonka ayaa intaa raaciyey in Bin Zayed uu doonayo inuu danaha istaraatijiga ah ee Abuu Dabeey ka sara mariyo wax kasta oo kale, taasoo ay ku jirto xiddhiirka gaarka ah ee ka dhexeeya Bin Zayed iyo MW Maraykanka ee Donald Trump.

Yeelkeede, Maraykanka ayaa Talaadadii dhowayd arrintan ka sii hadlay, iyadoo uu afhayeenka Pentagon ee Gaashaanle Thomas Campbell uu u sheegay wakaaladda Turkiga ah ee Anadolu in Maraykanka “aanay haatan u qorshaysnayn inuu ka guuro saldhigga Incirlik Air Base.”

Advertisement

Warka MBZ ayaa xigey mid uu horay u sii sheegay Senatarka midigta ah ee Maraykanka, Ron Johnso, kasoo u sheegay Washington Examiner in Maraykanku uu doonayo inuu u soo wareego gasiiradda Giriigga ah ee Crete si uu uga maarmo Incirlik.

“Maraykanku wuxuu tobannaan sanadood ku sugnaa saldhigga  Incirlik Air Base oo ay u fasaxday Dowladda Turkigu, taasoo muujinaysa xidhiidhka xoogga ah ee ka dhexeeya Maraykanka iyo dalka aannu xulafada NATO nahay ee Turkey,” ayuu yiri Campbell.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here