Incentive-Salience Theory

0
137

Marna ma isweydiisay maxaad “Facebook”, “Youtube”, “Tick-Tock”, “Snapchat”, “Instagram” ama noocyada kale ee “Social Media” u caadaysatay in aad joogto u gashid, waqti badan ku bixisid ama ay u muuqatay in ay balwad kuu noqotay, si la mid ah balwada dadka qaadka cuna, sigaarka cabba, ama maandooriyaasha kale?

K. C. Berridge & T. E. Robinson, waxay ku faafiyeen”Journal”-ka “American Phycologist” (Am Phycol., 2016, 71 (8): 670-679), cilmi-baaris la xiriirta “Brain Mechanism” oo ku saabsan sida maskaxda u qaabisho labada dabeecadood ee doonida “Wanting” iyo rabitaanka “Liking”. Labadaan dabeecadoodba waxay maskaxdu u isticmsashaa abaalmarinta iyo dhiirigelinta (Reward and Motivation) waxyaalaha qofku jecel yahay, ka helo, ama u macaansado.

“Incentive-Salience” ama “Wanting”, waxaa lagu fasiri karaa “Baahi” waa nooc dhiirigelin ah (A form of motivation) oo ka dhasha caadaysi ama balwadaysi si ka baxsan sida caadiga ah, waxaana “Control”-la dheecaanka maskaxda “Neurochemical” ee loo yaqaan “Dopamine” oo lagu naanayso “Go-Get-It Chemical”.

Markasta oo “Level”-ka dheecaankan kor u kaco ama muddada ay jirka ku jirto dheeraato (Relative Effect vs. Time”, baahida iyo rabitaanka qofka uu u qabo ficilka keenay carinta (Stimulus) kor bay u sii kacaysaa ilaa ay gaarto in uusan qofku ka maarmin (Addiction).

Advertisement

Hadaan u soo noqono, su’aasha hore ee “Social Media”, jawaabta waxaa laga dheegan karaa “maxaynu ka galnaa, daawanaa, ama kala soconaa” marka aynu galno baraha bulshada?

Hadaad u fiirsatid, dadka loogu raacniin “Following” ama taxnaan badan yahay, ama loogu daawasho badan yahay waxay soo daayaan waxyaalaha naftu jeceshay, maslaxduna abaal mariso, kadibna keena la qabsiga “Addiction”. Waxyaalahaas naftu jeceshahay xoogooda waa waxyaalo aan dani ugu jirin sida “Pranks”, “dad jirkooda soo bandhigaya”, “dad bulshada dhexkeenaya waxyaalaha laga sariigto ama laga xishoodo”, “heeso iyo dhaanto” iwm.

Waxaa cajiib ah, in “Algorithm” baraha bulshada u dhisan yahay sida maskaxda u shaqayso oo qofka ay ku abaalmariso waxyaalaha uu jecelyahay ama daawado. Waxaa markasta kuu soo baxaya ama “FB” iyo baraha kaleba si aadan ku talogelin kuusu soo afuufayaan wax la mid ah waxyaalaha aad xiisaysid ama daawatid (Similar to the brain reward system).

Balwada noocaan oo kale ah waxay u baahan in laga haro, rabitaan adag (Strong will), iyo daawayn maskaxeed hadii loo baahdo.

Dad badan baa la xanuunsan balwadaan oo aan is ogayn, daqiiqad, daqiiqad u gala ama waqti dheer ku foorara.

Ku baraarug in aad xanuunsan tahay haddii gelidaada iyo isticmaalkaaga baraha bulshada uu ka bato isugayn 30 daqiiqo maalinkii.

Ogow haddii la isu geeyo waqtiga tukashada shanta salaadood ee waajibka ah maalinkii oo dhan kama badna 30 daqiiqo celcelis ahaan!

W/Q: Mohamoud A Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here